Coronavirus: Wanaagga laga filan karo duni foorarta

Drawing of city skyline upside down

Adduunka si aad ah ayuu isku beddelay toddobaadyadii la soo dhaafay, balse, iyadoo ay jiraan jahwareerka iyo walaaca ka dhashay fayraska corona, haddana waxaa la rumeysan karaa inaan xasaradda uga bixi doonno inagoo la nimaadna hal-abuur, sida uu qabo Matthew Syed.

Dhowr sano kahor, Michael Michalko, oo ka tirsanaan jiray ciidamada Mareykanka, ayaa la yimid fikrad cajiib ah oo sare loogu qaadayo hal-abuurka. Wuxuu u bixiyay "weecinta malaha".

Sidaas daraaddeed, ka soo qaad waxaad ka fekereysaa in aad furato maqaayad (taas oo aan hadda suurtagal ahayn!). Waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa: "maqaayaduhu waxay leeyihiin warqad ay ku xusan tahay cuntada ay hayaan". Waxaad u weecin kartaa: "maqaayaduhu ma laha warqad ay ku xusan tahay cuntada ay hayaan".

Tan waxay abuureysaa fikradda ah in cunto-kariyaha uu ku wargeliyo macmiil walba cuntada uu maalintaas hayo, ka dibna ay dadka doortaan waxa ay rabaan.

Muhiimaddu maaha in tan ay socon karto, balse ujeeddadu waa in fakar guud aad u rogtaa dhanka kale, taas oo horseedi karta inay kugu soo dhacaan fakrado kale.

Amaba aan soo qaadanno tusaale kale; ka soo qaad inaad qorsheyneyso inaad furato shirkad cusub oo tagaasi ah. Waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waxay noqon kartaa: "shirkadaha tagaasidu waxay leeyihiin gawaari". Waxaad u weecin kartaa: "shirkadaha takaasidu ma laha gawaari". Labaatan sano kahor, taasi suurtagal uma muuqan. Maanta, shirkadda tagaasida ugu weyn dunida ma laha wax gawaari ah: Uber.

Drawing of cat in cage and man thinking

Coronavirus ayaa nolosheenna ka dhigay mid hoos u foorarta, inkastoo aan rajeyneyno in bilaha soo socda ay xaaladdu xoogaa caadi ku soo laabato, haddana waxay u muuqataa in wax walba aysan sidoodii hore ahaan doonin mar kale. Dad badan waxay wayeen nolol-maalmeedka iyo ganacsigooda, mana jirto ka soo kabashada dhibaatada dhaqaale iyo tan maskaxeed ee uu fayraska sababay.

Balse mugdiga waxaa ku hoos jira fursado badan.

Fursadaha waxay dib u qaabeeyaan dunida iyo doorka uu qofku ku dhex leeyahay. Farsamooyinka weecinta waxaa caadi ahaan adeegsada dadka ka shaqeeya shirkadaha hal-abuurka si ay ula yimaadaan wax soo saar ama hal-abuur cusub. Waxaan is weydiinayaa haddii aan annaguna u adeegsan karno inaan fursad uga soo saarno mugdiga dhexdiisa.

Drawing of child learning at home

Waaliddiinta badankood waxay xaqiiqsadeen sida ay u adag tahay in carruurta guriga dhexdiisa wax lagu baro. Balse qaab kale ayaad u fekeri kartaa. Carruurta ugu yeer qolka dhexdiisa kaddibna soo qaado warqad hoos u jeedday, geddi kaddibna si aad carruurta u tusto mowduuc. Waxaad u sheegtaa inay muddo 60 seken ah ka hadlaan mowduucas.

Waxaan ku tijaabiyay gabadheyda (oo toddoba jir ah) markii ugu horreysay way diidday. Balse markii labaad way ka heshay mowduuca.

Waxaan sidoo kale iyada iyo walaalkeed ka codsaday inay qoraan guuldarradii ugu horreysay ee ay la kulmeen iyo casharka ay ka barteen.

