Shiinaha oo digniin culus u diray mudaharaadeyaasha Hong Kong

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mudaharaadyada ayaa socday dhowr isbuuc

Dowladda Shiinaha ayaa soo saartay digniin culus oo ku socota dibadbaxayaasha Hong Kong, waxayna ku tilmaantay "inay dab ku ciyaarayaan".

Afhayeen u hadlay maamulka Shiinaha u qaabilsan Hong Konga ayaa shir jaraa'id oo uu saxafiyiinta u qabtay ku sheegay in mudaharaadyadaas aan loo sii dulqaadan doonin.

Hong Kong saddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay ku jirtay dibadbaxyo rabshado wata.

Wuxuu sheegay afhayeenku in mudaharaadyadu ay waxyeelleeyeen horumarka iyo xasiloonida Hong Kong, balse aan la oggolaan doonin inay burburiyaan waddanka oo dhan.

Laakiin wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadda Beijing ay aaminsaneyd in booliska maxalliga ah ee hadda shaqeeya ay xakameyn kareen xaaladda.

Xiisadaha ka jira Hong Kong ayaa sii xumaanaya, waxayna isu baddaleen qalalaase.

Malintii Isniinta oo kaliya, boolisku waxay isticmaaleen 800 oo xirmo oo suntan dadka ka ilmeysiisa ah. Halka kumannaan xirmo oo suntaas ahna la adeegsaday labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Baaq ku aaddanaa in gadood guud la sameeyo ayaa xaaladda uga sii daray, waxaana la baajiyay inkabadan 200 oo duullimaad.

Dadka mudaharaadaya ayaa doonaya qodobbo ay ka mid yihiin in baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyo falal arxan darro ah oo booliska lagu eedeeyay, in si buuxda mneesha looga saaro hindise sharciyeedkii muranka dhaliyay ee ku saabsanaa gacan galinta eedeysaneyaasha iyo inay xilka iska casisho haweeneyda hoggaamiyaha ka ah Hong Kong ee lagu magacaabo Carrie Lam.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shiinaha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin mudaharaadyada

Dibadbaxyada ayaa mar walba ku biyo shubanayay qalalaase iyo gacan ka hadal dhexama ciidanka iyo bannaanbaxayaasha.

Waxaa loo arkay inay caqabad ku yihiin awoodda xukuumadda Beijing ay ku leedhay dhulkaas - waxayna ka turjumayaan sida ay dadka reer Hong Kong uga cabsanayaan in la faragaliyo xornimadii ay ku naalloonayeen.

Gobolkan oo uu horay u gumeystay Ingiriiska ayaa maamul ahaan u hoostaga Shiinaha, balse waxa uu heystaa xorriyad aan laga heysanin dhulweynaha kale ee shiinaha.

Afhayeenka u hadlay maamulka xukuumadda Bejing u qaabilsan Hong Kong ayaa mudaharaadeyaasha uga digay in dulqaad loo smaeynayo ay u fahmaan daciifnimo.

Isku dayga ah in Ms Lam lagu khasbo inay iscasho ayuu ku tilmaamay "mid aan meelna gaari doonin", wuxuuna intaas ku daray in dibadbaxyadu ay saameyn aad u xun ku yeesheen dhaqaalaha Hong Kong.

Digniintan ayaa noqotay mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee ay Beijing ilaa hadda u dirto dibadbaxayaasha.

Maamulka Shiinaha u qaabilsan Hong Kong ayaan looga baranin inuu war saxaafadeedyo kasoo saaro arrimaha Hong Kon, iyagoo si dhif iyo naadir ah usoo hadal qaadi jiray. Balse kani waa bayaankii labaad ee ay soo saareen 2 isbuuc uun gudahood.

Dhanka kale, afhayeenka hadlay wuxuu dhaliil u jeediyay awoodaha kasoo horjeeda Shiinaha, iyo kuwa faragalinta ku haya siyaasadda gobolka, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan xasilooni darrada.

Tusaale ahaan, wuxuu carrabka ku dhuftay haweeneyda afhayeenka ka ah aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi, oo horay mudaharaadyadaas ugu tilmaantay ficil qurux badan oo ay tahay in lasii wado.

Iyo sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt, kaasoo isagana ku baaqay in baaritaanno lagu sameeyo awoodda xad dhaafka ah ee ay adeegsadeen booliska Hong Kong.

Hase ahaatee, siyaasi dimuqraaddi doon ah oo lagu magacaabo Lam Cheuk-ting, ayaa BBC-da u sheegay insaysan jirin awood dibadda ah oo ka dambeysa dibadbaxyada.

Dadka kormeerka ku haya arrintan ayaa dhankooda sheegaya in mudaharaadyadan intooda badan aysan cidna hoggaaminin, ayna yihiin kuwo aan la saadaalin karin, inta bandanna lagu abaabulo baraha xiriirka bulshada.