Kim Jong-un oo walaashii awood dheeraad ah siiyay

Kim Yo-jong

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kim Yo-jong

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa awood dheeraad ah siiyay dadka isaga ka agdhow oo ay ka mid tahay walaashii Kim Yo-jong, sida ay sheegeyso waaxda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.

Mr Kim ayaa weli haya awood badan balse qaar ka mid ah waxa uu ku wareejiyay dadka isaga u dhow si uu isaga yareeyo culeyska isku buuqa, waa sida ay sheegtay waaxda sirdoonka.

"Ms Kim haatan waxaa laga dhigay maamulaha guud ee shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi" ayay intaasi ku dartay waaxda sirdoonka.

"Ms Kim Yo Jong waxaa sidoo kale haatan mas'uul looga dhigay siyaasadaha ku wajahan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, waana hogaamiyaha labaad ee dalka."

Tan iyo 2014, shaqada Kim Yo-jong waxay ahayd in ay difaacdo sumacadda walaalkeed islamarkana waxay door mug leh ka qaadanaysay waaxda brobagaadada loo sameeyo xukunka.

Waxaa la sheegay in iyada ay maareyso dhammaan howlaha uu ugu soo baxo fagaarayaasha islamarkaana waa la taliyihiisa dhanka siyaasadda.

Doorkeeda ku aadan suurtagalnimada in ay tahay qofka badalaya walaalkeed ayaa soo baxda mar walba oo laga deyriyo xaaladda caafimaad ee walaalkeed Kim Jong-un.

Waa tuma Kim Yo-jong?

Kim Jong-un iyo Kim Yo-jong

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un iyo Kim Yo-jong

Kim Yo-jong waa gabadha ugu yar caruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxay isku hooyo yihiin Kim Jong-un iyo Kim Jong-chol, oo isagu la rumaysan yahya in uusan xil sare ka hayn nidaamka awoodda siyaasadda dalkaasi.

Waxay dhalatay 1987 waxayna 4 sano ka yartahay walaalkeed Kim Jong-un oo imika xilka haya. Sannadihii ugu dambeeyay, Kim Yo-jong ayaa soo ifbaxday oo noqotay shaqsi muhiim ah, udub-dhexaadna u ah awoodda Pyongyang.

Waa da'da ka yar hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un islamarkana waa qofta kali ee ka midka ah walaalihiisa ee ay sida aadka ah isugu dhaw yihiin.

Kim Yo-jong ayaa markii ugu horeysay dareenka caalamka soo jiidatay sannadkii 2018, markaasi oo ay ka mid ahayd waftigii Kim ee booqanayay Kuuriyada Koonfureed.

Waxay qeyb ka ahayd ergadii ciyaarihii Olambikada xilligaas oo kooxihii ka socday Koonfurta iyo Waqooyiga ay hal koox noqdeen.

Waxay 2018 la shaqeynaysay oo ay barbar taagnayd walaalkeed xilli uu qaaday waddo dublamaasiyadeed isaga oo la kulmay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping iyo kulankii muhimka ahaa ee uu la qaatay Donald Trump.

Xiriirka dhaw ee ay la leedahay walaalkeed Kim iyo doorka heerka sare ah ee ay ka ciyaarayso siyaasadda ayaa mar kale soo ifbaxay April 2020 markaasi oo walaalkeed Kim Jong-un uu ka maqnaa fagaarayaasha dadwaynaha.

Kim Yo-jong waxay ka mid tahay dadka ugu sarreeya ee la saadaalinayo in ay bedeli doonaan Kim Jong-un.