Fikradda waxay ahayd in meesha laga saaro in guul-darradu ay tahay wax ceeb ah, loona beddelo inay tahay wax cashar laga barto. Waxaan isla wadaagnay sheekooyiinka dadka caanka ah ee guul-darrooyiinka la kulmay.

Hadalka laga soo xigtay JK Rowling ayaa ahaa mid waxtar leh: "Guuldarrada qaar ee nolosha waa mid iska dhacda. Suurtagal maaha in la noolaado iyadoo aan waxna lagu guuldarreysan, illaa maahee inaad u nooshahay si taxadar leh oo ay ahayd in aadan u noolaan - taas oo aad xitaa ku guuldarreysaneyso."

Kuwani keliya fakrado la rogay oo waxbarashada ku saabsan, balse waxaan hubaa inaad heli karto qaabab kale oo badan. Muhiimadda tusaalaha waxbarashada waa in carruurta oo la tusaa in waxbarashadu aysan keliya ahayn tan caadiga ah ee iskuullada, balse ay heli karaan siyaabo kale oo ay xirfado kale ugu laraan iyagoo ku raaxeysanaya. Iskuullada hal-abuurka leh ayaa haddaba hirgeliyay qaar ka mid ah fikradahan.

Drawing of child writing

Wax kale oo wanaagsan oo lagala bixi karo xasaraddan ayaa ah samafalka. Dalka UK, in ka badan 700,000 oo mutadawiciin ah ayaa caawinaya waaxda caafimaadka bulshada dalkaas ee NHS.

Naxariistu waxaa aalaaba loo arkaa (gaar ahaan dhaqaale-yahannada) inay tahay wax muddo gaaban ah. Balse waxaan is weydiinayaa haddii naxariista ay noqon karto wax ka mid ah nolosha bulshadeen

Ka feker daraasad ay sameeyeen in ka badan 600 oo arday oo barata caafimaadka, taas oo ay ku ogaadeen in dadka daneystayaasha ah - ee keliya diiradda saaray horumarkooda, dadka kalena aan wax badan ka fekerin - ay guul fiican gaareen sannadkii ugu horreeyay ee waxbarashada. Kuwa deeqsiga ah ee waqtigooda iyo aqoontooda u huray ardayda la midka ah ayaa meesha looga tagay.

Balse sidan ayaa dhacday.

Sannadkii labaad, ardayda naxariista badan ayaa soo kabasho sameeyay, sannadkii saddexaad waxay ka horumareen ardaydii kale. Sannadkii afaraadna buundooyin fiican ayay keeneen.

In natiijada wanaagsan ee ardayda lagu qiimeeyo naxariista, waxay ka awood badneyd in sigaar cabidda lala xiriiriyo kansarka sambabbada.

Sida uu qabo Adam Grant oo ku takhasusay cilmu-nafsiga, ardayda caafimaadka barata waxay ka baxaan fasallada gaarka ah iyagoo qabta shaqooyin ay ka mid yihiin daryeelka bukaannada, waxaana dhacda in mar walba oo ay shaqooyin badan qabtaan oo ay is kaashadaan in ay guul gaarayaan.

bb
bb

Waxaa jirta daraasad mar walba lagu soo qaato seyniska bulshada: dadka leh dabeecadda wax siinta waxay ku bullaalaan dunida ay isku tiirsanaanta ka jirto.

Kama wado inaan hoos u dhigno xaddiga dhibaatada aan haatan ku jirno, balse sidoo kale ma rumeysani in mustaqbalka aan sidan sii ahaan doonno. Waxaan gaari doonnaa xal cusub, inagoo iska dhicineyna fikradaha mala-awaalka ah isla markaana is kaashaneyna si aan guulo u gaarno.

Mid ka mdi ah dadka cilmu-nafsiga ku takhasusay ayaa qaba in dadka guuleystay ay saddex arrin ka siman yihiin: dhiirrigelinta, awoodda iyo fursadda …. [balse] mid saddexaad ayaa jirta: guushu waxay ku xiran tahay sida aan ula dhaqanno dadka kale.