Coronavirus: Xaflad dhalasho oo isu baddashay masiibo

Maria (Bidix) waxay geeriyootay kaddib markii ay ka qeybgashay xafladda lagu dabaaldegayay dhalashada Vera Lucia

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Maria (Bidix) waxay geeriyootay kaddib markii ay ka qeybgashay xafladda lagu dabaaldegayay dhalashada Vera Lucia

Munaasabaday ugu dabaal degayeen dhalasho ayey qabsadeen qoyska balse waxay isu bedeshay murugo iyo musiibo.

Xaflad oo ay lahaayeen qoys ku nool dalka Brazil waxay horseeday shakiga ah in qoyska dhexdiisa ay is qaadsiiyeen cudurka Coronavirus kaddib markii ay dhinteen saddex carruur ah halka 10 kalena ay xannuusadeen muddo labo toddobaad ah ka dib markii munaasabadda ay dhammaatay.

Mas'uuliyiinta dalkaas waxay xaqiijiyeen in mid ka md ah carruurta uu u dhintay Coronavirus.

Qorshaha xafladda

xafladda dhalasha ee ay qabsadeen qoyska waxay 13-kii bishii Maarso ka dhacday deegaanka Itaperica da Serra, ee ka tirsan magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil.

Maalinkaas, Brazil waxay xaqiijisay in 98 qof oo uu ku dhacay fayraska Covid-19, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee Brazil, mana jirin cid u dhimatay cudurka.

Ku dhawaad 60 ka mid ah kiisaska la xaqiijiyay waxay kasoo jeedaan magaalada Sao Paulo, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan dunida. Waxaa ku nool in ka badan 21 Milyan oo qof.

Saddex toddobaad ka dib, 8-dii bishan, guud ahaan dalka Brazil waxaa la xaqiijiyay in ka badan 16,000 qof oo uu ku dhacay Coronavirus halka 800 oo qof na ay u dhimatay cudurka.

Kiisaska cudurka Covid-19 ee Brazil waxay gaareen 16,000 muddo ka yar bil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kiisaska cudurka Covid-19 ee Brazil waxay gaareen 16,000 muddo ka yar bil

Vera Lucia Pereira oo aheyd gabadhii loo dabaaldegayay dhalashadeeda waxay ka war heysay in cudurka uu soo gaaray Brazil isla markaana uu ku faafayay. waxay ka fakareysay inay qaadacdo qorshaha xafladda dhalasheeda 59-aad.

"Welwel ayaan qabnay balse waxaan go'aansannay in aan qabsano xafladda, marka kiisas badan oo cudurka kama jirin dalka," ayay u sheegtay BBC-da.

28 qof oo ka qeybgalay xafladda

Xafladda dhalashada ee Vera Lucia waxaa lagu qabtay halkii ay kasoo jeeday, waxaana kasoo qeybgalay 28 qof oo ka mid ahaa qoyskeeda.

Xafladda xuska dhalashada Vera Lucia waxaa ka qeybgalay 28 qof oo qoyska ah

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Xafladda xuska dhalashada Vera Lucia waxaa ka qeybgalay 28 qof oo qoyska ah

Dadka lagu martiqaaday xafladda waxaa ka mid ahaa seyga Vera Lucia Pereira oo la yiraahdo Paulo Vieira.

Paulo, walaalkiis iyo walaashiisa kama aanay warqabin in ay u geeriyoon doonaan cudurka Covid-19.

Maalmo yar uun kaddib xafladda, ilaa kala bar dadkii ka qeybgalay munasbadda lagu arkay calaamadaha cudurka oo ay ka mid yihiin qufac, qandho iyo neefsiga oo ku adkaada, waxaana astaamahaas lala xiriiriyay fayraska corona.

"Cudur halis ah"

Balse seyga Vera Lucia iyo laba qof oo ay walaalo ahaayeen waxay dhinteen horraantii bishan.

Walaashiis Maria waxaa la xaqiijiyay inay u dhimatay cudurkan safmarka ah.

Gabadheeda Rafaela waxay BBC-da u sheegtay; "waxaan hadda hubsannay in feyraska ay u geeriyootay hooyadey".

"Waxay arrintan muujineysaa sida uu u daran yahay cudurka, inkasta oo ay hooyadey la geeyay isbitaal leh adeega neefsiga ka caawiyo bukaanada, ma aysan suurogelin in la badbaadiyo".

