Cudurka corona: Maxay tahay sababta dadka u dhintay Covid-19 aysan u geeriyoon Feyraska?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Emile Ouamouno oo 2 sanno jir ah wuxuu jecel yahay in uu ku ciyaaro geed weyn hoostiisa aga-gaarka gurigooda oo ku yaalla tuulada Meliandou oo bartamaha keymaha dalka Guinea.
Geedka wuxuu mararka qaar ku arkaa Fiidmeer taas oo carruuta deegaanka ay mararka qaar qabsadaan si ay u cunaan.
Emile Ouamouno wuu xanuunsaday, 28-dii bishii Decembar waxaa uu u geeriyooday xannuun aanan la qoon, hooyadiisa iyo ayeeydiis waxay tageen goobtii lagu aasayay, cudurka wuxuu ka faafay halkaas.
23-dii bishii March sannadkii 2014-kii, waxaa halkaas laga helay ilaa 49 kiis oo cudurka ah halka 29 qofna ay u dhinteen, dhakhaatiirta waxay xaqiijiyeen in cudurka uu yahay Ebola, In ka badan 3 sano iyo barkii la soo dhaafay feyrsakan waxaa u dhintay in ka badan 11,325 qof.
Xilli xaaladdaas ay dunida ka jirtay waxaa hataan soo ifbaxay safmarka faraha ba'an ku haya guud ahaan caalamka.
Ebola wuxuu horseeday dhibaato dhanka adeegyada caafimaadka, qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa u geeriyooday, tiro isbitaallo ah ayaa la xiray halka Isbitaallada furan ay la daalaa dhacayeen daweynta bukaanada uu ku dhacay Ebola, dalalka uu sida ba'an uu saameeyayna waxaa kamid ah Sierra Leone, Liberia iyo Guinea-dadka waxay bilaabeen inaysan tegin goobaha caafimaadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa welwel ku reebay cudurka cusub, sidoo kale waxay cabsi ka qabeen dhakhaatiiirta, dhakhaatiirta waxay noqdeen kuwo si weyn loo takooro.
Daraasad la sameeyay sannadkii 2017-kii, waxaa lagu ogaaday inay yaraadeen tirada dadka adeegyada caafimaad u raadsan jiray isbitaallada, tusaale ahaan tirada hooyooyinka tallaalka u geyn jiray cisbitaallada waxay hoos u dhaceen boqolkiiba 80 halka boqolkiiba 40 ay u hoos dhaceen carruurta uu ku dhacayso Malaariyada ee lagu daweyn jiray cisbitaalada.
Ka dib dagaal xooggan oo caalami ah markii loo galay cudurka waxaa sidoo kale ka dhashay dhibaato ka weyn midda uu horseeday.
Sannadka 2020, dunida waxaa ku habsaday safmar lamid ah cudurkaas Ebola.
Ma aha cadawga kali ah ee taagan
Mar sii horreysay, dalal badan waxay shacabkooda u xaqiijinayeen dadaallada ku aadan ka hortagga cudurka Covid-19, sida qondeynta sariiro iyo qalabka neefsashada ka caawiya bukaanada.
Dalalka qaar waxay soo bandhigeen dawooyin aanan la tijaabin halka dhakhaatiirta la geeyay goobaha lagu daweynayo bukaanada uu qudhooda ku dhacay feyraska.
Xilli dalalka ay dagaal kula jiraan cudurka, waxaa la hilmaamay adeegyadii kale ee caafimaadka ee ay heli jireen dadka qaba xanuunada kale, Kansarka, tallaalka, xanuunada dhimirka.
In diiradda la saaro dagaalka lagu la jiro hal cadaw waxaa ka dhashay dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guud ahaan dunida, waxaa lagu soo warramay in bukaanada qaar ee qaba xanuunada Kansarka, kiliyaha ama kuwo u baahna qalliin loo diiday in la qaabilo taas oo halis u horseeday noloshooda.
Haweenka ku nool dalalka Balkans-ka waxaa lagu soo warramayaa inay ilmaha iska soo xaqeen markii ay waayeen adeeg caafimaad.
