Trump: Dalka Mareykanka wuu ka baxay heshiiska ganacsiga hubka

Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlay shirka NRA

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka oo ballaanqaaday "inuusan qaranimada Mareykanka uu oggolaaneyn iney cid kale hoos tagto"

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka baxayo heshiiska ganacsiga hubka ee heer caalami.

Heshiiskaasi ganacsiga hubka oo uu 2013-kii saxiixay madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama, ujeeddadiisu waxay ahayd iney waddamadu si xor ah iisu dhaafsadaan ganacsiga hubka wixi sharci darra ahna ay si wadajir ah uga hortagaan

Ururka Ganacsatada Hubka Mareykanka ayaa sheegay inuu heshiiskaasi ka hor imanayo xakameynta hubka sharci darrada isla-markaana uu ka hor imanayo xuquuqda haysashada hubka muwaaddiniinta Mareykanka ee dib u habeynta lagu sameeyey.

Shirka looga ololeeynaya ka bixitaanka heshiiskaasi, Madaxweyne Trump oo ka hadlay wuxuu aqalka sare ee Mareykanka uu ka codsaday iney heshiiskaasi meel marin.

Mareykanka oo ah dalka hubka ugu badan caalamka u dhoofiyo wuxuu dhoofinta hubka Mareykanka uu gaarayaa 58%. Ruushkana wuxuu caalamka kaga jiraa kaalinta labaad.

"Waxaan soo ceshaneynaa saxiixannaga, Qaramada midoobayna waxay dhawaan guddoomi doontaa wargelin ku saabsan inuu Mareykanka ka baxay heshiiska ganacsiga hubka ee qaramada Midoobay" ayuu yiri Trump.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

"Xukumadda aan aniga Mas'uulka ka ahayna marna ma aoggolaanayso in sharafta iyo qaranimada Mareykanka ay cid kale hoos tagto." ayuu yiri. "Xoogagga shisheeyana u ogolaanmeyno iney farageliyaan xorriyaddannada" ayuu raaciyey. yiri.

Khudabadda Madaxweyne Trump kadib warmurtiyeed laga soo saaray ayuu aqalka cad e Mareykanka ayaa lagu sheegay "Heshiiska inuu awoodi waayey inuu wax ka qabto hubka aan sida xilkasnimada lahayan caalamka isaga goosha isla-markaana waddamada kale ee hubka ugu badan dhoofiya sida Shiinaha iyo Ruushkana ay saxiixin."

Shirka Dallas ee NRA, 2018

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haweeney hubeysan oo ilaalinaysa shirka NRA ee Dallas

Saraakiisha qaramada midoobayna waxay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen iney hay'adda arrinta u xil saaran ay horay u ogeyn inuu madaxweyne Trump uu heshiiskaasi gabi ahaanba uu k abaxayo.

Heshiiska ganacsiga hubka ee heer caalami oo ay 130 dal saxiixeen wuxuu sharci ahaan uu u dhaqan galayaan sanadka soo socda.

Wuxuuna sharcigu meelmarintiisu u baahan yahay iney waddamada heshiiska saxiixay ay dabagal ku sameeyaan hubka ay dhoofiyaan iyo cidda ay hubka ka iibinayaan intaba si ay ugu xad gudbin cunaqabateeynada hubka ee saaran waddamada qaarkood.

Sir sanadeedka NRA

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mr Trump oo la hadlay kumannaan ka tirsan hy'adda NRA

130-ka dal ee saxiixay heshiiskaasi waxaa ilaa iyo hadda ansixiyey 101 dal oo ay ka mid yihiin Jarmalka, Faransiiska iyo Britain. Balse 29 dal oo uu ka midyahay Mareykanka sharcigaasi meynan ansixinin si uu sharci uu u noqdo.