Kaarka loo yaqaanno 'Buskud' ayaa ah awoodda madaxweynaha Mareykanka gacanta ugu jira

Xigashada Sawirka, Reuters
Joe Biden waa Madaxweynaha Mareykanka. Waxaan lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsiga dunida ugu awoodda badan.
Dadka ka soo horjeedana waxay inta badan sheegaan in awoodda Biden, si kasta in loo adeegsan karo.
Madaxweynaha Mareykanakana waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalkaasi. Dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa sidaa la mid ah, madaxweynaha uu ka yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
Awoodda gacanta ugu jirto madaxweynaha Mareykanka, wuxuu wareejiyaa oo keli ah marka uu muddo xileedkiisa dhammaado, awooddaasi oo ah kaar boorso ku jira, sida uu isaguba madaxweynihii xilka kaga horreeyey uu ugala wareego bisha January.
Kaarka aan kaa sheekeyneyno ma ahan mid iska caadi ah. Waa kaar uu ku qoran yahay lambarka sirta ee loo adeegsado marka la ridayo hubka halista ah ee Niyukileerka.
Wuxuu kaarka awood u siinayaa madaxweyne Biden in gantaallada riddada dheer ee Niyukiliyeerka uu xilliga uu doono u adeegsado inuu rido hubkaas, isagoo talooyiin ka helaya saraakiisha ciidamada.

Xigashada Sawirka, KEYSTONE/GETTY IMAGES
'Baaritaanno'
Gantaalka Niyukiliyeerka xambaara, waa midka ugu awood badan oo ilbiriqsiyo gudahood halki lagu rido wixi ku nool oo dhan baab'inaya.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Mareykanka oo keli ah ma ah dalalka ku hubeysan niyukiliyeerka, balse dalalka kale ee haysta waxay ka kooban yhiiin 9 dal.
Waddamadaasi oo kala ah Mareykanka, Kuuriyada Waqooyi, Israa'iil, Hindiya, Pakistan, UK, Shiinaha, Faransiiska iyo Ruushka.
Bamka Atoomigga sidee loo qarxiyaa?

Xigashada Sawirka, KEYSTONE/GETTY IMAGES
Wariye lagu magacaabo Ruth Alexander oo ah wariye ka tirsan BBC ayaa baadigoob u gashay in ay su'aashaa jawaab u hesho.
Madaweynaha Mareykanka ma ahan oo keli ah ninka dunida ugu awoodda badan. Balse wakhti xaadirkan dalkiisa wuxuu haystaa tirada hubka niyukiliyeerka ugu badan, waxaana lagu qiyaasaa kumannaan.
Gantaallada Niyukiliyeerka
Gantaallada Niyukiliyeerka waxaa loo sameeyaa qaabka madaafiicda la gami karo, waxaana hubkaas inta badan lagu xiraa maraakiibta badda quusa, buuraha dushooda iyo saldhigyada ciidan ee daafaha caalamka ku yaalla.
Dalka Mareykanka, in weerar hub nukliyeer ah la qaado ama la adeegsado waxaa awood u leh madaxweynaha oo keli ah.
Khubaradu waxay sheegeen in lacalla haddii Ruushka ama Mareykanka ay gantaalo is dhaafsadaan, in labadaba ay awoodaan in ay 30 daqiiqo gudahooda ay ku duqeeyaan meesha uu gantaalka ka soo dhacayo. Mareykanka ayaa si gaar ah u awooda in uu burburiyo aagga laga soo tuuro gantaal.

Xigashada Sawirka, OLIVER DOULIERY/AFP/GETTY IMAGES
Kubadda Niyukiliyeerka
Dhinaca kale, haddii cadow uu Mareykanka leeyahay uu dhanka badda weerar uga soo qaado, wuxuu awood u leeyahay inuu 15 daqiiqo gudahood uu weerarkaasi uga jawaabo.
Arrimahaasi markay dhacaanna Madaxweynaha Mareykanka wuxuu haystaa wakhti aad u yar oo uu ku go'ansado in la qaadayo weerar dhinaca niyukiliyeerka ah iyo in kale.
Waa taa sababta keenta in meel kasta oo uu madaxweynaha u safrayo inay la socoto boorsada kaarka niyukiliyeerka uu ka amrayo.
'Boorsada' kaarka lagu ilaaliyo waxaa loo yaqannaa 'Kubadda Niyukiliyeerka'.
Boorsada sidoo kale waxaa ku jiro aalad isgaarsiin uu madaxweynaha kula xiriirayo dad gaar ah, oo ay ka mid yihiin madaxa istraatiijiyadda xaruunta dhexe ee Niyukiliyeerka iyo madaxweyne ku xigeenka.
Bruce Blau, wuxuu sida oo kale sheegay in 'boorsada' ama sanduuqa uu ku jiro shax muujineyso gantaallada Niyukiliyeerka, awoodaha ay kala leeyihiin iyo saameynta ka dhalan karto.

Xigashada Sawirka, CENTRAL PRESS/GETTY IMAGES
Kaarka waxa loogu yeeraa Buskud
Kaarkan cajiibka ah ee loo yaqaanno 'Buskud' waa midka madaxweynaha Mareykanka ka dhigayo midka ugu awoodda dunida uguna sarreeyo, maadaamaa uu awood u siinaya inuu amar ku bixiyo weerar dhinaca atoomikada ah in la qaado.

