Coronavirus: Tabliiq loo haysto soo laba kaclaynta fayraska ee Hindiya

Men wearing protective facemasks walk to board a special service bus taking them to a quarantine facility amid concerns about the spread of the COVID-19 coronavirus in Nizamuddin area of New Delhi on March 31, 2020.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Illaa 400 oo kiis oo Covid-19 ah ayaa lala xiriiriyay ururka Tabliiq Jamaat ee ku kulmay Hindiya

Hindiya waxaa ka taagan xanaaq ka dhashay isu imaatin ay sameeyeen jameeco Tabliiq ah oo loo maleynayo in ay sabab u noqdeen soo laba kacleynta kiisas cusub oo fayraska Covid-19 ah.

Arrintaas waxay dhalisay Islaam-naceyb. Gobollada Hindiya oo dhan waxaa muddo isbuuc ah laga soo weriyay illaa 300 oo kiis oo cusub.

Hal ku dhigyo Islaam-naceyb ah ayaa aad la isugula wadaagayaan barta twitter-ka ee Hindiya.

"Halkii aan gali lahayd karantiilka fayraska corona, waxay ahayd in aan nacyo karantiilka oo dhan", ayuu yiri Taariikhyahan Rana Safvi.

Kooxda Tabliiqa ah ee Jamaat ayaa kullan wayn ku qabteen caasimadda Hindiya ee Delhi, kaas oo ah isu imaatin 100 sano soo socday. Goobta ay isugu tagaan waa markaz ku yaalla caasimadda Hindiya oo lagu magacaabo aagga Nizamuddin.

Haddaba, yey yihiin kooxdan maxayse isu soo bax ballaaran ugu qabteen Delhi? Weriyaha BBC-da ee Laanta Hindiga Zubair Ahmed ayaa warbixintan ka qoray.

Waa kuwama Tabliiq Jamaat?

Ururkan ayaa sannadkii 1926 lagu aasaasay gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Mewat, waxaana aasaasay wadaadka caanka ah ee Muslimka ahaa ee Maulana Moxamed Ilyas Kandhlawi.

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu diinta Islaamka ku faafiyo dunida - Muslimiin badan ayaana xilligaas dareemayay in siyaasaddooda iyo diintooda uu saameyn ku yeeshay taliskii British Raj.

Ururka ayaa saameyn weyn ku lahaa Hindiya oo aan xilligaas kala qeybsaneyn. Tani isma beddelin kaddib markii dalkaasi la kala qeybiyay, xornimadii ka dib, sannadkii 1947. Waxay taageero xooggan ku haystaan gudaha Pakistan iyo Bangladesh.

Maxay tahay shaqadooda?

Aasaasaha Jamaat, Moxamed Ilyas, ayaa lagu xusuustaa inuu yiri: "Muslimiintu waa inay noqdaan Muslimiin wanaagsan," - taasina waa hadafka ugu weyn ee ururka - inay Muslimiinta ku dhex faafiyaan ku dhaqanka diinta Islaamka.

Xubnaha ururka ayaa sheegta inuu yahay mid ka madax bannaan siyaasad, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay inuu dhiso ummad Muslimiin ah oo ku dhaqanta Qur`aanka Kariimka ah.

Jamaat ayaa wufuud u kala dirta dalal kala duwan muddo 40 maalmood ah sannadkiiba, mararka qaarna muddo intaas ka yar. Kuwa dadka wax u sheega ayaa aaminsan inay qof-qof dadka ula kulmaan, sidaas darteed waxay garaacaan guryaha dadka Muslimiinta ah si ay ugu gudbiyaan farriinta Islaamka.

Maxaa ka dhacay Delhi?

Shirka Delhi, oo ah isu soo bax sanadeed - waxaa xafladda sannad-guuradiisa la dhigayaa 3-dii March, inkastoo ay jireen aragtiyo kala duwan oo ku aaddan xilliga ay dhammaan doonto. Waxaa muuqatay in markii ay soo gabagabowday ay dad badan - oo ay ku jireen 250 ajaanib ah - ay doorteen inay sii joogaan.

