Hodan Naaleeye, geeridii gilshishay quluubta dad badan

.

Inta badan wararka laga soo tebiyo Soomaaliya waxay u badan yihiin warar ku saabsan dagaallo sokeeye, dagaallo dhexmaray maleeshiyaad, abaaro ama macluul balse Hodan Naaleeye wuxuu higsigeedu ahaa sidii ay usoo bandhigi laheyd horumarada ay gaareen shacabka iyo quruxda dalka.

Dadaalkeedi wuxuu ahaa inay diiradda saarto dhiirogelinta da' yarta Soomaalida si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, waxay dhaqdhaqaaqyadaas u horseedeen in bulshada soomaaliyeed ay si weyn u aqoonsadeen howshii ay heysay balse dhimashadeedi Jimcihii ayaa waxaa ka dhashay naxddin.

Waxaa qaraxaas ku dhintay Hodan iyo ninkii ay wada joogeen Fariid Jaamac Saleebaan. Lammaanahan ayaa hoteel ka furtay xeebta Kismaayo, hase yeeshee maalintii uu qaraxa dhacayay waxa ay ku sugnaayeen hoteelka Cascaseey oo ay ku dhiman doonaan.

Qoraal ay barta Facebook soo geliyeen qoyskeeda' waxay sheegeen 'In nolosheeda ay ku qaadatay caawinta dadka Soomaalida si ay dunida ay ugu soo bandhigto xaqiiqada dhabta ah gaar ahaan tebinta wararka ku saabsan horumarada dalka uu gaaray'

"Waxay dhiirogelin iyo rajo gelin siiyay shacabka soomaalida xilli ay u mareysay tebinteeda, haddana waa la waayi doona" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay qoyska.

Hodan Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada Laascaanood balse waxay ku barbaartay dalka Canada kaddib markii qoyskeeda ay tegeen dalkaas, waxay annadkii lasoo dhaafay go'aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Markii ay Canada tegeen, Aaabaheed waxaa uu ka shaqeyn jiray goob baabuurta la dhigto, wuxuuna sidoo kale ahaan jiray diblumaasi hore, sida laga soo xigtay bogga Toronto.com

Markii ay jirtay, da'da 30, waxay Hodan dhameysay waxbarashada saxaafadda ee jaamacadda, sannadkii 2014-ki waxay bilawday telefishinka Integration TV kaas oo tebiyo wararka khuseeyo guud ahaan Soomaalida.

Wasiirka arrimaha socdaalka Canada, Axmed Xuseen ayaa tacsi u diray Hodan oo ku sheegay inay aheyd qof u adeegayay bulshada Soomaalida.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

"Waxay u hadli jirtay dad badan, waana ka xunnahay geerida ku timid.."

Waxaa lagu soo warramaya in Hodan Naaleeye ay dadka ay caawin jirtay in loo qodo ceelal biyaha ay ka cabaan.

Waxay barnaamijyadii ugu dambeeyay ay diyaarineysay ay ahaayeen kuwo ku saabsanaa horumarada ganacsiga ay ka gaareen dumarka soomaalida.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo ay isku dhawaayeen Hodan ayaa ku tilmaamay inay aheyd 'qof firfircoon oo ay si weyn uga shaqeyneysay wanaagga dadakeeda iyo dalkeeda'

Hodan waxay ku rajo weyneyd ka shaqeynta dhiirogelinta da' yarta soomaaliyeed ee qurba joogta ah si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.

"Waxay inta badan dhiirogelin jirtay da' yarta...waxay aheyd bunddo isku xirta bulshada soomaalida" ayuu yiri Farxaan.

"Waxay tiri, aniga ma rabo lacag ama in aan noqdo qof caan ah, waxay dooneysay inay aragto soomaali oo mid ah" ayuu yiri Farxaan Jimcaale.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib kaleba ayaa si isku mid ah uga falceliyay geerideeda, waxayna ku tilmaameen halyeeyad ka baxday dadka Soomaalida ah.