Afar arrimood ka ogow doorashada qof iyo cod ee Puntland

Waxaa maanta dadka deggan saddex degaan oo Puntland ka tirsan ay u dareereen codbixinta gole deegaan oo markii ugu horreysay lagu dooranayo doorasho qof iyo cod ah.
Dagmooyiinka maanta laga codeynayo ayaa kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.
Doorashadan oo tijaabo ah ayey dadku ugu codaynayaan golayaasha deegaannada saddexdaasi degmo.
Dhanka kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka degmooyinkaasi iyadoo dhaqdhaaqana la xaddiday.
Doorashadan waxaa loo kala codaynayaa sideed urur siyaasadeed oo ku tartamay golayaash deegaanka saddexdaasi degmo, waxaana ay hordhac u tahay doorasha guud oo ka dhacaysa dhammaan degmooyinka Puntland markii ugu horreysay.
Halkan ka ogow afar arrimood oo doorashadan ku saabsan:

Tirada isku diiwaangelisay
Guud ahaan waxaa doorasahda isu diwaan geliyey saddexda degmo dad gaaraaya 46,839. Qardho waxaa iska diwaan geliyey 25,405 qof, waxaa kaarka codbixinta qaatay 20,620.
Ufayn waxaa iska diwaan geliyey 9,964 waxaana kaarka codbixinta qaatay 8,287 qof.
Eyl waxaa iska diwaan geliyey 11,470 waxaan kaarka codbixinta qaatay 8,671. Dadku wax ay codkooda ka dhiiban doonaan in kabadan 50 goobood oo saddexda degmo ku kala yaalla, waxaan ka hawl gelaaya 350 shaqaalaha doorashada ah.
Yaa xaq u leh in ay codeeyaan?

Puntland oo 22 sano jirsatay waa markii ugu horreysay oo doorashada dawladaha hoose la aada iyadoo la qorshaynayo in dhamaan degmooyinka Puntalnd la soo dhamaystiro.
Waxaa codeynta ka qeybgalaya qof kasta oo is diwaangeliyay misana qaatay kaarka codbixinta oo qaab casri ah lagu diwanageliyay. Doorashadan waxaa ka qayb galaya codeynteeda dadka miiyga ku nool iyo kuwa ku nool magaalooyinka, kuwa aan wax akhrin ayaa qaab sawir ah lagu barayaa sida ay u codeynayaan.
Doorashada Soomaaliya: Heshiis ma la gaari karaa iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay maqan yihiin?Maxaa loo codaynayaa?
Doorashadan waa nooca loo yaqaan liistada xiran ,Puntland waa markii ugu horreysay oo 9 urur ay ku tartami doonaan xubnaha golayaasha deegaanka heer degmo taasoo lagu dhamaystiri doono nidaamka axsaabta ku tartami doonta doorashooyinka soo socda ee wakiilada.

Muhimadda doorashada
Saddexda degmo ee tijaabada horudhaca ah loo xushay, ayaa labo kamid ah ay ahaayeen degmooyinkii hore ee dowladdii Soomaaliya sida Qardho iyo Eyl. halka degmada Ufayn ay ka mid ahayd degmooyinkii dawlada Puntland samaysay. Degmooyinkan ayaa ku kala yaalla gobolka Bari, Karkaar iyo gobolka Nugaal.
Waa doorasho qof iyo cod ah, waxay soo afmeeri doontaa doorashadii habqaybsiga qabiilka iyo doorkii odayaal dhaqameedka.
Waxaa lagu wadaa in doorashadan la gaarsiiyo guud ahaan degmooyinka Puntland bartamaha sanadka soo socdo.
Dad badan ayaa rajeynaya in doorahsadan hor dhaca ah ay gogol xaar u noqon doonto doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.










