"Waxaan ku fikiray in aan qudha iska jaro, nolashan kuma jiri karo."

Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay ku faraxsanaayeen in shaqadooda ay fasax dheer ay ka qaataan, balse Victoria waxay u ahayd arrin naxdin leh.
"Waxaan xusuustaa inaan dareemi jiray walwal marka aan shaqada ka soo baxo oo ana guriga u soo socdo maalintii ugu dambeysay, waxaan is dhihi jiray goormaad shaqada ku laaban doono?'"
Victoria ayaa waxay muddo dheer la dhibaatooneysay tacaddi uu ku hayay ninkeeda, xitaa ka hor inta uusan feyriska Corona caalamka ka dilaacin.
Balse markii ay dowladad Britain ku dhawaaqday xayiraadda guud iyo in dadka ay guriyahooda joogaan bishii March, ayay noolasheeda sii adkaatay.
Waa xaalad dhibanayaasha tacadiyada ay kula kacaan dadka ay la nool yihiin ay guud ahaan caalamka la dhibaatoonayeen .
Waxay arrintan sare u sii kacday markii xayiraadaha Corona la soo rogay Qaramada Midoobey ay ku tilmaamtay"Hooska safmarka " -taasa oo sanadkan ay BBC diiradda ku saaray ka warbixinta 100 haween ee galaagalka ku leh noolasha dad badan.
Saddex bilood ee kasta ee xayiraadaha feyriska Corona ay socdaan waxaa lagu qiyaasay in 15 milyan oo haween ah ayaa lagu wadaa in saameyn ay ku yeelato tacadiyada dumarka ay u geystaan dadka ay goob iskula nool yihiin.
Inta ay ka xusuusato, Victoria ayaa ninka ay wada nool yihiin waxaa uu isku dayayay in uu xakameeyo tallaabo kasta oo ay qaado.
Waxaa uu maalinkii soo wacaa 10 , 20 ilaa 30 mar si uu ula socodo dhaqdhaqaaqyadeeda.
Maalin maalmaha ka mid taleefoonkeeda oo codka ka xiran ayuu soo wacay islamarkana markii ay qaban waysay waxaa uu u soo diray haweeney saaxib la ah hooyadii si ay u soo eegto waxa sameynayso.
Ka hor inta uusan feyrska Corona caalamka ka dilaacin waxay shaqeyn jirtay habeenkii taasi oo ay dhibaato kala kulmaysay seygeeda.
Balse qorshaheeda ayaa fashilmay ka dib markii mid ka mid ah caruurteeda isbataalka la dhigay.
Waqtigaa waxaa uu, Victoria seygeeda ka jaray saaxibadeeda iyo qoyskeeda inay soo booqdaan.
Dhibaatada imika jirta ayaa ah in Victoria iyo seygeeda ay 24 saac guriga wada joogaan maadaama ay xayiraadda feyrska Corona la soo rogay.
Xitaa ma aadi karaan tukaameysi maadaama cunugooda xanuusna uu mar walba daryeel u baahan yahay.
Waxaa gurigooda ku taalla beer, balse ninkeeda ayaa Victoria u diiday in ay beerta ku soo ciyaaraan.
Waxaa uu ku andoocoodaa oo uu u sheegaa in feyriska Corona xitaa hawada laga qaadi karo islamarkana ay tahay inaysan guriga ka bixin.
Victoria ayaa isku dayaysa in maalmahaasi dheera ay isku mashquuliso casharo dhanka internet-ka ay ku qaadato.
Balse dhibaatada jirta ayaa ah in xitaa marka ay casharka ku jirta uu soo garab fariisto isaga o baaraya in ay dad kula sheekeynayso baraha bulshada.
Cadaadiska ayaa noqday mid ay u dulqaadan wayso oo xitaa Victoria ku fikirtay is ay is disho oo ay qudha iska jarto.
Habaeenkii ayay soo kacdaa islamarka waxay ka fikirtaa sidii marka hore ay caruurteeda ay goob ammaan ah u geysan lahayd.
"Waxaan ku fikiray in aan qudha iska jaro, sababtoo ah noolasheyda inta ka dhiman sidan kuma noolaan karo, umana jeedo si aan uga bixi karo."
Balse waxay heshay fikir ah inay barato sida dunta loo falkiyo islamarkana loga sameeyo waxyaabo kale , taasi oo gacan ka siisay inay fikira isaga baab'iso.
Dad badan ayaa intii lagu guda jiray xayiraadda feyriska Corona waxay barteen xirfado ay isku mashquuliyaan.
Victoria ayaa bilowday inay caalamka ka qarsoon ay wax badan u sameyso, sida saladaha iyo boorsooyiinka dumarka qaataan.

