Doorashada Soomaaliya: Puntland iyo Jubaland oo soo magacaabay guddiyadii laga sugayay

Puntland iy Jubaland

Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE

Qoraalka sawirka, Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (B) iyo Siciid Cabdullaahi Deni

Puntland iyo Jubbaland ayaa si wada jir ah u soo magacaabay guddiyadoodii heer maamul-goboleed ee ku matali lahaa doorashada Soomaaliya, kaddib is mari waa muddo taagnaa oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka ah iyo labadaas maamul-goboleed.

Guddiyadan oo min siddeed xubnood ka kooban ayaa lagu dhawaaqay saqdii dhexe ee xalay, iyadoo Jubbaland iyo Puntland ay sidoo kale war-murtiyeed wada jir ah oo ay soo saareen dowladda ugu baaqeen in bishan dhexdeeda ay qabato shir deg deg ah oo looga hadlayo arrimaha doorashada.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri, "Dowladaha Jubaland iyo Puntland iyaga oo tixgelinaya waqtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka Doorashada ee SIEIT. Hase yeeshee waxaa nasiib darro ah in madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka caga jiidayaan qabsoomidda shir lagu xalliyo khilaafka ka jira qabsomidda doorashada dlaka,"

Maxaa lagu yiri war-saxaafadeedka?

Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu yiri: "Haddaba waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba la socodsiineynaa in Puntland iyo Jubaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay dalka uga dhici lahayd si ay u abuuranto degganaansho siyaasadeed oo horay u sii wadda hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

"Sidaas darteed, waxaan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ugu baaqeynaa in shir degdeg ah laysugu yimaado magaalada Muqdisho 30-ka January 2021 si loo xalliyo arrimaha hortaagan doorashada.

"Waxaan sidoo kale beesha caalamka ugu baaqeynaa inay gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro diyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 iyadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada."

Maxaa xilligan ku soo beegay?

Doorashada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, UN

War-saxaafadeedka Puntland iyo Jubaland ayaa lagu xusay in beesha caalamka oo uu ugu horreeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu door muhiim ah ka qaatay sidii madaxda wadatashiga qaranka ay shir jaraa'id isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in dowladaha Puntland iyo Jubaland ay soo magacaabaan guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubaland inta laga wada hadlayo arrimaha la isku khilaafsan yahay.

Danjire James Swan oo toddobaadkii la soo dhaafay kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa sheegay sida loogu baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka taagan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo uu aas-aas u yahay heshiiskii 17-kii September ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxweynaha dawladda federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo jiray dhexdhexaadin uu madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka dhex waday Dowladda Federaalka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland, isagoo kulamo la yeelanayay labada dhinac.

Horraantii bishan ayay Dowladda Federaalka sheegtay in la bilaabi doono hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya iyadoo wali maamullada Puntland iyo Jubaland ka caga jiidayeen inay soo magacaabaan guddiyada doorashada ee deegaannadooda.

War qoraal ah oo dhowaan ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in ra'iisul wasaaraha uu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go'aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay inaysan jirin doorasho aan laga wada qeyb galeyn oo dalka ka dhacaysa.