Afgembigii Myanmar: Hindiya ayaa laga codsaday inay soo dhiibtoo saraakiil baxsatay

Demonstrators react as tear gas is fired by police during a protest against the military coup in Yangon, Myanmar, 06 March 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Isku dhacyo kale ayaa Sabtidii ka dhex qarxay booliiska iyo dibadbaxayaasha Yangon

Myanmar ayaa ka codsatay dalka deriska la ah ee Hindiya inay soo celiso dhowr saraakiil boolis oo xadka ka gudbay iyaga oo doonaya magangalyo kaddib markii ay diideen inay u hoggaansamaan amarrada milatariga.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in booliskaas iyo qoysaskooda ay dhowaan ka gudbeen xadka.

Maamulka Myanmar oo warqad u qoray Hindiya ayaa waxay codsadeen in la soo celiyo "si loo joogteeyo xiriirka saaxiibtinnimo".

Myanmar waxaa hareeyay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii bishii hore uu ka dhacay afgembi.

Xoogagga ammaanka ayaa si adag u xakameeyay dibadbaxyada ugu yaraanna 55 qof ayaa la soo weriyay inay ku dhinteen.

Booliiska ayaa habeenkii Sabtidii howlgallo ka fuliyay magaalada ugu weyn ee Yangon, kahor dibadbaxyo kale oo milatariga ka dhan ah.

Muuqaal la soo qaaday ayaa muujinaya xoogagga ammaanka oo dhowr jeer xabbadeynaya dhismooyinka iyaga dadkana xirxiraya.

Saacado kaddib, kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa mar kale isugu yimid Yangon iyo magaalada Mandalay.

Protesters and residents hold candles and pray during a ceremony to honour protesters who have died during clashes with the military around the country, Yangon, Myanmar, 6 March 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Baroordiiq shalay lagu xusayay dadkii ku dhintay dibadbaxyada

Waxaa xigay dibadbaxyo shalay ka dhacay dalkaas, iyada oo booliiska Yangon ay adeegsanayeen gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaasta caagga ah si ay u kala cayriyaan dibadbaxayaasha, sida ay wararku sheegayaan.

Lama soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay.

Waa sidee xaalka saraakiisha booliska ee magangalyada doonaya?

Taliye xigeenka Maria CT Zuali, oo ah sarkaal sare oo ku sugan degmada Champhai ee gobolka Mizoram ee dalka Hindiya, ayaa sheegtay inay warqad ka heshay dhiggeeda degmada Falam ee Myanmar oo codsanaya soo celinta saraakiishaas.

Warqadda waxaa lagu sheegay in Myanmar ay heshay war ku saabsan in siddeed sarkaal ay u gudbeen Hindiya.

"Si loo joogteeyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal ee deriska ah ka dhaxeeya, waxaa si naxariis leh lagaaga codsanayaa inaad xirtaan siddeed sarkaal boolis oo Myanmar u dhashay kuwaas oo Hindiya tegay isla markaana aad u soo gudbisaan Myanmar," ayaa warqadda lagu xusay.

Demonstrators during a protest against the military coup in Yangon, Myanmar, 06 March 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dibadbaxayaasha ayaa codsanaya sii denya hoggaamiyaha sida dimuqraaddiga ah loo doortay Aung San Suu Kyi

Ms Zuali ayaa sheegtay inay amar ka sugeyso wasaaradda arrimaha gudaha Hindiya.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters, ilaa 30 qof oo ay ku jiraan saraakiisha iyo qoysaskooda ayaa dhowaan u gudbayay Hindiya iyaga oo magangalyo doonaya.

Maxaa sababay qalalaasaha?

Milatariga Myanmar ayaa awoodda la wareegay bilowgii February kaddib markii ay xireen hoggaamiyaha sida dimuqraaddiga ah loo doortay, Aung San Suu Kyi.

Maalmo kaddib, dhaqdhaqaaq ayaa bilowday, iyadoo dad badan ay diideen inay shaqooyinka ku laabtaan halka qaarna ay ka qeub qaateen dibadbaxyo ballaaran oo waddooyinka ka dhacay.

In ka badan 1,700 oo qof ayaa la xiray tan iyo afgembiga, sida ay sheegtay madaxa arrimaha bani'aadannimada Qaramada Midoobay Michelle Bachelet, dadkaas waxaa ku jira xubno ka tirsan baarlamaanka, dibadbaxayaasha, iyo ugu yaraan 29 weriyeyaal ah.

2px presentational grey line

Dalka Myanmar

  • Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaanno Burma, ayaa xornimada ka qaatay Britain sanadkii 1948. Inta badan taarriikhdeeda casriga ah waxay hoos tageysay xukun milatari
  • Xayiraadaha ayaa la dabciyay sanadkii 2010, taas oo horseedday doorashooyin xor ah sanadkii 2015, hogaamiyihii mucaaradka ee rugcaddaaga ah Aung San Suu Kyi ayaana sanadkii xigay dowlad soo dhistay
  • Sanadkii 2017, ciidamada Myanmar ayaa ka jawaabay weerarro ay kooxaha Rohingya u geysteen booliiska iyagoo kaga jawaabay ugaarsi uu dhiig ku daatay, taas oo sababtay in in ka badan kala bar milyan Mulsimiinta Rohingya ay u gudbaan Bangladesh, Qaramada Miodobay ayaa arrintaas ku tilmaantay "mid tusaale u ah isir-sifeyn"