"Waxaan xusuustaa sidii uu noo koontarooli jiray, qof walba ayuu xakameynayay iyo sidii aanu mar walba u argagaxsaneyn," ayay tiri Victoria.
Balse fasaxa seygeeda ayaa la kordhiyay ilaa July, ka dib-na waxaa la gaarsiiyay ilaa September, islamrkana xaaladda guriga ayaa noqota mid faraha ka baxday.
Ninkeed ayaa waxaa uu aad u cabbaa khamriga islamarkana bishii waxaa uu ku bixiyaa lacag gaaraysa £500.
Cabidda khamriga ayaa keenaeysa in si joogta ah uu tacadiga ugu kaco xaaskiisa Victoria.
Waxaa uu guriga ku haystaa qalab ay mindiyo ka mid yihiin oo uu ku cabsi galinayay xaaskiisa.
Victoria ayaa rumaysan in uu qalabkaasi isticmaalayo - waxaa uu horey ugu hanjabay in uu qoorta ka jari doono haddii ay isku day'do inay guriga ka tagto.
Saddex meelood labo meel dumarka England ee la nool tacadiyada lagula kaco ayaa waxay hey'adda Women's Aid survey u sheegeen in dhibaatada ay faraha ka si baxday markii Britain xayiraadda feyriska Corona la soo rogay.
Mid ka mid ah caruurta Victoria ayaa markii dambe sabab u noqday inay baxsadaan.
Waxay fariin u dirtay dad ka shaqeeya adeega caafimaafka maskaxda oo ay aad ugu kalsooneyd.
Waxaa ay ka dib u suuragashay in guriga ay ka baxsato si ay ula joogto mid ka mid ah xubnaha qoyskeeda oo taageero u fidinayay.
"Waxaa xusuustaa sidii uu noo koontarooli jiray, qof walba ayuu xakameynayay iyo sidii aanu mar walba u argagaxsaneyn," ayay tiri Victoria.

'Gabadheyda ayaa i siisay hal kab si aan u xirto'
Ma cadda waxay gabadha Victoria u sheegtay dhakhtarka xanuunada maskaxda, balse booliiska ayaa booqday guriga qoyska si ay u eegaan xaaladeeda.
Marka aan eegno sida ay wax u dhaceen waxay ahayd mid argagax leh.
Subaxii hore waxaa u seygeeda aaday qolka jiifka ee Victoria waxaa uu isku dayay in uu ka dafo telefoonkeeda isaga oo doonaya in uu ogaado waxa ay gabadheeda ka sheegeysay.
Markii ay Victoria u diiday in ay teleefoonka siiso dharbaaxo ayuu wajiga kaga dhuftay.
Waxay u qaaylisay gabadheeda islamarkana waxay gabadhii wacday booliiska, waxayna ka dib kicisay dhammaa caruurtii markaasi oo ay guriga ka soo baxeen.
Waxay ahayd xilli hore oo subaxii ah islmarkana Victoria ma aysan haysan waqti ay dharkeeda kula soo baxdo.
Victoria ayaa la soo baxday dhar gaa-gaaban oo ay xirneyd iyo Kabo aysan si fiican ugu socon Karin.
Gabadheeda ayaa ka dib markii ay banaanka u baxeen siisay kabo nooca dacaska ah.

Qaar badan oo dadka ka mid ah ayaa xilligan feyriska Corona uu jiro waxay ka cabsi qabaan in dabaaldagga Kirimiska uu sanaadkan ka duwanaado sanadihii ka horeeyay, balse Victoria waaba sanadka ugu wanaagsanaa.
Waxay caruurteeda mar hore u soo gaday hadyado islmarkana caruurteeda waxayba haystaan geedaha Kirismiska.










