Maxay tahay 'Diinta Cusub' uu mamnuucay Imaam Axmed Al-Tayib?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba maalmood ka hor, khudbad uu Imaamka Al-Azhar Al-Shariif, Imaam Axmed Al-Tayib uu jeediyey wuxuu kaga hadlay 'Diinta cusub ee Ibraahimiyada' wuxuuna ku qaaday weerar cad isaga oo ku tilmaamay "Riyo aan rumoobeyn", isaga oo sheegay in lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo khilaaf soo jiitamayey in ka badan hal sano iyada oo la adeegsanayo isgaarsiinta casriga ah. Haddaba waa maxay sheekadu?
Maxay tahay Diinta cusub ee Ibraahiimiyada?
Ilaa iyo hadda si rasmi looma shaacin ama looguma dhawaaqin diintan cusub ee loogu magac daray 'Diinta Ibraahimiyada', mana laha wax aasaas ah iyo dad aaminsan toona.
Balse, waa mashruuc in muddo ah hadal heyntiisu ay socotay, taasoo lagu sheegay iney tahay diin lagu mideeynayo ama laga soo min guuriyey caqiidooyinka ugu muhiimsan ee seddexda diimood ee Muslimka, Kirishtanka iyo Yahuudda loona bixiyey diinta Ibraahimiyada iyada oo loo nisbeynaya Nabi Ibraahim (CS).
Hadafka mashruucan laga leeyahay ayaa wuxuu yahay "in ahmiyad gaar ah la siiyo xirirka diimaha iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo isku dhac keenaya ama bulshooyinkana isku dhac ka dhex abuuraya".
Ujeeddada la sheegay iney diintan cusub ka dambeysa waxaa lagu sheegay iney tahay in "Bulshooyinka iyo waddamada dhexdooda nabad laga dhex abuuro si khilaafka meesha looga saaro."
Xilligan maxaa ku soo beegay?
Laga soo billaabo xilligaa waxaa soo taagnaa hadal heyn iska horimaneysa oo ka soo horjeedda oo muddo sanad ahna soo socotay.
Halka dadka qaar ay isweydiinayaan sababta uu Imaamka Al-Azhar arrimahan uga hadlayo, iyadoo kuwa kalana ay markii ugu horreysay arrintaba ku maqleen khudbaddii Imaam Al-Tayib.
Guud ahaan khudbadda uu jeediyey Sheikh Azhar waxay ku qotantay diiraddana uu ku saaray kala duwanaashaha diimaha.
Fikirka in la aasaaso gole ay ka wada tirsan yihiin reer Masar aasaaskiisa wuxuu yimid kaddib marki ay kulmeen Kaniisadaha Saints ee ku yaalla Masar ayna qabanqaabiyeen kulan ay yeesheen Baadari Shenouda III iyo wafdi ka socday Al-Azhar.
Waxayna labada dhinac mabdda' ahaan isula qaateen in la soo dabbaalo masrax suurageliya iisu dulqaadashada diimaha.
Sheikh Al-Azhar oo ka faa'ideysanaya fursaddaa ayaa soo hadal qaaday mashruuca loogu magac daray diinta cusub ee Ibraahimiyada.
Al-tayib wuxuu khudbadda uu arrinkan uu kaga hadlay uu ku billaabay inuu doonayo inuu si dhab ah uu uga digo shakiga ay dadka qaar arrintan ka qabaan, ujeeddaduna ay tahay in la jahwareeriyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada diimood ee Islaamka iyo Kirishtanka iyo in la kala diro.
Waxyaabaha aasaasiga ah ee ay diimahaasi ku kala duwan yihiinna in la mideeyo ayaa ah baaqa diinta cusub ee Ibraahimiyada ka imanaya oo ay ku dooneyso iney la timaaddo.
Wuxuuna intaa ku daray diintan cusub iney tahay mid ku baaqeyso in la mideeyo diimaha "Kirishtanka, Muslimka iyo Yahuudda" si looga hortago wax kasta oo keeni karo bulshooyinka iney iska hor yimaaddaan ama isku dhac uu dhex maro.
Al-Tayib muxu diintan cusub u weeraray?
Al-Tayib wuxuu shaaca ka qaaday inuu diiday casuumaad loo fidiyey oo ku adadan "Diintan cusub ee Ibraahimiyada". Wuxuuna khudbaddiisa uu su'aal ku geliyey ujeeddada casuumaaddu iney tahay "in dadyowga diimaha kala duwan aaminsan la isaga horkeeno. Waa isku day lagu doonaya in diin cusub lagu sameeyo taasoon yeelan doonin, dhadhan, soo jiidasho iyo qurx midna."
Al-Tayib waxaa kale uu sheegay baaqa Ibraahimiyada ka imanaya "inuu u muuqdo mid bani'aadamka oo dhan isku soo dhaweynayo si meesha looga saaro waxa kasta oo sababi kara isku dhac iyo dagaal".
Al-Tayib waxa uu aaminsan yahay in baaqa ah in diimaha la mideeyo uu yahay mid adag. "Baaqa in dadka hal diin lagu mideeyo waa wax aan dhaqan ahaan macquul ahayn maadamaa kala duwanaashaha uu ilaahey ku abuuray."
Al Tayib wuxuu sheegay, "Ixtiraamidda diinta qofka kale waa mid, aaminaada diin kalana wa arrin kale oo ka duwan."
Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka YouTube boggan, 1
Mowqifka Sheekha Al-Azhar uu taagan yahay?
Hadalka Al-Tayyiba ka soo yeeray iyo mowqifka uu iska taagay diinta cusub ee Ibraahimiya wuxuu noqday mid qabsaday baraha bulshada gaar ahaanna Tweeter-ka. Waxaa si aad ah u hadal hayey shaqsiyaad caan ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Rushdi, oo hadallada ka soo yeeray sheekha Al-Azhar ku tilmaamay "mid billowgiiba dilay fikirka diinta Ibraahimiyada laga damacsan yahay."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Dhammaadka X boggan, 2
Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada kaga falceliyey hadalka ka soo yeeray sheekha Al-Azhar ay tilmaamay "inuu baaqa Ibraahimiyadu lagama maarmaan uu yahay haddiiba ay meesha ka saareyso dagaallada iyo isku dhacyada bulshooyinka dhex mara nabadna ay soo dabbaaleyso," ayna habbonaan lahayd in ujeeddada laga leeyahay oo keli ah la raaco.
Diintan cusub siyaasad lug ma ku leedahay?
Sheekha Al-Azhar ma sheegin baaqa diinta cusub ee Ibraahimiyadu iney aragti siyaasadeed ka dambeyso.
Balse dadki ka falceliyey qaarkood oo baaqa diinta cusub ku gacan seydhay, waxay ku tilmaameen "Siyaasad diin loogu soo gabbanayo."
Dadka fikirka noocaasi qabana waxaa ka mid ah Baadariga Qibdiyiinta reer Masar hegomen Monk Niamey, wuxuuna sheegay "diinta Ibraahimiyada ay tahay baaq la siyaasadeeyey oo loogu soo gabbanaya in lagu dhagro diimaha loogana faa'ideysto."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Muxuu yahay xiriirka arrinkan uu la leeyahay Israa'iil iyo Imaaraadka?
Adeegsiga ama Isticmaalka "Ereyga Ibraahimiya" wuxuu soo ifbaxay wixii ka dambeeyey marki la saxiixay heshiiski lagu soo celinayo calaaqaadka Isutagga Imaaraadka iyo Bahrain ay la leeyihiin Israa'iil ee la saxeexay bishi September ee kal hore.
Heshiiskaasi oo uu Mareykanka soo agaasimay ayna horkacayeen Madaxweyne Donald Trump iyo lataliyihiisa Jared Kushner, waxaa loogu magacdaray "Heshiiski Ibraahimiyada".
Bayaan wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka ka soo baxay oo heshiskaasi lagu shaacinayey waxaa lagu sheegay sidan: "Waxaan dhiirigelineynaa dadaallada lagu taageerayo wadahadalka dhaqamada iyo diimaha dhexdooda si loo horumariyo dhaqanka nabada ee ka dhexeeya saddexda diimood ee Ibraahimiyada iyo dhammaan aadanaha."
Arrinta kale ee xusidda mudanna waxay tahay hadalki ka soo yeeray Amiirka Dubai Maxamed Bam Zayid amarki uu bixiyey ee ahaa in la aasaaso golaha qoyska Ibraahimiyada xilligi uu Pop Farancis iyo Shekh Axmed Al-TAyib ay horraanto 2019-ki booqasho ku tageen Abu Dabi, sanad iyo bar ka hor inta la gaarin heshiiski soo nooleynta calaaqaadka Israa'iil ay la lahaayeen Imaaraadka iyo Baxrain.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4
Golaha qoyska Ibraahimiyada oo ka kooban Masaajid, Kaniisad iyo Macbadka Yahuudda waxaa lagu wadaa in 2022-ka laga furo iisu taga Imaaradka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 5
Shaqsiyaadka arrinkan dhanka iisu tagga Imaadka uga ololeynaya waxaa ka mid ah Wasiim Yuusuf khadhiibka masaajidka koobaad ee Sheekh Suldaan bin Zayid.
Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka YouTube boggan, 2
Balse Caalimka weyn ee reer Kuwait Cusmaan Al-khamiisi ayaa si weyn u cambaareeyey Mashruuca Ibraahimiyada ee lagu wado in Isutagga Imaaraadka laga heirgeliyo, isaga oo gaalnimo ku tilmaamay.
Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka YouTube boggan, 3
Khilaaf hore
Khilaafka iyo hadalheynta Ibraahimiyada ma aha mid ku yimid khudbadda Sheekka Al-Azhar.
Balse bishii March ee sanadkan hoggaamiyaha dhaqdhaqaq Muqtada Al-sadri ee Ciraaq wuxuu bartiisa Twiiterka uu ku soo qoray "Ineysan iska horimaneyn diinta rabbi xaggii laga aqoonsan yahay ee Islaam-ka iyo "Mideynta diimaha".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 6
Kaddib marki la saxiixay "Heshiiska Ibraahimiyada" doodda salka ku haysa diintan cusub wey soo ifbaxeysay iyada oo culima badan ay fikirkaasi si cad uga soo horjeesteen iyaga oo ku tilmaamay gaalnimo, waxaana culimada fikirka noocaasi aaminsan ka mid ah Sheekh Daariq Al-Suweydaan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 7
Bishii Febraayo ee sanadkanna ururka culimada Islaamka caalamka waxay qabteen bandhig ay ugu magacdareen "Umadda Islaamka Mowqifka ay iska taageyso diinta Ibraahimiyada."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 8