Qalalaasaha Itoobiya; Walaaca isa soo taraya ee laga qabo midnimada iyadoo dagaalka Tigray uu ka sii darayo

Ciidamada Tigray waxay dib u qabsadeen Mekelle bishii Juun

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidamada Tigray waxay dib u qabsadeen Mekelle bishii Juun

Waxa jira walaac kordhaya oo ku saabsan midnimada Itoobiya iyada oo colaadda dhanka woqooyi ee gobolka Tigray ayaa ka sii darayso.

Dagaal dheer oo sagaal bilood u dhexeeyey xoogaga falaagada Tigray iyo milatariga Itoobiya iyo xulafadooda ayaa badanaa ku kooban Tigray lafteeda.

Laakiin dagaalku wuxuu ku fidayaa gobolada deriska la ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Tani waxay ka dhigan tahay in culaysku ka fududaanayo xoogagga Tigrayga oo guulo la taaban karo ka gaadhay dhul-beereedka, oo ay ka mid tahay qabsashadii caasimadda gobolka, Mekelle, bishii Juun ka dib markii ciidamada Itoobiya isaga baxeen, dawladduna ku dhawaaqday xabbad -joojin hal dhinac ah.

Waa calaamad muujinaysa in qalalaasaha Tigray uu ka sii darayo, laakiin tani sinaba maahan dagaalka kaliya ee hadda ka socda Itoobiya.

Waa dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika oo ay ka jiraan xiisado qowmiyadeed. Sannadkii 1994-kii, waxaa la soo saaray dastuur cusub kaas oo abuuray gobollo taxane ah oo ku salaysan isir ahaan oo loola jeedo in wax lagaga qabto dhibaatada dowlad dhexe.

Ilaa 2018, isbahaysiga talada haya waxaa u badnaa ururka TPLF waxaana lagu dhaliilay inay burburiyeen cid kasta oo ka soo horjeedda.

Ka dib markii Abiy Axmed - oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu weyn, Oromada - uu noqday ra'iisul wasaaraha 2018, wuxuu sameeyay tallaabooyin isdaba joog ah oo geesinimo leh, si loo soo afjaro cabudhinta dowladda.

Laakiin xorriyaddan waxaa weheliyay qarrax waddaninimo, iyadoo kooxo kala duwan ay dalbanayaan awood iyo dhul dheeraad ah.

"Waxa jira dagaallo qowmiyadeed oo aad u fara badan," ayuu yidhi Rashiid Cabdi, oo ah khabiir fadhigiisu yahay Nairobi oo ku xeel dheer amniga Geeska Afrika.

Qoomiyadaha Itoobiya ugu badan
Qoraalka sawirka, Qoomiyadaha Itoobiya ugu badan

Meesha ugu kulul waa gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka - oo xuduud la leh Suudaan iyo Koonfurta Suudaan - wuxuuna ku tilmaamay Mr Cabdi inuu yahay "ifafaale joogto ah". Ilaa 200 oo qof ayaa lagu xasuuqay weerar ka dhacay gobolka bishii December.

Toddobaadkii hore, mas'uuliyiinta gobolku waxay sheegeen in ciidamada ammaanku ay dileen in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan koox hubaysan oo ay ku eedeeyeen weerarada isir ahaan huriyay.

Waxa kale oo halis gelinaya deggenaashaha muranka soohdinta taariikhiga ah ee u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya oo ku saabsan dhul-beereedka barwaaqaysan ee dhulka loo yaqaan al-Fashaga. Waxaa sheeganaya labada dawladood.

Muranka ayaa keenay in ay is-horfadhiyaan labada ciidan, xilli ay colaaddu ka taagan tahay Tigray.

"Waxa jirta suurto galnimo ay ku sii korodho laakiin weli ma aysan dhicin," ayuu yiri Mr Cabdi.

Maalin qudha toddobaadkii hore, 1,100 qaxooti ah oo ka soo jeeda qowmiyadda yar ee Qemant ee Itoobiya ayaa u qaxay Suudaan si ay uga baxsadaan dagaallada gobolka Amxaarada Itoobiya oo xuduud la leh Tigray, warbaahinta Suudaan ayaa werisay.

