"Soomaaliya heerka dhimashada aad buu u sarreeyaa, waa xaqiiq jirta"

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
- Author, Cabdishakuur Casoowe
- Role, Nairobi
Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu jira safka hore ee la dagaallanka cudurka coronavirus ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta xanuunka iyo heerka uu gaaray faafitaankiisa.
La taliyaha nidaamka caafimaadka ee dowladda Soomaaliya, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka warramay xaaladda sagaal qof oo saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyootay isbitaalka Martiini.
"Dadka dhintay dhammaantood ma wada qabin Covid-19"
"24-kii saac ee lasoo dhaafay isbitaalka waxaa ku geeriyooday 9 qof, taasina dad badan ayey naxdin galisay. Waxaan jeclaan lahaa inaan bulshada la wadaago sida ay kala ahaayeen dadka ku geeriyooday isbitaalka; waxaa gudaha isbitaalka ku geeriyooday oo bukaan jiif noo ahaa 5 qof - oo qaar ka mid ah ay xaalad daran ku jireen ayna jiifeen qeybta ICU-da- 4 qofna waxay ku geeriyoodeen markii la keenay qeybta degdegga ee isbitaalka. Dadkaas ma wada qabin Covid-19, bukaankii noo jiifay hal qof oo ka mid ah ayaa cudurka la xaqiijiyay inuu qabay, qofna waxaan xaqiijinnay inuusan cudurka qabin, 7-da kalena waxay sugayeen natiijada baarista," ayuu yiri Dr Cabdirisaaq.
Dhinaca kalena, Dr Cabdirisaaq wuxuu walaac weyn ka muujiyay heerka uu Soomaaliya ka gaaray faafitaanka cudurka Covid-19.

Wuxuu sheegay in saameynta ay aad u ballaaran tahay, dowladduna aysan awood u heli karin inay si buuxda ula tacaasho.
"Soomaaliya heerka dhimashada aad buu u sarreeyaa, waxaana sabab u ah nidaamka iyo system-ka caafimaadkeenna oo la ogyahay inuu liito iyo dadkeenna oo aad uga madax adeygay inay wacyigalinta iyo ka hortagga qaataan, sidoo kale waxaa yar awoodda baarista, waxaan aaminsan nahay inuu cudurku aad ugu jiro dalka oo dhan, gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo aysan awooddeenna gaarin in ruux walba ama guri walba la baaro," ayuu yiri.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in cudurka uu si baaxad leh usii fidayo.
"Wacyigalinta aan ku wada dadaalno, guryaha ha la isku celiyo, cudurka aad ayuu u fidayaa, waxaad ka garaneysaan isbuucii dhawaa iyo maanta meesha uu kala marayo, fadlan aan iska kaashanno sidii looga hortagi lahaa," ayey tiri Wasiir Fowziya.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay maanta soo saartay ku sheegtay in tiro hor leh oo Cudurka Covid-19 oo gaaraysa 44-Qof maanta la helay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 9-ka mid ah 44-Qof ee laga helay cudurka Corono Virus ay yihiin Dhedig, halka 35-kale ay lab yihiin,waxaana cudurka ka bogsaday 4-Qof,3-kalena waa ay geeriyoodeen.

Xigashada Sawirka, SONNA
Fowziya Abiikar Nuur, ayaa caddeysay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480-ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaarayaan 26-Qof.
Marwo Fowziya ayaa ka codsatay isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay inay kaalintooda ka qaataan la dagaallanka cudurka.
"Waxaan leeyahay isbitaallada gaarka ah, fadlan haddii aad heysaan dad looga shakisan yahay cudurka, goor hore nala soo socodsiiya, qofka heer ay noloshiisa gabo gabo sii tahay ayaa la keenaa mararka qaar.
Dr Maxamad Cali Fuje oo dhawaan loo magacaabay inuu hogaamiyo dadaallada lagula tacaalayo iyo kuwa looga hortagayo cudurka ayaa ku taliyay in laga taxaddaro dadka waayeelka ah, wuxuuna baaq gaar ah u jeediyay dhalinyarada.
"Waxaa loo baahan yahay in dadka waayeelka ah si gaar ah looga fakaro. Waayeelku nagama go'o, waa aabayaashii iyo hooyooyinkii qarankaan maanta jira, marka in aan xurmo u muujinno oo aannaan cudurka u gudbinin muhiim ayaye annaga dhan noo tahay. Marka aan saas leeyahay dhalinyarada ayaan la hadlayaa, dhalinyaro adigu waad shaqeysaneysaa oo waad ordeysaa laakiin marka aad gurigaaga ku laabato taxaddar badan sameey. Gurigaaga markaad tagto ugu horreyn gacmaha iska dhaq, maaskaraatigana ha iska bixinin," ayuu yiri Dr Fuje.

Tan iyo markii uu Fayraska Corona saameeyay Soomaaliya, Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xakameyn lahayd cudurka.
Isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmarka ah ayaa la geeyay qalab caafimaad oo loogu talagalay in lagu daryeelo dadka la il daran xanuunka.
Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19.












