Maxaad ka taqaannaa dadka aaminsan diinta Waaqeefannaa?

Hoggaanka dhaqanka bulshadaasi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diinta Waaqeefannaa waa diin ay asal ahaan qarniyo ay ku soo dhaqmayeen welina ay aaminsan shacabka Oromada ee ku nool geeska Afrika, iyaga oo aaminsan inuu hal ilaah oo keli ah jiro.

Asnaaqe Tashome Erco oo 20-kii sano ee ugu dambeeyey diinta Waaqeefanna daraasad qoto dheer ku sameeyey ayaa BBC Amharic uga warramay waxyaabihi uu daraasadda uu sameeyey uu ku soo ogaaday.

Asnaaqe oo daraasadiisa ugu badan ku sameeyey deegaanka ay degto beesha Boorana oo ka tirsan qowmiyadda Oromada wuxuu sheegay iney dadkaasi aaminsan yihiin: "Ilaahey uu mid yahay, wax walbana ay awooddiisa ka sarreyso balse diimaha isaga rumeysan ay badan yihiin."

Ilaahaa Oromada abuurayna 'inuu madow yahay' ayay aaminsan yihiin.

"Midabka madowga ee ay aaminsan yihiin waxay ku micneeyaan Ilaah inuu weyn yahay, aan la arki karin, aanna la garan karin sida uu yahay, qof maskaxdii wax ay ku fikirtana uu ka sarreeyaa" ayuu yiri.

Abbuuritaanka

Sida ay aaminsan yihiin dadka Waaqeefannaa haysta waxay aaminsan yihiin inuu biyo ka abuuray, biyihina u laba u kala qaybiyey biya sare iyo biya hoose. Biyaha sare waxaa lagu abuuray ayey aaminsan yihiin cirka, daruuraha, xiddigaha iwm, halka biyaha hoosana uu ka abuuray sida badaha, wabiyada iyo dhulka qallalan.

Waaqeefannaa dadka aaminsan waxay rumeysan yihiin makhluuqa dunida ku nool oo dhan inuu ilaah ku abuuray 27 maalmood.

Marka ugu horreysay dadka ayuu abuuray, Rag kadibna Dumar markaasuu si siman uu u kala qaybiyey. Makhluuqa kalana markaasi kaddib ayuu abuuray ayey rumeysan yihiin.

Ilaahey markuu dadka aabuurayna wuxuu u soo dejiyey sharciyo ay ku dhaqmaan, sharciyadaasi oo ay ka mid yihiin sharciga lo'da, sharciga fardaha, sharciga duur joogta, iyo shuruucda dhirta, cadceedda iyo xiddigaha.

Sharciga ilaahey uu soo dejiyey ee ay 'Safa' u yaqaanniin wuxuu dhigayaa ayey yirahdeen inuu ilaahey mamnuuc ka dhigay dilka, xatooyada, zinada iyo beenta.

Qofkana wuu dambaabay ama wuxuu dambi ku dhacay ayaa la odhan karaa marka uu shuruucdaasi ku xadgudbo.

Geerida kaddib ma nolal baa jirta?

Dadki hore eeqowmiyadda Oromada oo diintaasi Waaqeefannaa aaminsanaa waxay rumeysnayeen qofka mrka uu dhinto iney naftiisu Ilaahey xaggii aadeyso. Iyaga oo dadka diinta Waaqeefannaa haysto ay rumeysan yihiin qofka inuu seddex uu ka kooban yahay biyo, naf, iyo dab.

Marka uu qofka dhintana jirkiisa ciidda ayuu ku darsamaa, dhiiggiisana biyaha ayuu ku darmaa, naftiisa ilaahey xaggii ayey tageysa ayey aaminsan yihiin.

"Sida diimaha kale dunida ka jira ay aaminsan yihiin qofka marka uu dhinto ka dib in la soo kicinayo ma aaminsan diinta Waaqeefannaa. Sida oo kale ma aaminsana inuu sheydaan ama awood kale oo isbarbar dhigi karto awoodda alle iney jirto. Waxay sida oo kale aaminsan yihiin iney jirin awood dadka ku qasbeyso iney dambi galaan" ayuu yiri Asnaaqe.

Diinta Waaqeefannaa dadka aaminsan ma rumeysna jiritaanka janno iyo jahannamo toona.

Dadyowga aaminsan diinta Waaqeefannaa

Desalegn Damee waa wadaad ka tirsan macbad ay leeyihiin dadka aaminsan diintaasi oo ku yaalla Bishoftu Hore Arsade.

"Diintan Waaqeefannaa oo aan ka dhaxalnay awoowyadeen sidi ay nagu soo gaartay ayaan u haysannaa balse wixi ka dambeeyey 1999-kii xoogaha dib u habeyn ayaan ku sameynay si ay wakhtiga ula jaanqaaddo" ayuu yiri Dasaalegn Waaqeefannaa.

Ninka ugu sarreeya diinta Waaqeefannaa waxaa loo yaqaanna "Qaalluu'.

Magaalada Bishooftu oo keli ah waxaa ku yaalla afar macbad oo ay leeyihiin dadka diintaasi aaminsan. Macbadyo kuwaasi la mid ahna waxay ku yaalliin magaalooyinka Adaama, Baatuu, Sebetaa iyo Waliso.

Sanad walba xaflad diimeed waxaa lagu qabtaa mid ka mid ah macbadyada ay leeyihiin dadka diimahaasi aaminsan ee ku yaalla qayba ka mid ah dalka Itoobiya..

Habka ay u cibaadeystaan dadka waaqeefannaa aaminsan

Dadka diintaasi aaminsan waxay si gaar ah u cibaadeystaan maalinta Axadda ah. Markasta oo ay subixi kulmaan cibaadada ka hor waxay ku billaabaan iscafin.

"Dadka diintan aaminsan waxay rumeysan yihiin haddii ay dadku iscafin oo ay nabad ku wada noolaan ilaahey inuu baryadooda aqbaleyn, cibaadada inta aysan billaabminna goobta la isugu yimid waxaa ka duceynaya qofka ugu da'da weyn" ayuu yiri Desalegn.

Bunkana wuxuu qayb ka yahay cibaadada dadka diintaasi aaminsan ay ku sameeyaan goobahooda cibaadada. Waxayna cibaadadooda ku soo gabagabeeyaan heesta 'Jekersa' ooay si wadajir ah u qaadaan.

Desalegn wuxuu sheegay dadka diintaasi aaminsan uu la kulmay inta uu daraasadda waday ay u sheegeen iney dhibaato kala kulmayaan dhanka dowladda iney ka helaan goobo ay ku cibaadeystaan.