Yuusuf Dabageed muxuu ku diiday in uu xilka wareejiyo?

Yuusuf Dabageed
Qoraalka sawirka, Yuusuf Dabageed

Xiisad ayaa weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib markii uu diiday inuu xafiiska banneeyo, gudoomiyihii hore ee gobolka oo "shaqada laga eryay Sabtidii la soo dhaafay".

Yuusuf Axmed Xagar oo loo yaqaano Dabageed ayaa ku adkeysanaya inuu weli yahay gudoomiyaha sharciga ah ee gobolka isla markaana ay sharci darro tahay warqaddii isaga shaqada looga fariisiyay.

Maleeshiyaad daacad u ah Yusuf Dabageed ayaa waxay ku sugan Beledweyne iyadoo gudoomiyaha cusub ee la soo magacaabayna uu dagan yahay guriga martida ee gobolkaas.

Yuusuf Dabageed oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in sababaha uu xil ka qaadista u diiday ay ka mid yihiin in wareegtada shaqada looga joojiyay aysan dastuurka maamulkaas waafaqsaneyn.

Wuxuu sidoo kale ku doodayaa in madaxweyaha uusan xilka ka qaadi karin ama qof kale uusan xil u magcaabi karin, haddii uu dalka ka maqan yahay.

Yusuf Dabageed ayaa Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku eedeeyay inuu "soo weeraray".

"Isaga ayaa xilka ii dhiibay, waan soo dhaweeyay. habeen madow ayuu isoo weeraray, ciidamo Itoobiyaan iyo AMISOM ayuu igu soo weeraray," ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Ma jiraan ilo madaxbannaan oo cadeynaya in ciidamo AMISOM ah ay Yusuf Dabageed weerareen, mana jirto jawaab dhanka maamulka Hirshabeelle ay arrintaas uga hadleen.

Dabageed ayaa ku anddacoonaya in dadka reer Hiiraan ay ka soo horjeedaan tallaabada xilka looga qaaday, aysanna arrintaan matali karin danaha shacabka gobolkaas.

Yuusuf Axmed Xagar waa markii afaraad oo xilka maamulka Hiiraan loo magacaabo, wax cusubna ma ahan in si khilaaf ah looga qaado jagada. Markasta waxaa arrintaas sababa khilaaf soo kala dhexgala isaga iyo masuuliyiinta.

Yuusuf Dabageed waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ay isku qabteen arrimo dhowr ah balse uu ka diiday, sidaas darteedna uu go'aankan u gaaray.

Wuxuu sheegay: "Midkan waa sharci darro.. dadka reer Hiiraan ayaan ku takrifalayaa iyo ku takrifali meysid ayaan isku qabanay Maxamed Cabdi Waare ee iskuma heysanno xil".

Qoraalka Codka, Colaaddii Hiiraan oo laga heshiiyay

Yusuf Dabageed oo Beledwayne ku haysta ciidamo daacad u ah ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn gudoomiyaha cusub ee xilkaas loo magacaabay. Wuxuu sheegtay in uu isaga yahay "wakiilka shacabka".

Amni darro ayaa ka jirtay qaybo ka mid gobolka iyo sidoo kale khilaafaad mararka qaar sababa in qabaa'ilka halkaasi wada dego ay shaqaaqo dhexmarto.

Sannadkii lasoo dhaafay, Yuusuf Axmed Xagar ayaa loo magacaabay xilkan, waxaana waggaasi uu sheegay in ahmiyadda koowaad uu saari doono dib u heshiisiinta iyo xoojinta amniga.

Waxay u muuqataa in Yuusuf Dabageed uusan weli ka harin rog rogidda siyaasadda gobolka maadama uu yahay nin ku soo noqday dhowr goor hoggaanka gobolkaas, haddana, waxaa laga dhuursugaya tallaabada xigta, inkasta uu weli sheegayo inuu yahay guddoomiyaha gobolkaas.