Xigashada Sawirka, THREE LIONS/GETTY IMAGES
Weerarka kediska ah
Bruce Blau wuxuu sheegay in 1980-yadii, madaxweyne Jimmy Carter uu Kaarki sirta ahaa ku dhex hilmaamay suudkii uu xirnaa oo lagu dhex dhaqay.
Ka dib markii uu Minutemen uu amar ka helay Madaxweynaha gantaallada niyukiliyeerka waxaa loo diray gujisyada militariga Mareykanka waxaana lagu furay furaha sirta si ay weerar isugu diyaariyaan.
Arrintaa waxay soo billaabatay sannadkii 1973-kii. Xilligaasi oo dagaal u dhexeeyay Israa'iil iyo Carabta uu socday. Dhanka kale, Bruce iyo Timothy waxay u direen tilmaamihii ay heleen sii ay isugu diyaariyaan weerar. Waxaana howlgalkaasi loogu magacdaray DEFCON 3.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muxuu ahaa weerarkii Midowgii Soofiyeetii?
Wuxuu ahaa mid suurtagelin karay inuu dhaco dagaal Niyukiliyeer. Balse dagaalkaas inuu billowdo waxaa loo baahnaa inay laba qof ay bixiyaan amarka lambarrada sirta ee hubka niyukiliyeerka oo kala ah labada madaxweyneyaashii ee Ruushka iyo Mareykanka.
"Aniga ahaan, labadan qof ayaa fure u ahaa in gantaalka la rido". Bruce wuxuu xusuustaa in maalmahaas uu u maleeyay in Midowgii Soofiyeeti uu qarka u saaran yahay weerar inuu soo qaado.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Amarka weerarka
Su'aasha waxay tahay, ka warran haddii madaxweynaha Mareykanka si lama filaan ah uu amar ku bixiyo in weerar Niyukiliyeer ah la qaado, sabab in la'aan?
Bruce Blah wuxuu sheegayaa in xaaladdan oo kale, ay madaxa guddi isku dhaf ah oo ka tirsan taliyeyaasha ciidamada ay u baahanayaan, kuwaas oo laga yaabaa inay diidaan in ay qaataan amarrada qaar. Laakiin, suurtogalnimada ah in tan la sameeyo waa mid aad u yar.
Sababtoo ah dadka noocaas ah ee ka hoos shaqeeya Madaxweynaha ayaa loo tababaray in ay adeecaan awaamiirta ka soo baxdo madaxweynaha, waxyaabaha qaarna ay kala taliyaan.
Sidaa darteed, haddii Madaxweynaha uu si lama filaan ku bixiyo in la qaado weerar nukiliyeer, looma badinayo inuu amarkiisa toos u fulayo, weyna yar tahay fursadda noocaasi ah in ay abuuranto.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Dowladda Ruushka
Igor waa muwaadin Ruushka u dhashay isla-markaana u shaqeynayay dowladda dalkaas. Sannadkii 1999 -kii, waxaa loo xiray inuu cadow u yahay basaaso.
Igor waa khabiir ku takhasusay arrimaha hubka nukliyeerka.Kaddib, ku dhawaad 11 sano oo uu xabsi ku jiray, Ruushka ayaa sii daayey, wuxuuna markii dambe u baxsaday dhanka London.
Si la mid ah Mareykanka, dalka Ruushka wuxuu leeyahay awood nukliyeer. Wuxuuna Ruushku haystaa kumanaan gantaal oo hubka nukliyeerka ah.

Xigashada Sawirka, KEYSTONE/GETTY IMAGES
Marka uu weerarka dhacay...
Haddii ay dhacdo in la weeraro Ruushka, gambaleelka digniinta ayaa ku dhex jira sanduuq kaarka sirta lagu hayo, wuxuuna madaxweynaha ogaanayaa in weerar lagu soo qaaday.
Digniinta madaxweynaha soo gaareysana waxay ku qasbeysaa inuu si degdeg ah ku furo sanduuqa isla markaana uu la xiriiro Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.
Raysalwasaaraha Ruushka iyo Wasiirka Difaaca ayaa iyaguna leh sanduuqyo la mid ah kuwa madaxweynaha. Laakiin Madaxweynaha kaliya ayaa amri kara in weerar in la qaado.
Dhaqanka Nukliyeerka
Hadda ka hor waxaa dhacday in Ruushka uu ku dhowaaday in uu werar dhanka Niyuukilarka ah ku qaado Mareykanka, ka dib marki gantaal uu hawada Ruushka soo galay.
Balse, markii dambe ayaa la ogaaday inuu ahaa gantaal ka yimid Norway, kaas oo ahaa mid looga talagay cilmi baadhis dhanka Sayniska ah.Digniinta weerarka ee Ruushka soo gaartayna waxaa loo maleynayey inuu ahaa gantaal lagu soo riday Ruushka.Dalka Ruushka, ayaa dhoollatusyo mlitari si joogta ah u sameeya, si looga sii diyaar garoobo haddii weerarka dhinaca gantaalada nukliyeerka ah oo dalkaasi lagu soo qaado.












