Coronavirus: Dhadhanka iyo urta oo ka taga dadka qaar ee qaba covid-19

Woman wearing surgical mask

Xigashada Sawirka, Getty Images

Urintaa iyo dhadhanka oo qofka ku yaraada ayaa ka mid ah astaamaha fayraska Corona, sida ay sheegeen baarayaal u dhashay dalka Britain.

Koox ku sugan kuliyadda King's College oo ku taala Magaalada London ayaa eegtay in ka badan 400,000 oo qof oo looga shakiyay cudurka Covid-19.

Balse dareenka wax lagu uriyo iyo dhadhanka oo qofka ka taga, ayaa sidoo kale ah astaamaha caabuqyada kale ee neef mareenka ku dhaca, sida hargabka.

Khubaradu waxay sheegeen in astaamaha ugu muhiimsan ee cudurka Coronavirus ay yihiin qandho iyo qufac, loona baahanyahay in si weyn loola socdo.

Haddii adiga ama qof kula jooga uu aad u qufaco ama ay hayso xummad xad dhaf ah, waxaa lagula talinayaa in aad ku sugnaato guriga si aadan cudurka u qaadsiin dadka kale.

Maxaa lagu ogaaday daraasadda la sameeyay?

Baarayaasha The King's College waxay doonayeen in ay ururiyaan xog buuxda oo ku saabsan astaamaha fayraska Corona si ay khubaradu uga caawiyaan la dagaalanka xanuunkan saf-marka ah.

Xogtan hoose waxay ku saabsan tahay tirada dadka qaba ama ay ka muuqaan astaamaha cudurka Covid 19:

  • 53% waxay shegeen inay dareemayeen daal
  • 29% qufac joogta ah
  • 28% neefta oo ku xiranta
  • 18% wax urinta iyo dhadhanka oo ka lumay
  • 10.5% qandho
  • 1,702 oo ka mid ah 400,000 oo qof, waxay sheegeen in laga baaray cudurka Covid 19; 579 ayaa laga helay, halka laga waayey tiro gaareysa 1,123 oo qof.

Kuwa baaritaanka ka dib laga helay coronavirus waxaa la sheegay in boqolkiiba 59% uu ka tagay urinta iyo dhadhanka.

Dareenka wax urinta iyo dhadhanka oo ka taga qofka, waxay noqon karaan astaamaha ugu waaweyn ee cudurka lagu garto?

Qoraalka Muuqaalka, Coronavirus siduu u saameeyey hasaawaha

Waaxda caafimaadka dadweynaha ee Ingiriiska iyo hay'adda caafimaadka aduunka, astaamahan kuma aysan darin liiska waxyaabaha cudurka lagu garto.

Dhaqaatiirta UK u qaabilsan dhagaha, sanka iyo cunaha ee ENT, ayaa sheegay in aysan la yaab lahayn in bukaannada qaar ee qaba coronavirus ay sheegtaan astaamaha urta iyo dhadhan la'aanta ah, balse kama dhigna inay qabaan fayraska Covid-19.

Madaxa baarayaasha The King's College, Prof Tim Spector, wuxuu sheegay: "marka loo eego astaamaha kale, dadka aan lahayn dareenka wax urinta iyo dhadhanka ayaa u muuqda in sadex jibaar ay qabaan Covid-19, marka waa in ay muddo todoba maalmood ah is-karantiilaan, si loo yareeyo faafidda cudurka".

bb
bb