Waxaa loo maleynayaa in qaarkood ay qabeen xanuunka Covid-19, kaas oo hadda ku faafay gudaha dalkaas.

People who took part in a Tablighi Jamaat function earlier this month walk to board buses taking them to a quarantine facility amid concerns of infection, on day 7 of the 21 day nationwide lockdown imposed by PM Narendra Modi to check the spread of coronavirus, at Nizamuddin West on March 31, 2020 in New Delhi, India.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qof kasta oo ku jiray gudaha xarunta ururka ee Delhi ayaa halkaas laga saaray.

Mid ka mid ah xubnaha ururka oo lagu magacaabo, Waseem Axmed, ayaa u sheegay BBC Hindi in boqollaal wufuud ah ay baxeen kahor inta aysan dhaqan gelin xayiraadda 24-kii March, balse inka badan 1,000 taageerayaal ah, oo ay ku jiraan ajaanib badan, ayaa Hindiya ku xannibmeen, maaddaama la xiray dhammaan isu socodka.

Wixii intaas ka dambeeyay, booliiska ayaa ka saaray dhismooyiinkii ay ajaanibtu degganaayeen kaddibna ku karantiilay meel kale oo ka tirsan Delhi. Waxaa haatan gobol walba oo dalkaas ka tirsan ka socda dadaallo lagu baadi goobayo laguna baarayo dadka ka qeyb galay isu imaatinkaas, iyadoo ay sii kordheen kiisaska Covid-19 ee lala xiriirinayo in kullankaas oo ka sii faafay. Subixii Khamiista, warbaahinta Hindiya ayaa tirada kiisaskaas ku sheegtay inay gaarayaan 389.

Baaxadda ururka halkey gaarsiisan tahay?

Tabliiq Jamaat hadda waa dhaqdhaqaaq diimeed oo caalmi ah, wuxuuna taageerayaal ku leeyahay in ka badan 80 dal, oo ay ku jiraan Indonesia, Malaysia iyo Mareykanka.

Jamaat ayaa hadda xarumo waaweyn ku leh dal walba oo uu ka howlgalo, balse saldhiggiisa weyn wuxuu ku yaallaa Delhi.

Waa dabaq ku yaalla Nizamuddin, oo ah meel ay ku badan yihiin Muslimiinta kuna taalla Delhi. Saldhiggan wuxuu ka kooban yahay masaajid iyo qolal qaadaya ilaa 5,000 oo qof.

Devotees hoping to get back home from the Ijtema after Akheri Monazat (the final prayer) crowd the station, the platforms, some riding in and some on a train. The Bishwa Ijtema or World Congregation is an annual Tablighi Jamaat Islamic congregation held in Tongi by the Turag River

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isu imaatinka Biswa Ijtema ee Bangladesh waa mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn Muslimiinta dunida

Ururka Jamaat ayaa sidoo kale isu imaatinno ballaaran ku qabta dalal kale.

Dalka Bangladesh, waxay ku qabtaan isu soo bax loogu magac daray Biswa Ijtema oo la rumeysan yahay inuu yahay isu soo baxa labaad ee ugu weyn ee Muslimiinta marka laga soo tago Xajka.

bb
bb

Ururka waxaa sidoo kale taageerayaal u ah shakhsiyaad caan ah oo ka soo jeeda Koofurta Aasiya.

Taageerayaashooda waxaa ka mid ah xubno ka tirsa kooxda kubbadda gacanta ee Pakistan, sida xiddigaha Shahid Afridi iyo Inzamam ul-Haq. Cayaaryahanka kubbadda gacanta ee Koofur Afrika Hashim Amla ayaa sidoo kale taabacsan kooxda.

Madaxweynayaashii hore ee Pakistan, Farooq Legari iyo Mohammed Rafiq Tarar ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay taageerayaal u yihiin kooxda, halka madaxweynihii hore ee Hindiya Dr Zakir Hussain lala xiriirin jiray ururka.