Mowliidka - Sida ay Muslimiinta isugu khilaafsan yihiin xuska dhalashada Nebiga

Dabaaldegyada dha;lashada Nabiga (SCW) ee ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dabaaldegyada dha;lashada Nabiga (SCW) ee ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar

Waxyaabo qurux badan iyo nalal ifaya, macmacaan iyo cuntooyiin, ayaa lagu wadaagayaa goobaha uu ka dhacayo xuska dhalashada Nabi Maxamed (SCW). Waxaa arrimahaas wehliya Nabi Ammaan iyo kulamo xusuus ah, calamo iyo meelaha qaar oo laga shidayo shumacyo.

Dhammaan dalalka Islaamka, waxaa sannad kasta, xilligan oo kale ka dhaca xuska dhalashada Nabiga (SCW) ee Mowliidka.

Balse su'aasha la xiriirta halka laga dhaxlay xuskan ayaa sannad kasta soo noqota, iyadoo culimo kala duwan ay ka hadlayaan - kuwana ay banneynayaan halka kuwa kale ay mamnuucayaan.

Si la mid ah arrimo kale oo badan oo Islaamka la xiriira, culimada iskuma raacin sida loo wajahayo xuska dhalashada Nabiga. Xitaa maalinta dhalashada iskuma waafaqsana Sunniyiinta iyo Shiicada.

Sida Soomaaliya looga xusay

Xigashada Sawirka, Radio Daljir

Balse inta badan tixraacyada waxay muujinayaan in Nabiga uu dhashay bisha Rabiicul Awal. Balse dabaaldegyada sunniyiinta waxaa la qabtaa 12-ka bisha, halka Shiicadana ay xusaan 17-ka bisha. Haddaba, waxaa loo arkaa in bishan ay tahay midda dabaaldegyada.

Taariikhdan la isku khilaafsan yahay waxay keentay in Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran, Ruuxullah Khomeini, in sannadkii 1981, uu ku tilmaamo isbuuca midnimada Muslimiinta, isagoo tixraacaya labada taariikh ee xuska iyo maalmaha u dhexeeya. Taas micneheedu wuxuu ku sheegay in bishan ay isu soo dhowaadaan Sunniyiinta iyo Shiicada.

Sida siirada ku xusan, Nabiga wuxuu dhashay Sannadkii Maroodiga - oo taariikhda milaadiga ay ku beegnayd intii u dhexeysay 570 iyo 571 AD.

Sannadkaas waxaa magaca loogu bixiyay, waa xilligii uu Makah weerarka ku qaaday Boqorkii Yemen ee lagu magacaabay, Abraha al-Ashram. Wuxuu ujeedkiisu ahaa in uu burburiyo Kacbada, wuxuuna adeegsaday maroodiyaal, sida Alle uu ku sheegay suuratul Fiil.

Sida kurdiyiinta Ciraaq ay u xusaan Mowliidka.

Xigashada Sawirka, SAFIN HAMED/AFP

Qoraalka sawirka, Sida kurdiyiinta Ciraaq ay u xusaan Mowliidka.

Sida taariikhda ku xusan Nebi Maxamed wuxuu dhashay maalin Isniin ah. Taas waxaa laga ogaaday in markii Rasuulka la weydiyay sababta uu u soomo Isniinta uu sheegay inay tahay maalintii uu dhashay.

Sida ku xusan diiwaanka, xuska mowliidka ma aheyn mid caan ah wakhtiyadii hore ee Islaamka, wuxuu dhaqan noqday tan iyo qarnigii afaraad ee Hijriga.

Waxaana lagu xusuustaa xuska mowliidka xilliggii dowladdii Fatimiyiinta oo uu hogaaminayay Al-Muizz Li Din Allah kaddib markii uu tegay Masar sanadkii 969 miilaadiga, dadka taariikhda wax ka qora ayaa sheegayaa in sababta uu hogaamiyahan u abaabulay xuska mowlidka ay aheyd in uu taageero ka raadiyo shacabka Masaarida.

Markii ay meesha ka baxday dowladdaas, waxaa dowladihii Islaamka la wareegay madax kala duwan, waxaana dhacay khilaaf, waxaa meesha ka baxay dabaaldeggi xuska mowliidka inkasta oo markii dambe dib loo soo celiyay, waxaa xuska mowlidka ka hor yimid dowladdii Ayuubiyiinta, markii dambe, waxaa baneeyay in la xuso mowliidka maamulkii Mamaaliikta.

Soomaaliya iyo xuska Mowliidka

Xigashada Sawirka, Radio Daljir

Xuska mowliidka wuxuu markii dambe noqday dhaqanka u gaar ah Suufida xilligii hoggaamiyihii ka arrimin jiray Masar Maxmed Cali Paasha. Sufida waxay xaflado ballaaran oo lagu xusayo mowliidka nebiga ku qabteen Masar

Inkastoo khilaafkaas uu jiro, haddana Dariiqada Suufiyada waxay sheegaan in muhiimad wayn ay u leedahay maalinta Mowliidka, ayna waynaynayaan, si ay u karaameeyaan Nabi Maxamed (SCW).

Balse si arrintaa suufiyada ka duwan, culimada salafiyiinta ee uu hoggaaminayo Sheekh Cabdicasiis Ibnu Baaz (oo dhashay 1912 - dhintayna 1999), wuxuu u arkayay in xuska mowliidka uu yahay arrin aan sal iyo raad toona laheyn.

Isku diyaarinta xuska mowliidka ee magaalada Karachi Pakistan

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY

Qoraalka sawirka, Isku diyaarinta xuska mowliidka ee magaalada Karachi Pakistan

Cabdul Caziiz Bin Baaz wuxuu rumeysanaa in shareecada aysan ku xusneyn mowliidka maadama Rasuulka iyo saxaabadiisa aysan weligood xusin. Wuxuu sheegay in xuska Mowliidka uu yahay 'Bidco'.

Wuxuu sheegay in Muslimiinta uu Alle faray xuska laba munaasabadood oo keli ah, kuwaas oo kala ah Ciid al-Fitri iyo Ciid al-Adxa, kuwaas oo si wayn ay u dabbaaldegaan Muslimiinta oo dhan.

Haddaba, taas waxay muujineysaa in xuska mowliidka uu yahay arrin ay si weyn isugu khilaafsan yihiin Salafiyiinta iyo Suufida.

Maamulka Azhar ee Masar ayaa qaatay mowqif aan dhinac raacsaneyn kaddib markii sanadihii ugu danbeeyay uu soo saaray fatwooyin dhowr ah, Qur'aanka iyo Xadiiska midna toona kama hadlin xuska mowliidka balse waa dhaqanka soo ifbaxay qarnigii afaraad ee Hijriga.

Culimada ku tilmaamay in xuska Mowliidka uu yahay 'Bidco wanaagsan' waxaa kamid ahaa Ibnu Xajar Al Casqalani oo noolaa (1371-1449) iyo Jalal Al Diin Al Raxmaan Al Sayuudi oo noolaa (1445-1505) kaas oo u arkay mowliidka 'Bidco wanaagsan oo abaal marin u horseedeysa dadka sameeya'.