Covid-19: Muxuu Shiinaha u aamusiiyay warbaahinta?

Xigashada Sawirka, China News Service
Bilowgii sanadkan sii dhammaanaya dowladda Shiinaha ayaa wajahday labo caqabadood; cudur aan la aqoon oo khatar geliyay bulshada iyo dad u kacay inay baraha intenet-ka ka hadlaan iyaga oo dunida u sheegaya waxa ka dhacaya dalkooda.
Dhammaadka sanadkan 2020, warbaahinta ay dowladda Shiinaha xukunto ayaa shaaciyay in labadaas caqabadoodba laga guuleystay.
Weriyeyaasha BBC Kerry Allen iyo Zhaoyin Feng ayaa dib u milicsanaya waaxaha dowladda ee xakameeya baraha internet-ka dalkaas kuwaas oo si adag uga shaqeeyay xakameynta warbixinnada sawir xun ka bixinaya dalkaas, muwaaddiniinta ku guuleystay inay ka gudbaan Great Firewall, iyo sida mashiinta dacaayadda ay dib ugu qortay taariikhda.
Isku dayo hore oo eedda la isaga leexinayo

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Bilowgii sanadka, way caddeyd inay dhacayeen wax la qarinayo. Kumannaan qof oo careysan ayaa faallooyin ka dhiibanayay baraha bulshada Shiinaha, iyagoo is weydiinaya haddii ay maamulladu daah saarayaan fayras kale oo la mid ah Sars.
Iyadoo waaxaha dowladda ee xakameeya warbaahinta ay si joogto ah u qarinayeen qarriimaha dowladda ka dhanka ah ee la iskula wadaago baraha sida Sina Weibo, haddana waxay ahaayeen farriimo aad u tiro badan oo qaarkood la arki karay.
Tan waxaa sabab u ah marka ay dhacdo musiibo weyn, dowladda Shiinaha waxay aalaaba ku degdegtaa inay ka falceliso, waaxaha xakameeya warbaahinta ayaa iyaguna ka gaabiya inay shaqadooda qabsadaan. Bilihii January iyo February, dhowr warbaahin ayaa ka faa`iideystay fursadda iyagoo soo bandhigay baaritaanno adag oo aad la iskula wadaagay baraha bulshada.
Goor dambe, markii ay xukuumadda Beijing la timid hannaan dacaayad ku dhisan, warbixinnadaasi waa la tirtiray.
Eedeymo ayaa looga soo tuuray dhinac walba. Bartamihii January, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si lama filaan ah ayuu uga libdhay warbaahinta dalkaas. Laguma arkin bulshada dhexdeeda, sawirradiisii kama soo muuqan bogagga hore ee warbaahinta dowladda sida People's Daily. Waxaa la isla dhex marayay inuu ka yara dhuumanayay eedda.

Xigashada Sawirka, People's Daily
Muddo toddobaad gudihiisa ah, si kastaba, arrimuhu way is beddeleen. Saraakiil sare ayaa bilaabay inay dowladaha hoose uga digaan inay taariikhda madow geli doonaan haddii ay qariyaan kiisaska gobolladooda ka jira.
Warbaahinta iyo baraha bulshada Shiinaha ayaa eedda u weeciyay hoggaanka Wuhan, iyadoo wargeysyada sida Beijing News ay qoreen warbixinno aan caadi ahayn oo dhaleeceyn ah, iyagoo is weydiinaya: "Maxaysan Wuhan mar hore bulshada ugu oggolaan inay ogaadaan?"
Markaas kaddib Mr Xi ayaa la arkay horraantii February isagoo calaamad u ah tiirka kalsoonida iyo awoodda xilli uu Shiinuhu ka soo kabanayo fayraska.

Xigashada Sawirka, Beijing News
Waaxda xakameynta warbaahinta oo ku dhegay dhaqtar

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Iyadoo ay jireen dhammaan waxyaabahaas jahwareerka ah, waxaa caddaatay in la aamusiiyay nin aan mudneyn in sidaas lagu sameeyo.
Li Wenliang ayaa caan ka noqday dunida waxaana loo aqoonsaday dhaqtarkii isku dayay in dadka ay isla shaqeeyaan uu uga digo fayras sida Sars oo kale ah. Dr Li ayaa geeroyooday 7-dii February kaddib markii ay soo shaac badxay in lagu hayay baaritaan la xiriira inuu faafinayay warbixinno been abuur ah.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa markii uu geeriyooday kaddib barta uu ku lahaa Sina Weibo ku reebay farriimo lagu taageerayo, iyadoo dad badan ay u aqoonsadeen boggiisa "Bogga baroordiiqa". Si kastaba, farriimahaas ayaa qaarkood la masaxay muddo kaddib, taas oo caro gelisay dadka.
Bulshada ayaa si kastaba la timid qaab cajiib ah oo ay ku muujin karaan xusuustiisa iyagoo isticmaalaya astaanta emoji iyo waxyaabo kale.

Xigashada Sawirka, Facebook
Dad badan ayaa sidoo kale farriimo aysan ku baahin karin baraha bulshada ku qortay maaskaradooda wejiga. Taas oo caan ka noqotay baraha sida WeChat iyagoo maaskarada ku qoraya farriimo ay ka mid yihiin "Ma awoodo inaan arrintan fahmo" iyagoo ka falcelinaya geerida Dr Li.
Weriyeyaal 'la waayay', haddana laga aqoonsaday dunida
Iyadoo dowladda ay Dr Li Wenliang u aqoonsatay "shahiis", dhowr qof oo u dooda xuquuqda dadka ayaa laga yaabaa in la saaray taariikhda Covid-19 ee dalkaas.