Maria waxay qabtay xannuunka sokorta, waxayna dhakhaariirtu xaqiijiyeen inuu ku dhacay cudurka Covid-19.

Rafaela iyo wiilkeeda waxaa lagu arkay calaamadaha cudurka balse way ka bogsadeen.

Vera Lucia (Midig) wiilkeeda iyo seygeeda dhintay Paulo

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Vera Lucia (Midig) wiilkeeda iyo seygeeda dhintay Paulo

Aaminaad darrada

Markii hore, qoyska ka soo qeybgalay xafladda ma aysan rumeysneyn inuu ku dhacayo Coronavirus.

Waxay sheegeen in markii hore qof kasta xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsaneyd, inkasta oo aysan ogeyn qofkii ugu horreeyay ee cudurka dadka qaadsiiyay.

Clovis , xaaskiisa iyo carruurtiisa

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Clovis , xaaskiisa iyo carruurtiisa

"Saddex maalmood ka dib markii la soo gabagabeeyay munaasabadda, aabahay wuxuu bilaabay in uu qufaco," ayuu yiri Arthur oo ah wiil uu dhalay Clovis , lana dhashay Vieira.

"Wuxuu dareemay madax xannuun iyo qandho".

Arthur wuxuu aabahiis u qaaday isbitaal 23-dii bishii Maarso balse waxay u sheegeen inuu dib ugu laabto guriga.

"Dhakhaatiirta ma aysan u maleyn inuu ku dhacay Coronavirus".

Qeybta xaaladaha degdegga ah

Markii seyga Vera Lucia Pereira loo qaaday isbitaalka, xaaladdiisa caafimaad wey wanaagsaneyd.

Wuxuu markii dambe bilaabay inuu jimicsi sameeyo, markii Paulo la geeyay isbitaalka, wuxuu ka cabanayay in neefsiga uu dhib ku yahay.

"Labo maalmood ka dib, waxaa la geliyay qeybta xaaladaha degdegga ah ee isbitaalka," sida ay sheegtay xaaskiisa Vera Lucia.

Clovis iyo wiilkiisa Arthur

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Clovis iyo wiilkiisa Arthur

Xayiradda kulamada duugta

Aroortii, 1-dii bishan April, walaashood Maria waxay dareentay xannuun dhanka wadnaha ah balse kama aanay bogsan cudurka, waxaana maalinkii xigay dhintay Clovis halka Paulo uu dhintay habeenkii 3-dii bishan April.

Vera Lucia waxay weysay seygeeda kaddib markii uu ka qeybgalay xafladda dhalashadeeda

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Vera Lucia waxay weysay seygeeda kaddib markii uu ka qeybgalay xafladda dhalashadeeda

Maria iyo Paulo waxaa loo aasay qaab waafaqsan qaabka ay fartay dowladda Brazil ee ah sida loo aasayo dadka looga shakiya ama kuwo qabo cudurka Covid-19.

Clovis waa la gubay, waxaana munaasabadda dugtooda ka qeybgalay dad aan ka badneyn 10 qof, sida ku xusan tallaabooyinka looga hortaggayo faafitaanka fayraska Corona.

Karantiil

Dadkii ka badbaaday cudurka 13-kii bishii March waa la karantiilay.

Waxaana loogu baaqay inay guryahooda joogaan si looga hortaggo fayraska.

Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro wuxuu coronavirus ku tilmaamay 'Hergeb'

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro wuxuu coronavirus ku tilmaamay 'Hergeb'

"Xaaladdan ma ahan hargab, waa masiibo, waa argagax iyo fayrsa gurucan," ayuu yiri Rafaela, oo hoyadiis u dhimatay cudurka.

'Bolsonaro wuxuu ku hadlaa arrimo micno darro ah'

Madaxweynaha Brazil wuxuu iska dhega tiray nidaamka kala fogaanshaha bulshada ee looga hortaggayo faafitaanka Covid-19, wuxuu sidoo kale su'aal geliyay jiritaanka cudurka safmarka ah oo uu ku tilmaamay 'hergeb yar'.

Vera Lucia waxay sheegtay: "Bolsonaro wuxuu ku hadlaa arrimo micno darro ah, wuxuu haya xil weyn, waxaana looga baahan yahay inuu ka war hayo mas'uuliyaddiisa".

Presentational white space
bb
bb