Maxay ahayd qowmiyaddda horey u saadaalisay cudurka Corona?

Mid ka mid ah dadka ku nool Keymaha

Xigashada Sawirka, Joel Redman

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah dadka ku nool Keymaha

Levi Sucre Romero ayaa xusuusan in uu maqli jiray bishii January in cudurka Corana uu fara ba'an ku hayo dalka Shiinaha. "Xaqiiqadii ma rumaysan in uu sidan dhaqsada ah u sii faafi doono," ayuu yiri. "waxaan dareemayay in uu naga fogyahay."

Romero ayaa xubin ka ah islamarkana hogaamiya qowmiyadda Bribri, oo ah dadkii asal ahaan loogu yimid dalka Costa Rica.

Romero waxaa uu ku nool yahay Talamanca oo ah goob magaalooyiinka waawayn ka fog islamarkana ah buuraley oo ku taalla Koonfurta dalkaasi.

Goobta uu ku noolyahay waa meel ay Wabiyo maraan, howd ah islamarkana uu roob badan ka da'o.

Goobtaasi ay ku nool yihiin qoomiyadda Bribri, waan meel mararka qaar dalxiis loo tago, Romero ayaa waxaa uu xaqiiqsaday in uu cudurkan si dhaqso ah ku soo gaari karo.

Romero ayaa sidoo kale ogaa arrin kale, oo waxaa uu rumaysnaa in feyriskan uu yahay mid ka dhashay iimaan wayninka aadanaha iyo qaabka xun ee ay ula dhaqmaan waxyaabaha dabiiciga ah.

"Waxaan dhibaato u geysanaynaa goobihii la daganaa, waxaan jareynaa geedaha, waxaan caalamkii oo dhan ka dhignay magaalooyiin,waxaana isticmaalnaa kimikooyiin badan," ayuu yiri Romero. "Waa dhaqanno xun oo la isu geeyay."

Si la mid ah cuduradii Sars iyo Mers, Covid-19 ayaa ah cudur asal ahaan ka yimid Xayawaanka ama Duurjoogta.

Levi Sucre Romero, hogaamiyaha qoomiyada Bribri ee ku nool Costa Rica

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Levi Sucre Romero, hogaamiyaha qoomiyada Bribri ee ku nool Costa Rica

Cadeymo ayaa muujinaya in ay suuragal tahay inuu ka yimid Xayawaanak loo yaqaano Fiidmeerta, ka hor inta uusan ku faafin dad ku sugnaa suuqa magaalada Wuhan, ee Shiinaha.

Iyada oo aan wali la xaqiijin asal ahaan meesha uu ka yimid Covid-19, ayaa hadana cilmi-baarisyo la sameeyay ay muujinayaan in xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga duurjoogta ay sare u qaaday khatarta in cudurada ku dhaca xayawaanada ay u so gudbaan aadanaha islamarkana ay saf-mar noqdaan.

Sida uu sheegay Romero, dhammaan arrimahan waa ficilada aadanaha oo burburinaya waxyaabaha dabiiciga ah.

"Dadkeena ayaa waxay rumaysan yihiin dhaqan oranaya Sibö, ilaaheena, ayaa aburay dhulka, Sharna wuu ku dhex abuuray ," ayuu yiri Romero "Ruuxaanta shartan ayaa soo baxda marka aan la xushmayn degaanka dabiiciga ah iyo in la wada noolaado."

Bribri waxay ku nool yihiin dhul buuraley ah

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Bribri waxay ku nool yihiin dhul buuraley ah

Romero ayaa ah isu-duwaha hay'adda Mesoamerican Alliance of People and Forests, oo ah mid ka mid ah ururada ugu muhimsan ee u dooda arrimaha deegaanka iyo xuquuqda dadka asal ahan loogu yimid bartamaha Latin America iyo Mexico,.

Ururkan waxaa uu matalaa in ka badan 50,000 oo qof oo ku noo dhulka howdka ah ee gobolkaasi.

Sanooyiin badan, Romero iyo hogaamiyayaasha kale ee qoomiyadaha asal dhaladka ah ayaa caalamka intiisa kale waxay ugu baaqayeen in lala yimaado qaab deegaanka loola noolaan karo.

Waxaa ka mid ah qaabkaasi in deegaanka sidiisa loo dhaafo, lana badiyo beeridda dhirtaislamarkana la qiro oo la xushmeeyo xiriirka ka dhaxeeya bina'aadamka iyo Xayawaanka .

Levi Sucre Romero ayaa xusay in fariintaasi ay horey u sheegeen ay imika tahay midda lagu celcelinayo markii uu soo ifbaxay Corona.

Romero iyo hogaamiyayaasha kale ee qoomiyadaha asal ahaan loogu yimid Brazil iyo Indonesia ayaa waxay carabka ku adkeeyeen doorka aqoonta dhaqanka ay ka qaadan karto ilaalinta caalamka iyo ka hortaga isbadalak cimilada.

"Waxaan ku qanacsanahay in cudurkan Saf-marka uu ka yimid si xun u isticmaalidda kheyraadka dabiiciga ah iyo in aan si xun ula noolaano kheyraadkan," ayuu yiri Romero. "ma filayo in cudurka saf-marka ah uu noqon doono kii ugu dambeeyay oo noociisa ah."

Cilmi-baaris ayaa taageertay xiriirka ka dhaxeeya soo ifbixidda cuduro cusub iyo burburinta deegaanka.

Guriyaha ay dhistaan qoomiyadda Bribir

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Guriyaha ay dhistaan qoomiyadda Bribir

Qaar badan oo ka mid ah ferisyada waxay ku dhacaan duurjoogta islamarkana xaalufinta dhirta ayaa sare u sii qaadaysaa in bina'aadamka iyo duurjoogta sidda feyriska aysan aadanaha aqoon ay kulmaan islamarkana uu faafo cudur aan aqoon loo lahayn.

Xaalufinta dirta ayaa sidoo kale sii faafin kara cudurada imika jira .

Bishii October, warbixin uu qoray Andrew MacDonald ayaa lagu sheegay in jaridda dhirta ee ka socota Brazil ay sare u qaaday cudurka Duumada ee ku dhacaya dadka ku nool goobaha ku dhaw meelaha dhirta laga jaray.

Ka ganacsiga duurjoogta ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xaalufinta dhirta.

Dadka ugaarsada Duurjoogta ayaa waxay jaraan geedaha si ay u helaan waddooyiin ay maraan marka ay ugaarsanayaan.

Khubarada cafimaadka iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa muddo dheer ka digayay halista ka dhalankarta jaridda dhirta iyo ka ganacsiga Duurjoogta, balse arrintaasi dheg loma dhigin.

Tusaale sanaddii 2003, dowladda Shiinaha ayaa joojisay ka ganacsiga durjoogta ka dib markii uu dilaacay cudurka Sars, balse sanooyiin ka dib waxaa dib u bilaabmay ganacsiga.

Romero oo xubin ka ah islamarkana hogaamiya qoomiyadda Bribri, oo ah dada asal ahaan loogu yimid Costa Rica, ayaa rumaysan in marka caalamka uu ka dhamaado Covid-19, isaga iyo hogaamiyayaasha qoomiyadaha degga Keymaha cashar laga baran doono.

"Marka uu dhammaado cudurkan saf-marka, dowladaha waa inay na dhageystaan" ayuu yiri.

bb
Banner