Khilaafka Hirshabeelle iyo Janaraal Xuud: Iska hor imaadyo ka dhacay magaalada Beledweyne

Xiisad ayaa saaka ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib iska hor'imaadyo xaley saqdii dhexe ka dhacay halkaas.
Rasaas goos goos ah ayaa xaley laga maqlayay gudaha magaalada kadib markii uu dagaalka ka bilowday xaafado ku yaalla Beledweyne.
Iska hor'imaadyadaasi waxay dhex mareen ciidamada dawladda iyo miliishiyo taabacsan Janaraal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.
Dad kala duwan oo ku sugan Beledweyne ayaa BBC u sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka inkasta oo aanan si rasmi ah oo loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Arrintan ayaa imaaneysaa xilli Beledweyne ay gaareen xubno ka tirsan wasiirada maamulka Hirshabeelle , waxaana halkaas sii joogay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Xagar Dabageed xilli ay sheegeen in shir golaha wasiirada ay leeyihiin lagu qaban doono Beledweyne.
Golaha kacdoonka gobolka Hiiraan ee uu horkacayo Janaraal Xuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shirkaas lagu qabto Beledweyne isla markaana ay kasoo horjeedaan in Hirshabeelle ay ka shaqeyso halkaas.
Waxay shaley gelinkii dambe sheegeen inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah shirka iyadoo xaley ay dagaal ku qaadeen magaalada, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Waxay sheegeen inay isku dayaeen in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda balse Hirshabeelle ay colaad iyo khilaaf ka abuureyso gobolka.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamada uu hoggaaminayo Janaraal Xuud ay fadhiyaan duleedka magaalada gaar ahaan deegaanka Ceelgaal xilli xaley ay soo galeen Beledweyne sidaana uu dagaalka ku bilowday.

Xubnaha ka socda Hirshabeelle ee ku sugan Beledweyne ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan looga hadlayo khilaafka.
Beledweyne waxaa horey uga dhacay dibadbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle.
Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday.
Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafkan, waxaa horraan Beledweyne u gaaray mas'uuliyiin ka socday dowladda federaalka oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha si loo dhageysto tabashada dadweynaha iyo dhinacyada kala duwan si loo soo afjaro xiisadda.











