Afgaanistaan: Mareykanka oo mar ugu yeeri jiray Taalibaan "halgamayaashii xorriyadda"

Reagan, con muyahidines afganos.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Reagan oo martigeliyay mujaahidiinta

Gudaha waddanka Mareykanka waxaa loogu yeeri jiray "halgamayaashii xorriyadda."

Jabhadaha maxalliga ah ee Afqaansitaan sida Taalibaan oo muddo sanada ah taageero ka helayay Washington ayaa waxa ay ka hortagayeen qabsashadii Midowga Soofiyeet uu qabsaday waddanka Afgaanistaan, iyadoo Mareykankuna uu siin jiray hubka iyo lacagta si ay u curyaamiyaan quwaddan USSR ee uu xifiltanka kala dhaxeeyay waagaa.

Sida lagu sheegay dikumtiyo ay dowladda Mareykanka laheyd oo la shaaciyay, baaritaanno ay weriyayaasha sameeyeen iyo hadallo ay jeediyeen dad goobjoogayaal ahaa muddo sanada ah kaddib, ayaa istaraatiijiyadda Mareykanku waxa ay aheyd in Midowga Soofiyeet uu ku go'doomo Afgaanistaan oo halkaasna ay dad uga dhintaan, lacag iyo hanti kalana uu geliyo, sida ku dhacday Mareykanka sanadihii waqtigaas ka horreeyay, waa dagaalkii Vietnam.

Waxaa loogu yeeri jiray "Howlgalkii Duufaanta" iyadoo warbaahintii xilligaasna ay ku tilmaantay "howlgalkii qarsoodiga ahaa ee ugu waynaa taariikhda CIA-da".

1996, sideed sanadood kaddib markii uu bilowday bixitaanka ciidammadii Sofiyeet, Taalibaan ayaa waxa ay qabsadeen magaalada Kabul waxa ayna ku soo rogeen maamul mayal adag oo Islaami ah, iyadoo ururkaasi lagu dhaleeceeyay tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ay ku gaysteen gudaha Afgaanistaan.

Gargaarka Mareykanka miyaa gacan ka gaystay guushooda?

Sida ay ku bilaabatay

Gugii 1979 in ka badan 30,000 oo milateriga Midowgii Soofiyeet oo ay taageerayaan diyaarado iyo taangiyo ayaa loo daadgureeyay waddanka Afgaanistaan si ay u taageeraan dowladdii "kacaanka" ee Kabul.

Sanad kaddib wixii loogu yeerayay Kacaankii Saur ayaa waxa ay Afgaanistaan ka dhiseen dowlad shuuci ah oo iscaabbin xooggan oo sii kordhaysa kala kulantay mujaahidiinta maleeshiyaadka Islaamiga ah.

Moscow ayaa waxa ay doonaysay inay taageerto dowladda shuuciga ah ee Afgaanistaan iyo xukuummada Soofiyeetka gacansaarka la leh ee Madaxweyne Babrak Karmal, kaas oo iska caabbin xooggan kala kulmayay Mujaahidiinta.

Robert Crews, waa taariikhyahan ku takhasusay waddanka Afgaanistaan waxna ka dhiga Jaamacadda Stanford, waxa uu BBCda u sheegay in "Mareykanka ay talo ka hoostay, walow ay USSR kula tartarmaysay mashaariicda dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dhulka Afgaainstaan tan iyo 1950-kii".

Zbigniew Brzezinski, oo ahaa lataliyihii ammaanka qaranka iyo lataliyayaasha kale ayaa waxa ay ka dhaadhacsiiyeen Madaxweyne Jimmy Carter in la sameeyo howlgal qarsoodi ah oo lagu hubaynayo fallaagada Afgaanistaan arrintaas oo aheyd mid wanaagsan.

Guerrilleros afganos.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidaasna waxaa ku bilowday colaadda Dagaalkii Qaboobaa, taas oo Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet ay ku baratamayeen hoggaaminta caalamka, hasayeeshee weligood hub isuma aanay qaadin balse waxa ay kala taageeri jireen dagaallada ka socday dalalka saddexaad.

Murad Shishani, waa khabiir maleeshiyaadka jihaadiga ah uga faallooda BBCda, waxa uu sharraxayaa sida gudaha Afgaanistaan "Mareykanku uu u taageeray jihaadka si loogaga adkaado cadawga Soofiyeet."

Sida loo fuliyay Howlgalka Dabeesha

Bilowgii hore Howlgalka Duufaanta waxa fallaagada siin jiray hub qadiimi ah oo ah nooca uu Soofiyeetka sameeyo sida AK-47, iyadoo dhanka kalana loo qori jiray dagaalyahanno iskood isku xilqaamay, halka dalalka Carabta ay dhaqaalaha bixin jireen.

