Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka: Hubka uu Mareykanka u diyaarsaday difaaca nukliyerka Kim Jong-un

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilligii khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi uu cirka isku shareeray, intii uu xukunka hayey madaxweyne Donald Trump, Mareykanka ayaa bilaabay inuu dareemo kuleylka kaga imaanaya dalka madaxweyne Kim Jong Un.

Waxaa ka dib la billaabay isu diyaarinta dhibaato kasta oo kaga imaan karta Kuuriyada Waqooyi, oo taallaabo kasta suurogal ka tahay.

Duleedka magaalada Albuquerque, ee gobolka New Mexico, koox khubaro ah oo ka tirsan Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa soo saaray hub dhowr nooc ah: Si looga hortago weerarkasta oo Nukliyeer ah ee Kuuriyada Waqooyi kaga imaan kara.

Hubka ayaa ah aalad aan wax dili karin oo adeegsata mowjadaha elektaroonigga ee aan wax u dhimeynin bini'aadamka, waxayna adeegsadeen tikniyoolajiyad la mid ah tan lagu sameeyo kululeysada cuntada.

Sida laga soo xigtay tiro khubaro militeri ah oo la hadlay BBC Mundo, ujeedadeeda ugu weyn waa in gantaallada Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi laga dhigo kuwa shaqeyn waayo oo aan waxyeello geysanin.

.

Xigashada Sawirka, US AIRFORCE

Hubka isticmaalaya mowjadaha elektaroonigga ah ee laga sameeyo kululeysooyinka cuntada

Maaha markii ugu horeysay ee Mareykanka sameeyo gantaal isagoo adeegsanaya elektaroonig.

Sharon Weinberger, oo ah tifaftiraha guud ee siyaasada arrimaha dibedda, ayaa u sheegtay BBC Mundo, in 20 muddo sano ka hor in ciidamada cirka ay baareen mowjado elektaroonig ah ayna u adeegsadeen hub ahaan.

Khabiirka ayaa sheegay in qalabka raadiyaha elektarooniga ah ee loo adeegsaday Afghanistan iyo Ciraaq, si loo qarxiyo bambooyin iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Laakiin khubradda militariga Mareykanka ee adeegsiga bambooyin elektaroonigga ah, waxay sheegeen in arrintan ay soo bilaabatay tobannaan sano ka hor.

Pentagon-ka Mareykanka oo sameeya cilmi baaris militari oo isdaba joog ah, waxaa sannadkii 1960, loo xilsaaray inay falanqeeyaan saameynta mowjadaha elektaroonigga ah ay ku leeyihiin bini'aadamka.

"Waxwalba waxay bilowdeen ka dib markii dowladdii Midowgii Soofiyeeti ay bambo noocaas ah ku weerartay safaaradda Mareykanka ee Moskow," ayuu yiri Weinberger.

.

Xigashada Sawirka, Alamy

In kasta oo khubaradu xaqiijinayaan in dhowr tijaabo la sameeyay si loo xaqiijiyo waxtarkeeda, illaa iyo hadda waaxda difaaca waxay haysaa macluumaad ku saabsan hal xabo oo keliya.

Tijaabadii ugu horeysay waxay ka dhacday saxaraha Utah ee 2012, kaliya seddex sano, ka dib markii baaritaankii hore ee hubka noocan ah si rasmi ah uga bilowday shaybaarka ciidamada cirka ee xerada Kirtland.

Sida laga soo xigtay Fisher, bishii Oktoobar ee sannadkaas, diyaarad B-52 ah ayaa gantaal elektiroonig ah ku garaacday meel cidlo ah oo 4,000 mayl u jirta.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Balse sidee hubkan loogu isticmaali karaa in lagu curyaamiyo gantaallada niyukleerka ee Kuuriyada Waqooyi?

Hubka isticmaalaya mowjadaha elektarooniga ee looga hortagayo niyukleerka

Afhayeen u hadlay saldhiga militeri ee Kirtland ayaa sheegaya in soosaarida hubka noocaan oo kale ah aan loogu talagalin inuu difaac toos ah ka noqdo gantaalada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka iyo ujeedka hubkan ayaa looga hadlay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, ayay yiraahdeen laba sarkaal oo u warramay telefishanka NBC ee Mareykanka.

Sida laga soo xigtay Bleek, mid ka mid ah saameynta aan muranka lahayn ee mowjadaha elektaroonigga ah, waa awoodda looga hortagi karo qaraxyada gantaallada nukliyeerka, iyaga oo curyaaminaya madfaca.

Hubkan waxaa loo isticmaali karaa in lagu joojiyo gantaallada nukliyeerka, waxayna gantaalka ka hor istaagayaan in uu qarxo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kululeysooyinka elektaroonigga ah, waxay sidoo kale shiili karaan wareegyada korontada waxayna ka ilaalin karaan qarax iyo in shucaaca uu ku faafa aag ballaaran," ayuu yiri cilmi-baare ka tirsan Xarunta Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Washington.

.

Xigashada Sawirka, AFP / KCNA

"Haddii Mareykanka uu gantaal ku rido Kuuriyada Waqooyi, waxaa loo arki doonaa gardaro, iyadoon aan la eegeynin nooca gantaalka uu yahay."

Bleek wuxuu ku doodayaa in tallaabadan ay u badan tahay in ay yeelan doonto cawaaqib fog, sababtoo dalka Kuuriyada Woqooyi ma sugi doono inta laga ogaanayo ujeedka gantaalka. Taa badalkeedana wuxuu Kim isticmaali doonaa fursad uu kaga aargoosto isagoo ridaya gantaalo badan oo kaga jawaab celinayo.

Hadda Lama oga waxa uu sameyn doono ka dib marka uu shaqada ka tago.

"Hubka elektaroonigga ah wuxuu door weyn ka ciyaari karaa howlgalka militari ee ka dhanka ah Pyongyang, waa haddii taasi dhacdo, balse sidoo kale xal uma ahan hanjabaadaha Kuuriyada Waqooyi ee hubka nukliyeerka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Bleek.