WHO oo baareysa halka uu fayraska ka soo bilowday ee Wuhan

Shops above what used to be the seafood market in Wuhan where the virus first surfaced

Xigashada Sawirka, Reuters

Koox ka kooban 10 saynisyahanno caalami ah ayaa u safri doona magaalada Shiinaha ku taalla ee uu ka soo bilowday Covid-19, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Beijing ayaa ka caga jiideysay inay oggolaato in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxayna qaadatay bilooyin badan oo wada xaajood ah si WHO loogu oggolaado inay tagaan magaalada.

Fayraska ayaa loo maleynayaa inuu ka soo bilowday suuq xayawaanka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada.

Balse baaritaanka halka uu ka soo bilowday ayaa shaki abuurtay, gaar ahaanna Mareykanka ayaa su`aal geliyay.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay inuu isku dayay inuu qariyo bilowgii dillaacitaanka fayraska.

Waa maxay ujeeddada baaritaanka?

Mid ka mid ah khubarrada kooxda u safreysa Wuhan ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in WHO aysan dooneyn inay eed dusha uga tuurto Shiinaha, balse ay dooneyso in laga hortago cudurrada dillaaci kara mustaqbalka.

"Ma aha xaqiiqdii in la helo dal eedeysan," ayuu yiri Fabian Leendertz oo ka tirsan Machadka Robert Koch ee Jarmalka.

"Waa in la isku dayaa in la fahmo waxa dhacay kaddibna iyadoo xogtaas lagu saleynayo, waanu isku dayi karnaa yareynta khatarta mustqbalka."

Dr Leendertz ayaa sheegay in ujeeddada ay tahay in la ogaado xilliga uu fayrasku bilaabay inuu faafo iyo haddii uu ka soo bilowday Wuhan iyo haddi kale.

Howlgalka ayaa lagu wadaa inuu qaato afar ilaa shan toddobaad, sida uu sheegay.

Halkee iyo goortee ayaa markii ugu horreysay laga ogaaday fayraska?

Maalmihii ugu horreeyay ee fayraska, waxaa la sheegay inuu ka soo bilowday "suuqa qoyan" ee ku yaalla Wuhan, oo ka tirsan gobolka Hubei, waxaana la sheegay in suuqani uu ahaa halka uu ka dillaacay kana soo bilowday xayawaannada isagoo u soo gudbay bani`aadamka.

Balse khubarrada ayaa haatan rumeysan in laga yaabo inuusan halkaas ka soo bilaaban.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in fayrasyada karoona ee awooda inay saameeyaan bani`aadamka laga yaabo inay muddo tobnaan sano ah ay qabeen kibiliga.

Bishii December sanadkii hore, dhaqtar Shiinees ah oo ka howlgali jiray Wuhan Central Hospital - laguna magacaabo Li Wenliang - ayaa isku dayay in dhaqaatiirtii ay isla shaqeynayeen uu uga digo suurtogalnimada ah inuu cudur dillaaco, balse booliiska ayaa u sheegay "inuu joojiyo hadallada been abuurka ah" waxaana lagu sameeyay baaritaan ku saabsan "faafinta hadallo ku tiri ku teen ah".

Dr Li ayaa geeriyooday February kaddib markii uu ku dhacay fayraska xilli uu bukaannada ku daweynayay magaalada.

Vendors are selling fish in an open market in Wuhan, Hubei province, China, 2 December 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa markii hore la rumeysnaa in fayrasku ka soo bilowday suuqa lagu magacaabo "suuqa qoyan" ee Wuhan

Bishii April, waxaa soo baxay shaki iyo eedeymo la xiriira in laga yaabo in fayraska uu ka soo dusay sheybaar ku yaalla Wuhan.

Mareykanka ayaa sheegay in shaqaalaha safaaradda ee halkaas ku sugnaa ay ka walaacsan yihiin ammaankooda caafimaad.

Agaasimaha xafiiska sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in xilligaas inkastoo uusan fayrasku ahayn wax uu qof sameeyay amaba la farsameeyay, haddana ay saraakiishu baarayaan haddii uu ka soo bilowday xayawaanka iyo in uu ka soo dusay sheybaar.

Wararkii dhowaan laga helay warbaahinta Shiinaha ayaa sheegaya in Covid-19 laga yaabo inuu ka soo bilowday meel ka baxsan Shiinaha.

line

In la tago Wuhan jawaabo ma keeni doontaa?

Falanqeynta Naomi Grimley, weriyaha BBC ee arrimaha caafimaadka

Su`aasha ka taagan baaritaanka madaxa bannaan ee ku saabsan halka uu ka soo bilowday fayraska ayaa hareysay WHO.

Maamulka Trump ayaa mar walba WHO ku eedeyn jiray inay u jilicsan tahay Shiinaha, isagoo tsuaale u soo qaadanaya saraakiisha Shiinaha ku ammaanaya tallaabooyinka uu qaaday sida xayiraadda gobolka Wuhan iyo tallaalka baaxadda leh.

Si kastaba, dalal kale oo dhowr ah ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan sax ah - dalalkaas waxaa ka mid ah Australia iyo UK. Associated Press ayaa soo bandhigtay qoraal laga sameeyay wicitaan muuqaal ah bishii January oo ay saraakiisha WHO uga cabanayaan inay Shiinaha ka helin xogta saxda ah. Koox labo qof ka kooban oo WHO ka soca ayaa xagaagan booqdan Shiinaha iyagoo dhibaato kala kulmay inay Shiinaha ka dhaadhiciyaan inay booqdaan Wuhan.

Safarkan waxaa lagu wadaa inuu diiradda saaro su`aalaha muhiimka ah: fayrasku ma wuxuu asalkiisa ka soo bilowday kibiliga? Ma waxaa jira xiriir u dhaxeeya kibiliga iyo bani`aadamka? Suuqa qoyan ee Wuhan iyaguna ma waxay udub dhexaad u ahaayeen halka uu markii hore ka dillaacay?