Xilli dunida uu haatan ka taagan yahay safmarkan Corona, wuxuu u muuqdaa mid saameyn weyn ku yeeshay dalalka saboolka ah.
Dhakhaatiirta waxay ka digayaan in arrintani ay horseedi karto in la xakameyn waayo cudurrada sida HIV, Qaaxada iyo Malaariyada isla markaana ay geysan karaan dhimasho la mid ah tan ka dhalatay feyraska.
Dhanka kale khuburrada waxay sheegayaan inay jirto cabsida ah in tirada dadk u dhiman karta cudurka daacuunka ay ka badan karto tirada dadka u dhintay Covid-19.
Isla walaacaas wuxuu ka taagan yahay adeegyada tallaalka, Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in ugu yaraan 80 Milyan oo carruur da'doodu ay ka yartahay hal sanno ay haatan halis ugu jiraan cudurrada dabeysha, Jadeeecada iyo Kaadi dhiiga kaddib markii safmarka Korona uu saameeyn ku yeeshay barnaamijyada tallaalka ee lagu fulin lahaa ilaa 68 dal.
Waxaan la filaya in cudurka dabeysha ee Polio uu dib ugu soo laabto dunida inkasta tobonnaan sanno ay socdeen dadaallo dunida looga ciribtirayo dabeysha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khasaaraha uu geystay
David Beasley oo ah madaxa fullinta ha'yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ee FAO ayaa k digtay in dunida ay haatan qarka u saaran tahay macluul- in ka badan 130 malyan qof ayaana wajahaya halista macluusha.
Inkasta oo dunida looga dhawaaqay bandow iyo xayiraado horseeday dhaqaale xumo, waxay dadka qaar ka quusteen nolosha.
Timothy Roberton oo dhakhatar ku takhasusay dabagalka cudurrada safmarka ah iyo asxaabtiisa kale ee ka howlagla jaamacadda Johns Hopkins University ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay safmarka Korona ay dadka walaac ku abuurtay.
"Badankeena waxaan aragnay sida loola tacaalay cudurkii Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afrika sannadkii 2014-kii, marka waxaan ognahay waxaa dhici karay" ayuu yiri Timothy Roberton.
Kooxdaas ka tirsan jaamacadda waxay darsayeen sida Covid-19 uu u saameeyay haweenka iyo carruurta ku nool dalalka uu dhakhligoodu hooseeyo, waxay soo bandhigeen waxyaabo horseedi kara inay sare u kacaan dhibaatooyinka ka dhalan kara safmarka, waxay ogaadeen labo arrimood oo sababi kara khasaaraha ka dhashay Covid-19.
Tan koowaad, waa dhibaatada uu ku hayo xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka "arrintaas waxay horseedi kartaa in dadku ay ka cabsadaan in adeegyo caafimaad ay u raadsadaan xarumahaas" sida uu sheegayo Timothy Roberton.
Tan labaadna, wuxuu sameyn karaa shaqaalaha caafimaadka- shaqaalaha caafimaadka wey xanuunsan karaan, waxay ku qasbi kartaa in xoogga ay saaraan safmarka ama waxaa dhici kartaa inay timaado gabaabsi dhanka dawooyinka ah.
Dhibaatada kale ee taagan waxay tahay helidda cunno taas oo horseedi karta in qofka u nuglaado in ay ku ku dhacaan cudurrada faafa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhakhaatiirta waxay saadaaliyeen dhibaata ugu xumeyd ee ka dhalan karta safmarka, iyadoo boqolkiiba 50 adeegyadii xarumaha caafimaadka laga bixin jiray ay hoos u dhaceen, heerka nafaqo darrada carruurtana oo sare u kacaysa.
In ka badan hal milyan oo carruur ah iyo hooyooyin gaaraya 56,700 ayaa u dhiman kara dhibaatada ka dhalatay safmarka Korona, Inta badan carruurta waxay u dhimanayaan Oof wareenka iyo fuuq baxa ka dhasha shubanka halka hooyooyinka ay u dhiman karaan xanuun ku dhaca xilliyada uurka.
