“Wax aad u yaab leh” Liibaax dhedig ah oo xannaanaysa Harmacad

Xigashada Sawirka, Joop Van Der Linde/Ndutu Lodge
Haramadcadka yar ma badali karo haraggiisa laakiin Liibaxan dheddiga ah wax shiddo ah kuma qabo taas.
Sawiradan quruxda badan waa kuwii ugu horreeyey ee abid laga qaado Liibax dhedig ah oo duurjoog ah oo xannaaneynaya dhallaanka qayb kale oo duurjoogta ka mid ah, waa dhacdo cajiib ah oo dhif iyo naadir ah.

Xigashada Sawirka, Joop Van Der Linde/Ndutu Lodge
Harmacadka yar iyo Liibaxa dhediga ah waxaa arkay Joop Van Der Linde, oo marti ku ahaa Hotel Ndutu Safari Lodge oo ku yaal deegaanka Ngorongoro. Goobtu waa Serengeti; hooyada feejigan [Liibaaxa dhediga ah waa shan jir lagu magacaabo Nosikitok.
Goosha iyo sadex yar yar oo ay dhashay waxa ku xiran qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa ee GPS kaasi oo uu ku ilaaliyo, ururka Kope Lion oo ah urur samafal oo daryeela duurjoogta.

Xigashada Sawirka, Joop Van Der Linde/Ndutu Lodge

Xigashada Sawirka, Joop Van Der Linde/Ndutu Lodge
Dr Luke Hunter, oo ah madaxa iyo hogaamiyaha ururka Panthera, oo ah urur caalami ah oo daryeela Liibaxyada duurjoogta ah isla markaan taageera ururka Kop Lion wuxuu u sheegay BBC in dhacddadan tahay mid dhab ahaantii aan horay loo arag.
"Ma aha wax la arkay ama horay u dhacay dhexmaray Liibaaxyo, waynu ogayn in ay dhacdo jiritaanka in goosha Liibaaxu ay koriso qaar aannay dhalin, laakiin tani waa mid aan horey loo arag"
"Badi Liibaax dhediga ah, caadiyan aragti bay ku dili lahayd haramcad yar haddii ay hesho, iyadoo u arkaysa dilaa kale oo tartan ugula jira cunto" ayuu yiri Dr Hunter.

Xigashada Sawirka, Joop Van Der Linde/Ndutu Lodge






