Maxay weli xaaladda ugu cakirantahay wiilka atooraha caanka ah ee Shahrukh Khan?

Xigashada Sawirka, DEEPAK SALVI/AN
Wiilka uu dhalay xiddigga Bollywood-ka, Shah Rukh Khan, ee Aryan Khan, oo xabsiga loo taxaabay 3-dii bishaan Ocotbar ayaa wajahaya eedeymo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo dhaliilo kale tan iyo markii ay xabsiga u taxaabeen ciidamada ka howl gala laanta la dagaallanka maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NCB.
Xitaa ka dib markii ay ku dhawaad saddex toddobaad ka soo wareegatay, kiiskiisa weli waxaa looga hadlayaa bogagga hore ee warbaahinta Hindiya, waxaana ababta ugu weynna lagu sheegay inay tahay in Aryan Khan uusan awoodin inuu dammaanada ka helo maxkamadda illaa hadda.
20 -kii Oktoobar, maxkamad gaar ah oo ku taalla Mumbai ayaa diiday in damiin lagu sii daayo Aryan Khan iyo laba eedeysane oo kale.
Inkastoo ay maxkamadda diidday dammaanadda,hadana waxay xukuntay in wax daroogo ah laga helin Aryan Khan laakiin waxay raacisay in Khan uu ogaa in saaxiibkiis Arbaaz Merchant uu haystay walxaxa la mamnuucay ayna wada joogeen Sidaa darteed, waxaa loo tixgelin doonaa oo lagu qaadi doonaa dambiga ah inuu ogaa maandooriyaha saaxibkis lugta kula jiray). Lix garaam oo darooga ah ayaa laga helay Arbaaz Merchant.
Khan ayaa laga soo dejiyay markab dalxiis oo ka yimid Mumbai oo ah magaalada ay qoyskiisu ku nool yihiin - waxaa uuna xilligaas ku sii jeeday goobta loo dalxiis tego ee lagu magacaabo Goa.
Xaaladdan oo kale, khubaradu waxay rumaysan yihiin in dhammaan dacwadda NCB ay diiradda saarayaan xaqiiqda ah in Aryan Khan uu ku lug lahaa safrinta maandooriyaha sidaa ma sahlanaan doonto in maxkamaddu damiin ku sii deyso.
Qareen Ashima Mandla ayaa sheegaysa inay u muuqato inay jiraan khaladaad badan oo ku jira kiiska dacwad oogista Aryan Khan.
Waxay tiri, "Dacwadaha lagu soo oogay eedeysanaha waxay la xiriiraan lahaanshaha iyo isticmaalka mukhaadaraadka. Laakiin xeer -ilaalintu ma awoodin inay soo saarto caddeymo adag oo lagu xaqiijinayo eedeymahaan."

Xigashada Sawirka, ARYAN KHAN/INSTAGRAM
Iyadoo go'aamisay inaan lagu seeideyn dammaanad, maxkamaddu waxay kaloo tixraacday farrimaha WhatsApp -ka ee NCB hor keenay.
Maxkamaddu waxay sheegtay in farriimaha WhatsApp -ka ah, la ogaaday in Aryan Khan uu dad aan la garanayn kala sheekaysanayay arrimaha daroogada.
Sababahan dartood, maxkamaddu waxay sheegtay inay u muuqato in Aryan Khan uu xiriir la lahaa dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo uu si joogto ah ugu lug lahaa falal la xiriira daroogada.
Sidaa darteed, lama dhihi karo inta muddada dammaanadda uu ku guda jiro, ma sameyn karo dambiga kan la mid ah Khan.
Maxkamadda khaaska ah ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan caddaymo prima facie ah oo ku saabsan shirqool kiiskaan oo si qoto dheer looga hawlgeli doono inta dacwaddu socoto.
In kasta oo kooxda difeeyso ay sheegeen inaysan jirin wax caddayn ah oo ka dhan ah Aryan Khan oo la xiira kiiskan, haddana maxkamaddu waxay sheegtay in dhammaan eedaysanayaasha dacwadda ay isku xidran yihiin oo ay u muuqato inay qayb ka yihiin shabakad weyn.

Xigashada Sawirka, ANI
Arrinka oo dhan ma wuxuu ku saleysan yahay wada sheekaysiga dhanka WhatsApp-ka?
Sida laga soo xigtay khubarada, marka la fiiriyo waxyaabihii soo ifbaxay ee la xiirira kiiskan ilaa hadda, waxay u muuqataa in kiiska NCB ee ka dhanka ah eedeysanayaashaan uu salka ku hayo wada sheekaysiga WhatsApp oo keliya.
Dhacdo tan la mid ah ayaa dhacday sannadkii hore intii lagu jiray xiritaankii atariishada Rhea Chakraborty. Kadib dhowr maalmood oo su'aalo weydiin ahayd, NCB ayaa bishii Sebtember ee sanadkii hore xirtay atariishada Bollywood-ka ee Rhea Chakraborty, iyada oo loo qabtay kiis la xiriira daroogo.
Maxkamadda sare ee Bombay ayaa Riya Chakraborty dammaanad ku siidaysay sannadkii hore kadib markii ay xabsiga ku jirtay 28 maalmood.
Qareenada Aryan Khan ayaa sidoo kale u dhaqaaqay Maxkamadda Sare ee Bombay waxaana dhageysiga damiintiisa la horgeyn doonaa maxkamadda 26 -ka October.

Xigashada Sawirka, ANI
Virag Gupta wuxuu leeyahay, "Haddii sheegashadani ay run tahay, markaa maxaa NCB ugu talageli weyday inay aruuriso caddeyn kale marka laga reebo wada sheekaysiga WhatsApp iyo bayaannada qirashada eedeysanaha?"
"Su'aashu waxay tahay, maxaa akoonka bangiga ee Aryan loo eegin oo aanan loola xiriirin kiiskiisa?"
Vikas Singh wuxuu rumeysan yahay in NCB ay qabtaan dadka magaca leh si ay u soo jiitaan dareenka warbaahinta.
Sidoo kale wuxuu aaminsan yahay in NCB ay si khaldan u isticmaasho sharciga si ay u dhibaateeyaan dadka.