"Sidaas Washington waxa ay ku diidi jirtay inay dagaalka wax lug ah ku leedahay," Crews ayaa yiri.

Sucuudi Carabiya ayaa ka mid aheyd dalalkii firfircoonaa, walwo Madaxweynihii Masar Anwar Al-Saadaat iyo madax kalaba ay qeyb ka qaateen dedaallada mujaahidiinta.

Qorshaha waxa uu u baahnaa inuu gacan ka helo sirdoonka Pakistan, halkaas oo ah goobta ay kooxaha jihaadiga ah ka howlgalayeen.

Taageerada Mareykanka ayaa noqotay mid isa soo taraysa oo cad markii uu awoodda Aqalka Cad la wareegay Reagan.

Koox xoog badan oo saldhigeedu yahay Washington ayaa waxa ay codsatay in la kordhiyo taageerada kooxaha jihaadiga ah, kuwaas oo hogaamiyayaashooda ay ka cawdeen in hubka la siiyay aanay ku hor istaagi karin Midowga Soofiyeet.

Guerrilero afgano con un lanzamisiles.

Xigashada Sawirka, Getty Images

1984 Kongareeska ayaa meelmariyay hindise ku saabsan Afgaanistaan, halka Madaxweyne Reagan uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hogaamiyayaasha jihaadiyiinta, khudbaddii qaranka uu u jeediyay 1986 waxa uu farriin gaar ah ugu diray fallaagada Afgaanistaan.

Hasayeeshee Reagan waxa uu sameeyay wax intaasba ka sii muhiimsan. Waxa uu meelmariyay in la siiyo jihaadiyiinta gantaallada garabka lagu qaato, go'aankaas oo waxtar wayn dhaliyay.

Tanques soviéticos abandonan Afganistán.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taalibaan ma ka faa'iideen taageeradii Mareykanka?

"Waxaa jirta aragti tilmaamaysa in Mareykanka uu taageeray dhaqdhaqaaqa Taalibaan si ay uga faa'iidaan wixii ka soo baxa halgankooda," ayuu yiri Muraad Shishani. "Hasayeeshee arrintu sidaasi ma ahayn"

Dhab ahaantii, Taalibaan ma soo shaacbixin illaa 1994 markaas oo ay ku soo baxeen magaalada koonfurta ku taal ee Kandahar, halkaas oo ay ka heleen taageero dhiirigelisay, iyadoo dadkuna ay u arkayeen arday danta dadka difaacaysa, sidaasna ku helay taageerada dhalinyarada qowmiyadda Pashtun-ka halkaas oo ay Qur'aanka Kariimka ugu dhigi jireen.

"Markii Taalibaan ay soo shaacbaxeen, USSR waa ay sii burburaysay, hasayeeshee runtu waxa ay tahay in qaar ka mid ah hogaamiyayaasha aasaasay Taalibaan ay ka mid ahaayeen hogaamiye kooxeedyadii Mareykanka gargaarka ka heli jiray markii ay la dagaallamayeen Midowga Soofiyeet," ayuu yiri Shishani.

In laga adkaado Midowga Soofiyeet ayaa aheyd ujeedka ugu way nee Mareykanku uu waqtigaas lahaa, sida uu Shishani xasuustana, "Erayga jihaad wax dhibaato ah waagaas laguma qabin, walow ay gadaal wax iska badaleen", sababo la xiriira falalka uu dhiigga badan ku daatay ee kooxaha sida Al-Qaacidah iyo ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

"Mareykanka hub ayuu geeyay Afgaanistaan, hasayeeshee sida dhabta ah dalal badan ayaa sidaasi oo kale sameeyay," ayuu ku adkaystay.

Talibanes en Afganistán.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Robert Crews ayaa waxa uu xasuustaa markii Taalibaan ay qabsadeen oo ay isku soo bandhigeen inay yihiin "ciidammo cusub oo doonaya inay cidwalba ka sara maraan" arrintaas ayaa waxa ay tilmaamaysaa in hogaamiyayaashoodii ururka aasaasay aanay ka mid ahayn dadkii Mareykanka gacanta ka heli jiray.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, guusha Taalibaan ayaa waxaa gundhig u aheyd ballamahoodii ahaa inay soo celin doonaan kala dambaynta ayna dhisi doonaan dowlad Islaami ah oo nadiif ah, iyadoo ay sidaas uga faa'iidaysteen jawigii markaas jiray, halka Crews uu sheegay: "Kaalmada Mareykanka iyo guusha laga gaaray Midowga Soofiyeet ayaa gacan ka gaystay inay samaynmaan jihaadiyiinta aan aragnay."