Dadkii caanka ahaa ee lagu laayay qarixii Kismaayo

Muuqaalka Hotel Cascaseey burburkii kadib
Qoraalka sawirka, Muuqaalka Hotel Cascaseey burburkii kadib

Qarixii iyo weerarkii lagu qaaday Hotel Madiina (Ex Cascaseey) ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay wax ka badan 20 qof, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Marka laga yimaado Hodan Naaleeye oo ahayd saxafiyad caan ah oo warbaahinta gudaha iyo dibeddaba ay si weyn geerideeda u hadal haysay, waxaa jira dad kale oo bulshada magac ku dhex lahaa.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye

Waxa ahaa xildhibaan federaal ah intii u dhaxaysay 2012-kii illaa 2016-kii, xilligaas oo doorashadii looga guuleystay.

Maxamed ayaa sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya mudadaas uu xildhibaanka ahaa mar ka mid ah.

Maxamed Axmed Shuuriye

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Maxamed Axmed Shuuriye

Maxamed Shuuriye ayaa labo maalin ka hor jimcihii tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu soo dhoweeyay maadaamaa uu ku dhowaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Dad ehelkiisa ah waxa ay sheegeen in weerarka kadib uu taleefoon kasoo dhex dirayay hoteelka, balse markii dambe uu taleefoonkii baqtiismay.

Waxaa la xaqiijiyay subixii dambe in uu ku geeriyooday weerarkii hoteelka, halkaas oo ciidamada amniga ay ku qaadatay dhawr iyo tobon saacadood ah in ay soo afjaraan kuwii weerarka geystay.

Maxamed Sahal Gacmo Dheere

Waxa uu ahaa wariye caan ka ah magaalada Kismaayo, wuxuuna muddo dhawr ah sanno ah u shaqaynayay taleefishinka SBC.

Dhawr jeer ayuu wariyahan bartiisa Facebook kusoo qorey in uu dhibaato kala kulmay ciidamada Jubbaland. Waxaa xitaa jirtay mar loo xiray kadib markii uu warbixin ka duubay gabadh yar oo kufsi loogu geystey magaalada Kismaayo sida ay BBC-da u sheegeen wariyeyaal Kismaayo ku sugan.

Wariye Maxamed Sahal Cumar - Gacmodheere

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Wariye Maxamed Sahal Cumar - Gacmodheere

Maamulka Taleefishinka SBC ayaa ka tacsiiyay geerida wariyaha.

Fariid Jaamac

Waxa uu ahaa siyaasi iyo ganacsade deegaanka caan ka ah, waxayna dad yaqaana BBC-da u sheegeen in markii ugu dambeysay ee uu Jubbaland tagayay uu ka yimid dalka Congo, halkaas oo uu ku lahaa dano ganacsi.

Fariid ayaa ku biirey golaha wasiiradda Jubbaland, isaga oo noqday wasiirka ganacsiga maamulkaas.

Balse isku shaandheyn dambe oo uu sameeyay madaxweyne Axmed Islaam ayuu kaga haray golaha wasiiradda.

Qoraalka Codka, Waa maxay ujeedada laga leeyahay bandhigga buugaagta ee Kismaayo?

Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu xoogga saaray dhanka ganacsiga, isaga oo la wareegay hoteelka caanka ah ee Qiil-ma- Waaye ee ku yaala xeebta Calanleey ee magaalada Kismaayo.

Fariid oo xabbad qare ah (xabxab ah) guddoonsiinaya wasiiradda dekedaha ee federaalka Maryan Aweys

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Fariid oo xabbad qare ah (xabxab ah) guddoonsiinaya wasiiradda dekedaha ee federaalka Maryan Aweys

Fariid ayaa hoteelka ku sameeyay dayactir xooggan, isaga oo xitaa u furay dhanka xeebta, kana sameeyay meelo la fariisto.

Markii uu Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre tagay magaadala Kismaayo, hoteelka Qiil Ma Waaye waxa uu ka mid ahaa meelihii uu Ra'isulwasaaraha kula kulmay dhallinyaro uu la caweeyay.

Fariid ayaa waxa ay is guursadeen Hodan Naaleeye oo ah saxafiyad Soomaaliyeed oo ka timid dalka Canada, labadoodana waxa ay ambo qaadeen hawlaha ganacsiga, iyaga oo xitaa maalgashi ku sameeyay beer aseendo ah oo ku taala deegaanka Goobweyn, taas oo loo sameeyay nidaamka waraabka dalagga.

Mahad Cabdullaahi Nuur (Gurguurte)

Waxa uu ahaa ganacsade saldhigiisu yahay dalka Tanzania, halkaas oo uu ku lahaa ganacsiyo waaweyn oo guuleystay.

Mahad aabihiis waxa uu ahaa nin caan ka ahaa Soomaaliya , kaas oo Muqdisho ku lahaa hotel lagu magacaabo Hotel Gurguurte, balse qaxii kadib ayuu u guuray dalka Tanzania.

Ibraahim Cumar Baafo oo ah wariye Soomaaliyeed oo ay aad isu yaqaniineen Mahad ayaa BBC-da u sheegay in Mahad uu ahaa nin Soomaalinimada jecel, islamarkaasna soo dhoweeyn jiray qof kasta oo Tanzania taga "inta uu diyaarad kugu qaado ayuu ku geynayaa Zanzibar oo uu kusoo dalxiisin, wuxuuna ku jecleysiin Afrika haddii aad tahay qof qurbaha ka yimid" ayuu yiri Mahad.

Mahad Cabdullaahi Gurguurte

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Mahad Cabdullaahi Gurguurte

Waxaa kale oo Mahad aad loogu xusuustaa in uu ahaa nin caruurtiisa aad u jecel, xilli kasta oo fasaxa iskuulkana dalxiis geeya afartiisa carruurta ah.

Kismaayo waxa uu u tagay sida la sheegay in uu ka sameeyo maalgashi xagga kalluunka ah, isaga oo meesha geeyay qubaro shisheeye oo hawshaas kala shaqaysa, balse nasiib darro isagii waxa uu ku dhintay qarixii Hotel Cascaseey, raggii uu wadayna waa ku dhaawacmeen.

Xassan Geelle Nuunoow - Cigaal Shidaad

Dadkii qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah qof kasoo jeeda qoyska nin ay Soomaalida aad u taqaano- Waa Cigaal Shiidaade.

Magaciisa waa Xasan Geelle Nuunoow - Cigaal Shidaad, wuxuuna ka mid ah dad badan oo qurbo joog ah oo Kismaayo u tagtay hawlaha doorashada.

Ka bood Facebook boggan

Macluumaadkan lama heli karo

Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.

Dhammaadka Facebook boggan

Muuqaalkan waxa soo dhigay fannaanka Ilkacase Qays mar ay ka wada duulayeen garoonka Nairobi ee Wilson todobaad ka hor.