Haweeneydii ganacsatada ahayd ee Nabi Muxammad (NNKH) ka caawisay fidinka diinta Islaamka

Bisha Mowliid waxay ku beegan tahay dhalashada Nabi Muxammad (NNKH), bulshooyinka Muslimiinta qaarkoodna waxay maalmahan ku mashquulsan yihiin xuska munaasabaddaas.
Markii uu nabiga (NNKH) dhallinyarada ahaa horumarka noloshiisa waxaa kaalin muhiim ah kasoo qaadatay haweeney ganacsato ah oo taajirad ahayd, taasoo markii dambena garab ku siisay fidinta diinta Islaamka.
Nabiga oo dadaal badan u sameeyay faafinta diinta Islaamka waxa uu guursaday xaasas ka badan hal, balse dhallinyaranimadiisii waxa uu lasoo jaan qaaday haweeneydaas ganacsatada ahayd.
Magaceedu waa Khadiija bint Khuwaylid.
Khadiija waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee diinta Islaamka qaadatay, taasoo ah darajo aysan dumarka kale la wadaagin. Qisadeeda waxay soo jiidataa dad badan oo xitaa aan Islaam ahayn.
Waxay ahayd haweeney guul weyn ka gaartay ganacsigeeda, hooyo ahayd, da' ahaanna ka weyneyd nabiga NNKH markii uu guursanayay.
Waa tuma Khadiija?
Waxay ku dhalatay magaalada Maka bartamihii qarnigii lixaad, waxayna kasoo jeedday qoys maalqabeenno ah. Waxaa la sheegay inay dhaxal u heshay hanti badan oo uu uga geeriyooday aabaheed.
Xitaa markii uu aabaheed dhintay kaddib, Kahdiija waxay sii wadday ganacsigeeda, iyada lafteeduna waxay kaalin muuqata ku lahayd taajirnimadeeda iyo guusha ay ka gaartay dhanka ganacsiga.
Hantideeda waxay u adeegsan jirtay horumarinta bulshada. Waxay dhaqaale ku caawin jirtay haweenka carmalka ah, dadka baahan iyo kuwa ku xanuunsan Maka.
Xiriirkii ka dhaxeeyay Khadiija bint Khuwaylid iyo Nabi Muxammad NNKH waxaa lagu tilmaamay mid muhiim u ahaa faafinta diinta Islaamka.
Nabiga laftiisa Khadiija wuxuu ka caawiyay inay horumariso ganacsigeeda iyo inay sidoo kale sii ballaariso bixinta caawinaaddeeda. Intaas waxaa sii dheeraa jacaylka ay labadoodu isu qabeen.
Iyaduna marka laga soo tago dadaalka ay ku bixisay shaqada faafinta diinta ee uu nabigu hayay, waxay sidoo kale garab ku siisay dhaqaale ahaan.
Barfasoor Laila Ahmed, oo wax ka dhigta Jaamacadda Havard ayaa BBC-da u sheegtay in Khadiija ay kaalin muuqata ku lahayd dadaalkii uu nabiga ku hoggaaminayay dadka qaatay diinta Islaamka markii ugu horreysay ee uu soo ifbaxay.
Markii dadka qaar ee reer May shakiga ka muujinayeen Islaamka billowgiisii, naxariistii Khadiija ayaa wax badan tartay, waxayna dad badan kusoo jiidday inay qalbiga ka jeclaadaan diinta.
Haweeneydan - oo ka mid ah hooyooyinka muslimiinta - waxay ahayd qof caqli badan oo si xor ah u fikirta, sida ay dookheeda uga dhigtay islaamnimadana waxay qayb weyn uga gashay taariikhda.

Laila waxay tiri: "Khadiija aad bay u hanti badneyd. Waxay jeclaatay Nabi Muxammad, sababtoo ah waxa uu ahaa nin imaan leh."
Markii ay Khadiija ahayd 40 jir Nabigu waxa uu ahaa 25 jir. Mar walba oo uu Nabi Muxammad dareemo niyad jab, Khadiija ayaa siineysay dhiirrigelin uu kusii xoojiyo dadaalka.
Xilli ay dad badan oo ku sugnaa gobolka maanta loo yaqaano Bariga Dhexe kasoo hor jeedeen jiritaanka Alle, Nabi Muxammad NNKH waxa uu ku adkeysanayay sidii loo rumeysan lahaa in Alle uu yahay hal.
Taarikhdu markii ay ahayd 619 AD, Khadiija way xanuunsatay, wayna geeriyootay.













