Muxuu salka ku hayaa xarigga saraakiisha Ciidanka NISA ee gobolka Hiiraan?

Xigashada Sawirka, AFP
Saldhigga magaalada Beledweyne waxaa maalintii labaad ku xiran taliyihii hay'adda nabad sugidda ee NISA u qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa.
Cabdi Maxamed Cali oo ah Taliyihii NISA ee Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa oo isagana masuul ka ahaa howlaha nabad sugidda ee magaalada Beledweyne ayaa la xiray maalin ka hor, ka dib markii uu amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha cusub ee gobolkaas Yuusuf Amed Hagar (Dabageed).
Ma jiro bayaan ka soo baxay maamulka gobolka oo lagu sharraxayo xariga saraakiishaas oo daba socday muran dhawaantan soo jiitamayay.
Maamulka dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ayaa muddooynkanba waday isbaddalo dhinacyo badan ah oo uu ku sameynayay qeybaha kala duwan ee maamulka gobolka Hiiraan.

Maxay tahay sababta loo xiray saraakiisha NISA?
Mas'uuliyiinta Hirshabeelle ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyaan tallaabadaas oo si weyn looga hadal hayo magaalada Beledweyne iyo qeybaha kale ee Soomaaliya.
BBC-da ayay u suurta gashay iney si toos ah ula hadasho gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuf Dabageed oo amarka saraakiisha lagu xiray bixiyay, wuxuuna noo xaqiijiyay iney arrintaas jirto.
"Nimankaas saraakiisha ah annaga ayaa xirnay, haddana waxay ku jiraan xabsiga saldhigga Beledweyne. Waxaan u xirnay amar diiddo ay sameeyeen" ayuu yiri.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska sare ee NISA oo ay arrintan uga hadlayaan.
Xil ka qaadista masuuliyiinta NISA ee gobolka Hiiraan
Muran ayaa wuxuu ka taagnaa sharciyadda taliyaha NISA ee gobolka iyo ku xigeenkiisa.
1-dii bishii la soo dhaafay ee Siteembar, wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa xilalka looga qaaday taliyaha NISA ee Hiiraan Cabdi Maxamed Cali iyo ku xigeenkiisa.
Dhagaweyne ayaa sidoo kale ahaa madaxa howlaha nabad sugidda ee magaalada Beledweyne.
Labaduba waxay ku gacan sayreen xilka laga qaaday iyo sifada looga qaaday.
Xariga saraakiisha ayaa iminka yimid ka dib markii sida aan wararka ku helnay ay ka biyo diideen xil wareejin laga dalbaday, inkastoo gudoomiye Yuusuf Dabageed uu ka cudur daartay inuu faahfaahin buuxda naga siiyo qodobkaas.

Cabsi soo food saartay shacabka iyo Xiisad
Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaa walaac ay dadku qabaan, iyagoo ka cabsi qaba xiisad ka dhalan karta xarigga saraakiisha, waxaana soo baxayay warar aan la xaqiijinin oo ku saabsan in qaar ka mid ah ciidamadii ka amar qaadanayay saraakiishaas aysan ku faraxsaneyn tallaabada laga qaaday.
Hase ahaatee ilaa iyo hadda ma jiraan ilo wareedyo rasmi ah oo xaqiijinaya iney ciidamadaas sameynayaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan iney ku soo daayaan taliyaha xiran iyo ku xigeenkiisa toona.
Magacaabistii Yuusuf Dabageed
27-kii bishii Siteembar ayuu madaxweyne Waare soo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar (Dabageed), ka dib markii uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka.
Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay in la baddalo guddoomiyihii hore ee Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin oo loo yaqaanno Sufurow.
Waxay ahayd markii labaad oo Yusuf Axmed Hagar loo magacaabo xilka guddoomiyaha Hiiraan tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2016-kii.
Dabageed ayaa horay u soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan intii aan Soomaaliya laga hirgalinin nidaamka maamul goboleedyada.










