Hadal kasoo fakaday Joe Biden

Joe Biden

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Joe Biden

Joe Biden madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka xilligii Barack Obama ayaa u muuqday in uu shaaciyay musharaxnimadiisa xilka madaxweynenimo ee Maraykanka, ka hor inta uusan isaga laftiisa isa sixin.

Isaga oo dad badan kula hadlayay gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware ayuu sheegay in taariikhdiisa wax qabad ay tahay mid ku habboon "Qof kasta oo isu soo taagay Maraykanka", halkaas marka uu marayo ayuu isaga isa saxay oo uu yiri , "Qof kasta oo is sharixi doona".

Dadkii dhagaysanayay ayaa markale isa sare taagay, kuna dhawaaqay erayo ay ku dhiirogalinayaan in uu isa soo sharoxo.

Biden ayaase sheegay in uusan sidaas ula jeedin, hadalkana uu ahaa mid ka fakaday.

Isaga oo sii hadlayay ayuu xubnaha xisbiga u sheegay in lasoo gaaray xilligii lasoo celin lahaa waxyaabihii laf dhabarta u ahaa Maraykanka, lagana gudbi lahaa xarig jiidka siyaasadeed.

Biden oo labo xilli madaxweyne ku xigeen usoo noqday Barack Obama ayaa dhanka kale sheegay in doorashooyinka 2020-ka ay noqon doonaan kuwa ugu muhiimsan muddo qarni ah.

Wararka ku saabsan in uu isa soo sharixi doono ayaa aad usoo batay, balse haddii uu sidaas yeelo waxa uu ku biiri doonaa loolan adag oo ay mar horeba musharaxnimadooda shaaciyeen illaa 15 siyaasi.

Dadka is sharaxay waxaa ka mid ah Elizabeth Warren, Kamala Harris iyo Bernie Sanders oo isaga 2016-kii la tartamay Hillary Clinton