fayraska Korona: Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeyay "faafint warar shirqool ah"

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in ay faafinayaan "shirqoolo iyo warar been abuur ah" ku saabsan feyriska Corona.
Eedeyntan waxaay sii hurinaysaa xiisadda u dhaxeeysa labada dal ee ka dhalatay maareynka cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Mareykanka waxaa ku dhacay "Feyris siyaasadeed" oo ku qasbaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta in ay si joogta ah u weeraraan Shiinaha, waxaa sidaasi Axaddii wariyayaasha u sheegay Wang Yi.
Waxaa uu Mareykanka ugu baaqay in uu "joojiyo waqti luminta iyo in dad badan ay u naf waayaan Corona" marka la eego jawaabta ay ka bixinayaan cudurka.
Xiisadda u dhaxeysa xukuumadaha Washington iyo Beijing ayaa cirka isku sii shareeraysay xilli uu feyriska sii faafayo.
Madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump, oo wajahaya dib u soo doorashadiisa sannadkan, ayaa lagu dhaliilay qaabkii uu ula tacaalay cudurkan safmarka ah ee Corona.
Waxaa uu marar badan Trump ku eedeeyay Shiinaha in ay isku dayeen in ay cudurka qariyaan.
Balse Axaddii, Mr Wang waxaa uu ku celiyay hadalkii Shiinaha ee ahaa in si masuuliyad ay ku dheehan tahay ay u ilaaliyeen caafimaadka dadwaynaha caalamka tan iyo intii uu cudurka dilaacay, bishii December.
Maxaa kale oo ay Shiinuhu sheegeen?
Mar uu ka hadlayay shirka jaraa'id ee sanadlaha ah wuxuu Mr Wang ka sheegay: "Qaar ka mid ah xoogagga siyaasadda Mareykanka ayaa xiriirka labada dal afduub u haysta ".
Ma uusan qeexin xoogagga uu ka hadlayo kuwa ay yihiin, balse waxaa uu sheegay in ay isku deyayaan "in labada dal u horseedaan dagaal qabow oo cusub".
"Marka laga soo tago burburka uu geysanayo Corona, waxaa sidoo kale jira feyris siyaasadeed oo ku faafaya Mareykanka," ayuu intaa ku daray.
"Feyris siyaasadeedkan wuxuu yahay in la isticmaalo fursad kasta oo lagu weerari karo Shiinaha," ayuu yiri Mr Wang.
"Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa gabi ahaanba iska indha tiraya xaqiiqada waxayna buunbuuninayaan been abuur lala bartilmaameedsanayo Shiinaha oo loo maleegayo shirqoolo badan", ayuu intaa ku daray.
Balse wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku baaqay in xukuumadaha Washington iyo Beijing ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa fayraska Corona.
"Labada dhinacba masuuliyad ayaa ka saaran nabadda iyo hormarka caalamka," ayuu yiri. "Shiinaha iyo Mareykanka waxay dan ugu jirtaa wada shaqeyn, iska hor-imaadkana waa khasaaro".
Muxuu yahay sawirka guud ee arrintan?
Madaxwayne Trump iyo Beijing ayaa toddobaadyadii u dambeeyay hawada isu marinayay eedeeymo ay ka mid yihiin arrinta hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dacwad ay suuragal tahay in lagu soo oogo Shiinaha taasi oo ku saabsan inay qariyeen saameynta cudurka.
Labadan quwadood waxaa ka dhex taagnaa murano muudo dher soo jiitamayay oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha, balse xiisadda ayaa sii xoogaysatay ka dib faafidii saf-marka Corona.
Axaddii, Mr Wang wuxuu tilmaamay in Mareykanka dacwad ka gudbiyo Shiinaha in ay tahay "qof har cad riyoonaya" islamarkana ay jihadu ka luntay.
Waxaa uu sidoo kale difaacay WHO iyo agaasimaheeda Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ay Mareykanka eedeeyn la kala dul dhaceen.
Toddobaadkii aanu soo dhaafnay madaxwayne wuxuu Trump WHO ku tilmaamay in ay yihiin "Eey ay Shiinaha iska wad-wataan " oo wax ka qaban waayay xakameynta Corona.
Dr Tedros waxaa uu aqbalay in dib u eegis lagu sameeyo qaabkii ay hay'adda ula tacaashay feyriska Corona.
Balse Mr Wang ayaa wariyayaasha u sheegay in Shiinaha ay si buuxda u taageersan yihiin hay'adda Qaramada Midoobeey u qaabilsan caafimaadka".
Maxay yihiin eedaha loo jeediyay Shiinaha?
Feyriska Corona ayaa dabayaaqadii sannadkii aanu soo dhaafnay ka soo bilaabmay magaalada Wuhan ee Shiinaha, waxaana la sheegay in asal ahaan uu ka yimid suuq lagu iibiyo cunnooyiinka.
Tan iyo xilligaasi, siyaasiyiin sarsare oo Mareykan ah ayaa soo jeedinayay in asalka meesha uu ka yimid ay tahay xarun cilmi-baaris oo Wuhan ku taalla taasi oo lagu darsayay feyriska Corona ee ku dhaca Fiidmeerta.
Shiinaha ayaa dhankooda beeniyay eedeeyntan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha arrimahha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa horraantii bishan sheegay in ay jiraan "caddeymo miisaan leh oo muujinaya" in feyriska uu asal ahaan ka yimid xarun Sheeybaar oo Wuhan ku taalla.
Balse markii dambe ayuu ka gaabsaday, isaga oo yiri: "Waan ognahay in uu Wuhan ka soo bilaabmay, balse ma ogin asal ahaan meesha iyo ciidda keentay".
Maalintii Sabtida, agaasimaha xarunta daraasadaha Feyrisyada ee Wuhan ayaa warbaahinta dowladda Shiinaha u sheegay in eedeymaha ah in feyriska ka yimid xaruntaasi ay tahay "been abuur ".
Wang Yanyi ayaa yiri: "xaruntani waa mid karantiilan islamarkana ogaatay feyris ka yimid Fiidmeer, balse waxaa uu carabka ku adkeeyay in tani ay gabi ahaanba ay ka duwanayd Covid-19."















