"Aad ayaan ugu faraxsannahay in iskuul loogu magac daray gabadheenna Hodan Naaleeye"

Hodan Naaleeye

Iskuul ku yaalla magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa bulshada ku dhaqan xaafadda dugsigaasi ku yaalla waxay soo jeediyen in dugiaasi loogu magac daro Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye oo sannad iyo dhawr bilood ka hor lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo.

Wakiilo ka socda Gudiga Dugsiga Dagmada Gobolka York ayaa habeenkii Talaadada u codeeyay in la baddelo magaca dugsiga Vaughan, oo loogu magac daray nin adoonsan jiray dadka madowga ah qarnigii 18aad.

Toban ka mid ah 12 wakiil ayaa u codeeyay mooshinka, oo markii hore la soo hordhigay sababo la xiriira culeys ka yimid bulshada Madow ee daggan gobolka.

Dad badan oo madow ah oo ay Soomaalida ka mid yihiin daganna xaafadda uu iskuulkan ku yaalla ayaa waday olole magac looga baddelaya iskuulkan oo ninkii horay loogu magac daray lagu eedeeyay cunsuriyad ka dhan ah dadka madow.

Maamulka iyo madaxda sare ee iskuulka oo waayadan dadka dagan xaafadda kala tashanayay cida ay isleeyihiin wey ku haboontahay in loogu magac daro iskuulka ayaa ugu dambayntii go'aan ku gaareen in iskuulka loogu magac daro Hodan Naaleeye, arrintaas oo Soomaali badan farxad gelisay.

Sahra Axmed Siciid Naaleeye oo la dhalatay marxuumadda ayaa BBC-da u sheegtay in arrintaan ay qoyskeeda dhamaan aad ugu farxeen.

" Dadka Iskuulka maamula waxay dhaheen haye waan ka baddeli doonnaa, kaddib waxay waraysteen dadka magaalada daggan oo ay weydiiyeen magac aan iskuulka siin karno, dad badan oo madow oo Muslimiin ah ayaa magacii walashey u diray maamulka iskuulka, kaddibna maamulka go'aan ayey gaareen, runtii waalidkay, walaaladay iyo anigaba aad ayaan u faraxsannahay." Ayey tiri Sahra.

Sidoo kale waxaa arrintaan tallaabo wanaagsan ku tilmaamay Axmed Naaleeye Siciid oo ah Allaha unaxaristee aabihii dhalay Hodan.

"Hodan Naaleeye waa gabadhaydii ilaahay ha unaxaristee qof mudan ayey ahayd, ficilkeeda oo dhan wuxuu ahaa mid fiican, iskuulka magaceeda lagu daray oo lagu tilmaamay Hodan Naaleeye waxaan leeyahay wey mudantahay waana wax fiican," ayuu yiri Axmed Naaleeye..

Dhanka kale Liiban oo ka shaqeeya arrimaha hormarinta bulshada kuna nool magaalada Toronto ayaa sheegay in arrintaan ay tahay wax lagu farxo ayna dhamaan Soomaalida ku nool dalka Canada ay aad u soo dhaweynayaan.

"Waa arrin wanaagsan in magacii loo dooray iskuulka uu noqdo Hodan Naaleeye waxayna sharaf weyn u tahay Soomaalida, waxay ahayd in sidoo kale Soomaaliya iskuul loogu magac daro Hodan maxaa yeelay waxay Soomaaliya ka qabatay ayaa iyadana wax weyn ah." Ayuu yiri Liban.

Taariikhda Hodan Naaleeye

Hodan Naaleeye waxa ay ku dhalatay Soomaaliya sannadkii 1976. Sannadkii 1984-tii ayay iyada iyo qoyskeeda u soo haajireen dalka Kanada, gaar ahaan magaalada Edmonton, Alberta ka hor inta ay usoo wareegin magaalada Toronto sannadkii 1992-dii.

Naaleeye waxay wax barshada dugsiga sare kaga baxaday Machadka West Humber halka heerkeeda koobaad ee Jaamacadda ay ka soo qalin jabisay Jaamacadda Windosor. Waxay sidoo kale shahaado dheeri ah ka qaadatay kuliyadda Saxaafadda.

Hodan Allaha u naxariistee Waxay ifka kaga tagtay laba wiil.

Waxa ay lahayd Khibrad shaqo oo ilaa iyo 13 sanadood ah waxay horay uga soo shaqeeysay telfishan iyo raadiye iyadoona soo saare ka ahayd barnaamijyo dhawr ah oo ka baxay telefishanno kala duwan.

Waxa ay sidoo kale madax ka soo noqotay Ha'yadda Isdhex galka Dhaqamada.