Calaamadaha Korona Fayras: Maxay yihiin, sideena nafteyda uga ilaalin karaa?

Coronavirus ayaa ku baahay 177 dal ama geyi, wuxuuna dilay in ka badan 40,000 oo qof.
Sidaas darteed, muxuu yahay cudurka? side ayuu u faafaa? goormay dadku sii gudbin karaan?
Sideen nafteyda uga ilaaliyaa?
Sida ugu fiican waa in aad gacmahaaga si joogto ah u dhaqdo, waxaa wanaagsan inaad isticmaasho biyo iyo saabbuun.
Coronavirus wuxuu faafaa marka qof qaba uu qunfaco, qufac wata fayraska, kaas oo hawada sii raaca. Qof kale ayaa hawadaas ku neefsan kara sidaasna ku qaadi kara fayraska, waxaa kale oo laga qaadi karaa taabashada meel uu fayrasku gaaray, ka dibna aad gacantaada ku sii taabato indhaha, sanka ama afka.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah inaad tiish isticmaasho marka aad qufacayso amaba aad hindhiseyso, inaadan wejigaaga ku taaban gacmo aan dhaqneyn, aadna ka fogaato dadka fayraska qaba, taas oo ah yareynta faafitaanka xanuunka.
Marada wejiga lagu xirto si fiican kaagama ilaalineyso fayraska, sida ay sheegeen khubarrada caafimaadka.



Waa maxay calaamadaha coronavirus?
Coronavirus wuxuu ku dhacaa sambabbada. Calaamadaha waxay ka bilowdaan qandho, waxaa soo xiga qufac qallalan, kaas oo horseeda dhibaato dhanka neefsashada ah.
Waa qunfac is daba joog ah, oo uu qofku wadayo wax ka badan hal saac.
Shan maalmood ayay celcelis ahaan qaadataa in lagu garto calaamadaha, sida ay saynisyahannada sheegeen, balse dadka qaar ayaa laga yaabaa in maalmo intaas ka badan ay ku qaadato in laga arko calaamadaha fayraska. Xaqiiqdii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in muddada uu fayraska ku faafo jirka qofka ay qaadato illaa 14 maalmood.
Dhaqaatiirta ku takhasusay xanuunnada dhegaha, sanka iyo dhuunta ee ku sugan UK ayaa sidoo kale ogaaday in ay jiraan dad isku arkay xaaladda ah in dareenka dhadhanka ama urta ay ka tagt.
Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagayay in marka uu xanuunku ku dhacay ay awoodi waayeen inay wax uriyaan amaba dhadhamiyaan.
Si kastaba, caddeyntan ma ahan mid si buuxda la isugu halleyn karo, maaddaama fayrasyada sida hargabka oo kale ah ay sababaan inuu qofku awoodi waayo wax urinta iyo dhadhaminta.


Dadka ayaa fayraska sii gudbin kara marka lagu arko calaamadaha, balse waxaa sidoo kale jirta in dadka qaar laga yaabo inay fayraska gudbiyaan iyagooweli caafimaad qaba balse uu jirkoda ku jiro fayraskan.
Calaamadaha hore waxaa lagu khaldi karaa kuwa hargabka caadiga ah ee xilliga qaboobaha.


Heerka ay gaarsiisan tahay halista dhimasho ee coronavirus
Tirada dadka u dhimanaya xanuunka ayaa u muuqata mid hooseysay, (inta u dhaxaysa 1% iyo 2% boqolkiiba) - balse tiradaas la iskuma halleyn karo.
Kumannaan qof ayaa laga daweeyay balse waxaa laga yaabaa inay u dhintaan - sidaas darteed heerka dhimashada inay badan tahay ayaa laga yaabaa. Laakiin way noqon kartaa mid hooseysa haddii aan la shaacin kiisas aan darneyn oo fayraska ah.
Qiimeyn ay WHO ku sameysay 56,000 oo bukaan ayaa lagu ogaaday:
- In 6% ay dadku aad u xanuunsadaan - sambabbada howlgab ay noqdaan, oo ay halis u galaan dhimasho
- In 14% dadku ay ka muuqdaan calaamado daran - sida neefsashada oo ku adkaada.
- In 80% dadku ay ka muuqdaan calaamdo aan darneyn - sida qandho iyo qunfac halka dadka qaarna ay burukiito ka qaadaan


Dadka da'da ah iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaad (sida neefta, sokorta, cudurrada wadnaha iyo dhiig-karka), ayaa u nugul inuu aad u soo rito xanuunka. Xog laga soo ururiyay Shiinaha ayaa sidoo kale muujineysa in ragga ay khatar ugu jiraan u dhimashada fayraska marka la barbar-dhigo haweenka.
Daaweynta ayaa qofka ka caawisa sida neefsashada, illaa heerka difaaca jirkiisa uu awood u yeelanayo inuu la dagaallamo fayraska. Waxaa haatan socota soo saaridda tallaalka fayraska.
Maxaan sameeyaa haddii aan isaga shakiyo in aan qabo coronavirus?
Bukaannada ay ka muuqdaan calaamadaha aan darneyn - sida qufac joogto ah amaba heerkul ka sarreeya 37.8C waa inay is karantiilaan ugu yaraan muddo toddoba maalmood ah.
Haddii aad xiriir la sameysay qof qaba fayraska, waxaa laga yaabaa in lagugu amro inaad is karantiisho.
Dalalka qaar ayaa qaaday tallaabooyiin u gaar ah. Tusaale ahaan, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka ayaa dadka isku arka calaamadaha kula talineysa inay la xiriiraan dhaqtarkooda, kuwa aysan ka muuqan calaamadaha daranna ay is karantiilaan.
WHO ayaa sidoo kale dadka u soo jeedisay talooyin.

Yaa laga baarayaa xanuunka, habkee ayaana loo maraa?
Taladii ugu dambeysay ee ay bixisay waaxda Caafimaadka Bulshada ee England (PHE) ayaa lagu sheegay in dadka qaba calaamadaha aan darneyn ee is karantiilay aan la baari doonin.
Si kastaba, dhammaan bukaannada ku jira isbitaallada ee ay ka muuqdaan calaamadaha sida hargabka ayaa la baari doonaa.
Haddii lagugu baaro gudaha UK, natiijada waxaa laga yaabaa inaad isla maalintaas hesho, balse waxaa lagaa codsan karaa inaad guriga isku karantiisho, inta aad sugeyso natiijada.

Waa sidee heerka faafitaanka fayraska?
Tobnaan kun oo kiisas cusub ah ayaa maalin walba laga soo sheegaa dunida. Si kastaba, waxaa loo maleynayaa in hay'adaha caafimaadku aysan ka warqabin kiisas badan.
Kaddib markii uu ka soo bilowday Shiinaha, coronavirus wuxuu hadda degdeg ugu faafayaa dalal kale oo badan.
Kiiskii ugu horreeyay wuxuu qaatay 67 maalmood inuu gaaro 100,000 oo kiis, 11 maalmood kaddib ayaa haddana la helay 100,000 oo kale oo kiisas ah, afar maalmood kaddibna waxaa la helay kiisas kale oo 100,000 gaaraya.