Mas'uuliyiinta gobolka Amxaarada ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ku eedeynayey ka deriska la ah Tigray inay huriyeen colaadda qowmiyadeed, taas oo dadka Tigreegu ay diidaan.

kumanaan baa ku dhitay kuna dhaawacmay dagaalka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, kumanaan baa ku dhitay kuna dhaawacmay dagaalka

Ku darsoo kuwaa, waxaa ka soo bilaawday muran muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay gobollada Soomaalida iyo Canfarta ee Itoobiya, oo si khatar ah ugu dhow xadka Jabuuti, iyo kacdoonno sii kordhaya oo ka dhan ah milateriga Itoobiya oo ka socda gobolka Oromiya, waana sahlan tahay in la arko sababta ay Itoobiya u ilaalinayaan walwalsan yihiin.

"Itoobiya waxay soo martay wareegyo taariikhi ah oo xoog leh ka dibna aan khatar ahayn waxayna ku jirtaa mid ka mid ah waqtiyadaas aadka u halista badan," ayuu yiri Alex de Waal, oo ah agaasimaha fulinta World Peace Foundation oo xarunteedu tahay Maraykanka.

Qaar ka mid ah khubarada Itoobiya ayaa hadda ka hadlaya burbur dawladeed oo suurtogal ah.

"Ma aha wax la dafiri karo in Itoobiya ay ku sugan tahay xilli xiisad jirta," ayuu yidhi Cabdi. "Siday u socon doontaa dhibaatadan ka jirta Tigray iyo sidoo kale qodobo badan oo dagaal qowmiyadeed ah, qofna ma hubo, laakiin waxay ku jirtaa xiisad aad u weyn waxaana jirto halis weyn oo ah inay Itoobiya burburto."

Laakiin aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Gondar ee Itoobiya, Menychle Meseret, ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in Itoobiya qarka u saaran tahay burbur dawladeed.

"Xitaa ma haboona in laga doodo arrintaas, marka hore waxaan leenahay dowlad shaqeyneysa oo dalka maamusha, marka laga reebo Tigray -ga," ayuu yidhi.

Qalalaasaha ka jira Tigray, dhab ahaantii, wuxuu xoojiyay "isku-duubnida qaranka" ee gobollada iyo qowmiyadaha kale, kuwaas oo isku soo baxay si ay u taageeraan dowladda iyo militariga, ayuu raaciyay Menychle.

gobolada Itoobiya
Qoraalka sawirka, gobolada Itoobiya

Ciidamada Tigrayga ayaa sheegay in aysan joojin doonin dagaalka ilaa dhowr shuruudood uu buuxiyo Abiy mooyee.

Tan waxaa ka mid ah joojinta go'doominta dowladda federaalka ay saartay Tigray iyo bixitaanka dhammaan ciidamadii iska soo horjeeda - ciidanka Itoobiya, xoogagga gobollada kale ee Itoobiya iyo Ereteriyaanka ka barbar dagaallamaya.

Xayiraadda waxaa loola jeedaa dowladda federaalka oo xidhay dhammaan adeegyada korontada, maaliyadda iyo isgaadhsiinta ee Tigray, tan iyo markii ay Mekelle ka baxday bishii June.

Hay'adaha caalamiga ah ayay sidoo kale ku adkaatay inay helaan gargaarka saa'idka loogu baahan yahay.

Gen Tsadkan Gebretensae, ayaa u sheegay barnaamijka Newshour ee BBC-da Axaddii, in ciidamada Tigrayga ay sii wadi doonaan dagaalka - oo ay ku jiraan gobollada Canfarta iyo Amxaarada - ilaa laga gaaro shuruudaha xabad joojinta.

"Dhammaan dhaqdhaqaaqyadayada ciidan ee waqtigan waxaa lagu maamulaa laba ujeedo oo waaweyn. Mid waa in la jebiyo go'doominta. Midda labaad waa in lagu qasbo dowladda in ay aqbasho shuruudahayaga xabbad-joojinta, ka dibna la raadiyo xal siyaasadeed."