Xigashada Sawirka, Youtube/Screenshot
Intii xanuunka uu ka dillaacay Wuhan, tiro weriyeyaal ah ayaa saameyn muuqata ku yeeshay dunida, iyagoo ka gudbaya xeyndaabka hannaanka adag ee warbaahinta lagu xakameynayo iyagoo dibadda u bixiyay xaaladda gudaha ka jirta.
Weriyeyaashan waxaa ka mid ah Chen Qiushi, Fang Bin iyo Zhang Zhan. Waxay barta YouTube-ka ku hanteen boqollaal kun oo qof oo daawatay muuqaalaldooda ay ku sheegeen inay kaga hadlayaan waxa dhabta ah ee ka jira Wuhan.
Si kastaba, dhibaato ayay arrintan kala kulmeen. Guddiga Difaaca Weriyeyaasha ayaa sheegaya in gudaha Wuhan ay maamulku ku xireen dhowr weriyeyaal oo lagu eedeeyay tebinta warbixinno lid ku ah dowladda. CPJ ayaa sheegay in saddex ka mid ah ay weli xabsiga ku jiraan. YouTube waa laga mamnuucay Shiinaha, sidaas darteed dad yar oo gudaha dalkaas ku sugan ayaa ka war haya weriyeyaashaas.
Waxaa sidoo kale su`aalo la iska weydiiyay in mid ka mid ah weriyeyaasha uu qeyb ka ahaa olole dacaayadeed oo dibadda laga waday.

Xigashada Sawirka, Li Zehua/YouTube
Li Zehua ayaa la waayay February kaddib markii uu YouTube-ka ka sheegay in isagoo gaarigiisa ku jira ay cayrsadeen booliiska.
Lama maqal muddo labo bilood ah, balse haddana wuxuu soo dhigay muuqaal kale oo uu ku sheegayo inuu la shaqyenayo maamulka gobolka uuna is karantiilay.
Markaas wixii ka dambeeyay lama maqal, dad badan ayaana aaminsan in laga yaabo in lagu qasbay inuu duubo muuqaalkaas.
Dhalinyarada oo ay dhibaato soo gaartay, balse helay qaab kale oo ay codkooda ku dhiibtaan

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Tan iyo bishii March, Shiinaha ayaa doonayay inuu xuso guusha uu ka gaaray ka soo kabashada coronavirus, haddana waxaa soo baxday in waaxaha xakameeya warbaahinta ay isku dayeen inay meesha ka saaraan warbixinnada qaar.
Shiinaha ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado xayiraad la mid ah tii Wuhan, inkastoo sida uu qoray wargeyska South China Morning Post ay jaamacadaha qaar weli sii wadeen xayiraadda.
Bishii August, arday badan ayaa ku laabtay fasallada markii ugu horreysay. Balse dibadbaxyo ayaa ka dhacay jaamacadaha iyadoo laga cabanayo adeegyada oo ayw ax iska beddeleen.

Xigashada Sawirka, Sina Weibo
Taariikhda ayaa dib loogu qoray buugaagta lagana sii daayay telefishinnada
Shiinaha ayaa sidoo kale isku dayay inuu buunbuuniyo sawir rajo laga badbadiyay ah.
Dad badan oo Shiinaha ku nool ayaa ka walacasan in taariikhda Covid aan si sax ah loogu xusin waxa ka dhacay Wuhan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraa u dhalatay Shiinaha oo lagu magacaabo Fang Fang ayaa horraantii sanadkan ammaan ku muteysatay qoraalka ay ka qortay nolosheeda intii ay joogtay Wuhan, iyadoo bannaanka soo dhigtay cabsida iyo rajada ay qabaan dadka Wuhan.
Si kastaba, qoraalkeeda baraha internet-ka ayaa usoo jiiday in lagu eedeeyo inay sawir xun ka bixisay Shiinaha.
Warbaahinta dowladda ayaa isku dayday inay buunbuuniyaan buugaag kale, oo lagu soo bandhigayo sida ay dowladda wax uga qabatay fayraska.

Xigashada Sawirka, CCTV
Shiinaha oo doonaya inuu dunida ka gado siyaasaddiisa wax ka qabashada Covid
Way caddahay in Shiinaha uu doonayo inuu taariikh ka tago sanadkan 2020.
Marka laga tago in muwaadiniintiisa uu u sheego inuu si weyn uga guuleystay dagaalka Covid-19, Shiinaha wuxuu sidoo kale doonayaa inuu taas u sheego dunida.
Shiinaha wuxuu haatan doonayaa inuu iska fogeeyo in lala xiriiryo coronavirus, uuna buunbuuniyo fekradda ah in guusha Shiinaha ee Covid-19 ay la micno tahay in hannaankiisa siyaasadeed uu ka fiican yahay kan Galbeedka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Haddii ay jirto hal farriin oo uu Shiinuhu doonayo inuu u qaato sanadka 2021, waa in dalku uu sanadka ku dhammeystay midnimo iyo baraare, halka ay dalalka kalena ku jirayaan sii kala qeybsanaan iyo xasilooni darro.










