Arrimaha aan colaad ahayn ee Soomaalida ka qixiya guriyahooda

Xigashada Sawirka, UNHCR/Mustafa Saeed
Qaramada midoobay ayaa sheegtay iney Soomaalida waxyaabaha qixiya ee ugu badan ay tahay abaar ka dhalata isbeddelka cimillada.
Iyadoo ay maanta ku beegan tahay maalinta Deegaanka Adduunka ayay UNHCR soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadleyso deegaannada Soomaalida iyo dhibaatada ka dhalatay xaalufka.
Xilli roobeedka 'Guga' (April illaa June 2019) iyo roobka 'Deyrta' (October illaa December 2018), roobabkii di'i jiray oo aad u yaraada ayaa sababay iney abaaro ba'an ka dhasheen qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Waxayna warbixintu intaa ku dartay illaa iyo bisha July ee soo socota oo keli ah iney 5.4 milyan oo qof ay gargaar cunno ay u baahan yihiin.
2.2 milyan oo qof oo dadkaasi ka mid ahna ay ku sugan yihiin xaalad bani aadaminimo oo aad u adag, ayna u baahan yihiin gargaar degdeg ah in lala gaaro.
Sidoo kale waxay abaartu kalliftay iney horraantii sanadkan oo keli ah ay dad ka badan 49,000 oo qof ay guryahooda ka qaxaan.
Waxayna dadkaasi u qaxeen magaalooyinka si ay cunno, biyo iyo gargaar kale ay u helaan. Bishi hore ee May waxay abaaruhu barakiciyeen 7,000 oo qof oo Soomaali ah.
Waxayna UNHCR warbixinteeda ku sheegtay iney dagaannada ay abaaruhu saameeyeen ay yihiin Bartamaha koonfureed ee Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, halka deegaannada helay roob ku filanna, ay daadadku saameeyn u geysteen.
Sida ay hay'adda UNHCR sheegtay, waxaan ugu daran Sanaag, Sool, Awdal, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.
Colaadaha iyo Abaaraha ka taagnaa Soomaaliya waxay dalka gudahiisa ku barakiciyeen dad ka badan 4.5 milyan oo qof.
Qorshe ay UNHCR dajisay oo ku saabsan ka jawaabidda abaaraha Soomaaliya waxay u baahatay dhaqaale gaaraya $710.5 milyan oo doolar, waxaana lacagtaasi la helay oo keli ah 20%.
Heer caalami ah oo la xiriira masiibooyinka isbeddelka cimillada sida Barafka, Duufaanta, Daadadka, Abaaraha, Dabka keymaha ka kaca iyo Dhul go'a, waxaa ku barakacay ugu yaraan 16.1 milyan oo qof.
Ugu dambeyn, UNHCR warbixinteeda waxay ku soo gabagabeysay baaq ay u jeedisay in tallaabbo wax ku ool ah loo qaado sidii looga hortagi lahaa masiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada isla-markaana wax loogu qabto dadka ay saameysay isbeddelka cimillada.