Jeneraalku wuxuu intaas ku daray in dadka Tigrayga aysan u jeedin in ay Itoobiya siyaasad ahaan ku xukumaan sidii hore. Taas bedelkeeda waxay rabaan in dadka Tigrayga ah ay ku codeeyaan aftida is-maamulka.

khasaaraha dagaalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, khasaaraha dagaalka

Wasiirka dimuqraadiyadaynta Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa BBC-da u sheegay in fallaagada Tigrayga ay leeyihiin dareen been ah oo awood ah, lagana saari doono tuulo kasta oo gobolka ka mid ah marka ay dowladda ka dhammaado dulqaadka.

Zadig ayaa beeniyay sheegashada fallaagada ee ah in xannibaad lagu hayo Tigray wuxuuna sheegay in ay tahay waajibka dowladda in ay hubiso gaadhsiinta gargaarka bani'aadamnimada.

Calaamadda colaaddu waxay ku soo beegmaysaa dagaalyahanno kale, dhallinyaro Itoobiyaan ah ayaa isugu soo baxay isu soo bax ka dhacay caasimadda Addis Ababa toddobaadkii hore, iyagoo ka jawaabaya baaqii hoggaamiyeyaasha gobolka ee ahaa inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah jabhadaha Tigrayga.

Iskahorimaadku wuxuu sababay dhibaato bani'aadamnimo oo aad u weyn.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta, Unicef, ayaa Jimcihii sheegtay in in ka badan 100,000 oo carruur ah oo ku nool Tigray ay la kulmi karaan nafaqo-darro halis ku ah sannadka soo socda, halka kala bar dumarka uurka leh iyo kuwa naas-nuujinaya ee laga baadhay gobolka ay nafaqo-darro ba'an hayso.

Khubarada cuntada ayaa sheegaya in 400,000 oo qof oo Tigray ah ay la kulmaan "heerar ba'an oo gaajo ah".

Dhammaan waddooyinka gargaarka ee taga Tigray ayaa xiran marka laga reebo hal waddo oo ka timaadda gobolka Canfarta oo dhawaan lagu weeraray kolonyo raashin ah, oo sida la sheegay ay weerareen maleeshiyaad taageersan dowladda.

Malleeshiyaadka Tigaryga ayaa sheegaya inay rajaynayaan inay xoog ku furaan waddo cusub oo gargaar oo sii maraysa Suudaan iyagoo ka adkaaday ciidanka Itoobiya iyo ciidammada Amxaarada ee halkaas deggeen.

cunto gargaara loo la qaybinayo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, cunto gargaara loo la qaybinayo

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 5.2 milyan oo qof oo ku nool Tigray ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo, halka dagaalladii ugu dambeeyay ee ku fiday gobolka Canfarta ay sababeen in kumanaan qof ay halkaas ku barakacaan oo ay aad ugu baahan yihiin cunto iyo hoy.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dadaallada diblomaasiyadeed ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka badan ee ka jira Itoobiya ayaa sare u kacay, ayuu yidhi de Waal, iyadoo wadahadaladu ay ahaayeen kuwo albaabadu u xidhan yihiin.

Matt Bryden, oo ka tirsan hay'adda Sahan Research, ayaa shaki ka qaba in xal siyaasadeed laga heli karo marxaladdan, gaar ahaan inta uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

"Ciidanka Tigray-ga waa inay miisaamaan rajada laga qabo wada-hadal siyaasadeed iyadoo ay qiimaynayaan halista jirta.

"Dhinaca kale, Abiy ma muujinayo dan ama faham uu u baahan karo inuu ku galo wadahadal siyaasadeed... caqiido aan la gilgili karin ayuu ku qabaa naftiisa iyo himiladiisa.

"Waxaan ka baqayaa in ay u badan tahay in aan aragno iska horimaadka sii socda illaa midkoodna Tigray-ga si dhab ah loo xoreeyo ama - ay u yar tahay - ilaa labada dhinac isku arkaan is-marin -waaga," ayuu yidhi Mr Bryden.