Aryan Khan: Nin Muslim ah oo is qarinayay miyaa xiray wiilka Shah Rukh Khan?

Aryan Khan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wiilka uu dhalay xiddigga Bollywoodka, Shah Rukh Khan ayaa xabsiga damiin looga sii daayay balse waxaa wali socda hadalheynta wararka ku saabsan xariggiisa iyo dhacdooyinka hareeyay.

Si la mid ah sida loo hadal hayo Aryan Khan oo loo heysto eedeymo la xiriira daroogo, waxaa kale oo la hadal hayaa askariga xabsiga u taxaabay, haddana dooddu waxay u jiheysatay dhinaca diinta uu heysto Sameer Wankhede oo sarkaalka ka tirsan Laanta la dagaallanka Maandooriyaha ee dalka Hindiya.

Waxaa su'aalo badan la iska weydiinayaa "inuu yahay Muslim ama inuu yahay Hindu", dooddaasina waxay billaabatay kaddib markii uu nin siyaasi ah sheegay in Sameer uu qarinayay diintiisa "si ay ujeeddooyin shakhsiyeed ugu hirgalaan".

Nawab Malik, oo ah Wasiirka xukuumadda ee gobolka Maharashtra ahna hoggaamiyaha xisbiga NCP ayaa eedeymo waaweyn u jeediyay Mr Wankhede oo uu ku tilmaamay nin si khaldan u adeegsanaya awooddiisa la xiriirta la dagaallanka daroogada.

Sameer Wankhede

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka, Sameer Wankhede

Siyaasiga ayaa si isdaba joog ah u qabanayay shirar jaraa'id oo uu ku weerarayay askariga, waxa uuna sidoo kale bartiisa Twitter-ka soo dhigayay muuqaallo iyo sawirro cusub oo isla arrimahaas uu ku sheegayo.

Doodda ku saabsan in Wankhede uu yahay Muslim ama Hindu

Nawab Malik ayaa Twitterka ku shaaciyay warqad dhalasho oo uu sheegay inay tahay mid uu ka muuqdo magaca rasmiga ah ee Sameer Wankhede, oo ah "Sameer Daa'uud Wankhede".

Warqaddaas ayaa dadka muslimiinta ah loogu diiwaangeliyaa magacooda rasmiga ah, sida ay qortay BBC-da laanteeda luuqadda Hindiga.

Malik ayaa ku andacooday in Wakhende uu yahay nin Muslim ah, si uu shaqo u helana uu warqadda loo yaqaanno Shahaadada SC u sameystay qaab sharci darro ah ama been abuur ah.

Arbacadii ayuu sidoo kale Malik sheegay in Sameer xaaskiisii hore lagu magacaabo Dr Shabana Qureshi. Waxa uu sheegay in qoraallada Twitter-ka ah ee uu soo dhigayo iyo caddeymaha uusan uga dan lahayn inuu soo bandhigo diinta Wankhede balse uu doonayo inuu muujiyo sida uu u sameystay warqado been abuur ah.

Wasiirka qaabilsan Maharashtra, Nawab Malik, ayaa si cad u weeraray hay'adda NCB iyo Mr Wankhede

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasiirka qaabilsan Maharashtra, Nawab Malik, ayaa si cad u weeraray hay'adda NCB iyo Mr Wankhede

Sameer oo ka jawaabayay arrinta la xiriirta warqadda dhalashada iyo isaga aqoonsigiisa ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegayo in ficilkaas uu yahay mid meel ka dhac ku ah arrimaha khaaska ah ee qoyskiisa, xogtooda khaaska ahna si ulakac ah loo fashilayo.

Waxa uu sheegay inuu "kasoo jeedo waalidiin diimo kala duwan leh oo dhaqankooduna uu kala duwanaa, sidaasna uu ku faraxsan yahay".

"Marka arrintan laga hadlayo, waxaan rabaa inaan sheego in aabahey Shri Gyandev Kachruji uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray booliska, uuna howlgab noqday 30-kii bishii June ee sanadkii 2007-dii. Aabehey waa Hindu hooyadey Mrs. Zahida oo dhimatayna waxay ahayd Muslim," ayuu ku yiri bayaankiisa.

Xaaska Wankhede, Kranti Redkar

Xigashada Sawirka, Instagram/Kranti Redkar

Qoraalka sawirka, Xaaska Wankhede, Kranti Redkar, waa atariisho caan ah

Sameer xaaskiisa, Kranti Redkar, oo ah atariisho soo jisha filimada Hindiga, ayaa sidoo kale ka jawaabtay weerarka loo geystay ninkeeda, iyadoo sheegtay in aysan waxba ka jirin hadallada kasoo yeeray Wasiir Nawab Malik iyo sawirrada uu ku faashiyay Twitter-ka.

Twitter ay lafteeda soo dhigtay ayay ku sheegtay in iyada iyo ninkeeda labaduba ay heystaan diinta Hidu-ga, waligoodna aysan diin kale qaadanin, ayna xushmeeyaan diimaha kale.

Waxay tiri: "Sameer aabihiis xitaa waa Hindu wuxuuna guursaday soddohdey oo Muslim ah, haddana ma joogto adduunka. Sameer guurkiisi hore wuxuu ahaa mid ku saleysnaa sharciga khaaska ah waxayna is fureen sanadkii 2016-kii. Guurkeenna wuxuu ahaa mid ku dhisan diinta Hindu-ga, oo dhacay 2017-kii."

Aryan Khan oo ay ka billaabatay hadal heynta ayaa Jimcadii lagu sii daayay damiin kaddib markii uu xabsiga ku xiray muddo afar isbuuc ah. Siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah jilayaasha filimada ayaa garab istaagay qoyska Shah Rukh Khan ee wiilkooda laga xiray.