Ha'yadda Cunnada Adduunka waxay raashin gaarsiineysaa ku dhawaad 100 malyan oo qof maalinkiiba, marka waxaa ku tiirsan ha'yadda ilaa 30 malyan oo qof.
Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay , 300,000 qof ayaa cuno la'aan wajahi kartta maalin kasta bilooyiinka nagu soo aadan waa haddii la caraqaladeeyo howlaha gargaarka ay ha'yadda fulineyso.
"Haddii dhaqaalaha dunida uu si aad ah hoos ugu dhaco, dalalkana uu saameyn dhaqaale ku reebo marka dalalka bixin karaan dhaqaalihii ay siin jireen Ha'yadda ee laga filayay, marka xaaladda ayaa faraha ka bixi waa arrin cabsi leh" waxaas ayay madaxa warfaafinta ee ha'yadda WFP Jane Howard.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saameynta uu ku reebo dadka da'da ah
Dabcan, waa sababta dalal badan ay dadkooda ugu dhinteen cudurka-waxaa la ogyahay in Covid-19 uu si ba'an u saameeyay dadka da'da ah. sida laga soo xigtay daraasada ay sameysay magaalada New York laga bilaabo 13-kii bishii May in lagu ogaaday in 811 jeer tirada dadka jiro da'da 75 ee cudurka ay ka badan yihiin marka loo barbardhigo tirada dadka u dhintay cudurka ee 17 jirka ah.
Dalalka uu dhaqaalahoodu hooseeyo waxaa ku badan dadka da'yarta ah kuwaas oo ah dadka ugu badan caalamka-sida dalka Niger oo ku yaalla galbeedka Afrika, marka wuxuu dalkaas shaaciyay ilaa 254 qof oo u dhimatay cudurka.
Talyaaniga waxaa cudurka u dhintay ilaa 33,000 oo qof, waxay weli dood ka taagan tahay waxyaabaha dhaliyay dhammaan dhimashadaas, tusaale ahaan dadka da'da ah waxay yihiin dadka ugu nugul in uu ku dhaco cudurka, balse sidoo kale waxay wajahayaan halista ah in ay ku dhacaan cudurrada neefmareenka sida Oof wareenka, waxaa haatan sare u kacay tirada dadka u dhimanayo cudurka, waxaana suurogal ah in waxa dadka da'da ah ay dhimanayaan uu yahay feyraska.
Qaar kamid ah dalalka waxay joojiyeen adeegyadii ku saabsanaa baaritaanada Kansarka tan iyo markii xayiraadda ka hortagga fiditaanka feyraska Korona looga dhawaaqay halkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhaqaalaha...
Inta badan ha'yadaha qaabilsan caafimaadka waxay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ay siiyaan deeq bixiyaasha iyo guud ahaan tan ay ka helaan shacabka- marka dhaqaalaha xumida ka jirta dunida waxay saameyn ku yeelan kartaa howlahooda, gaar ahaan dadaallada ku saabsan daraasaadka caafimaadka ee sannado badan soo socday.
Marka, sidee loo yareyn karaa dhibaatooyin dad-ban ee uu horseeday Covid-19?
Madaxa warfaafinta ee ha'yadda WFP Jane Howard waxay ugu baaqeysaa dowladaha inay la yimadaan qorshooyin wax ku ool ah oo lagu gargaarayo shacabka sida in cunto bilaash ah laga bixiyo Iskuulada xitaa haddii la xiray.
"Waa tallaabo yar oo saameyn weyn horseedi karta"
"Tusaale ahaan, haddii aad ku adkeyso darawalada caalamka ee kaxeeya baabuurta xamuulka ah inay galaan karantiil qasab ah waxay arrintan saameyn karta dhaqaalahaaga oo waxaa burburaya dhaqaalaha, dalalka ku yaalla Koonfurta Afrika waxaa ka dhaadhicineynay in darawalada baabuurta xamuulka ah ay siiyaan warqad ay isaga gudbaan halkaas isla markaan loo ogolaado halkaas"












