'Gabadha Gaashaanka': Wejiga dibadbaxyada Hong Kong

Xigashada Sawirka, AFP
Lam Ka Lo ayaa sawir laga qaaday xilli ay ku jirtay xaalad aamusnaan niyad`dejin ah, iyadoo ay waardiye ka hayeen booliiska; halganka ayaa sii socday, sida ay sheegtay.
Waxay ahayd qofkii lagu aqoonsaday dibadbaxyada ballaaran ee ka dhacay Hong Kong ee looga soo horjeedo sharciga lagu muransan yahay ee dhiibidda dadka. Balse haweeneydan da`da yar, ee loo aqoonsaday "Gabadha Gaashaanka", ayaa BBC-da u sheegtay inay dagaallami doonto inkastoo ay jirto in sharcigaasi la hakiyay.
Mugdigii ayaa dhammaaday. Dibadbaxayaashu way sii yaraanayeen. Gabar ku jirta xaalad aamusnaan ah ayaa oo is difaacid ku jirto u hor fadhiisatay safka booliiska oo kala cayrinayay dibadbaxayaasha .
Wuxuu noqday sawir astaan u noqday dibadbaxyada Hong Kong.

Xigashada Sawirka, AFP
"Ogaal la`aanta dhalinyarada iyo sida ay booliisku u difaacayaan dowladda," ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray weriye u dhashay dalka Ireland oo ku nool Hong Kong, laguna magacaabo Aaron Mc Nicholas.
Waxaa loo aqoonsaday "Gabadha Gaashaanka", waxay xitaa sababtay in la sameeyo farshaxankan uu leeyahay mid ka mid ah farshaxaniistayaasha ugu waaweeyn dalka Shiinaha ee Badiucao.
Magaceeda waa Lam Ka Lo. Haweeneydan 26-sano-jirka ah ayaa iskeed u timid degmo ay ku yaallaan xarumaha dowladda, habeenkii Talaadadii, saacado ka hor isu soo bax ay soo qabanqaabiyeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.
Waxaa halkaas kula sugnaa boqollaal dibadbaxayaal ah, balse booliis badan oo heegan buuxa ku jira ayaa goobta yimid.
"Qofna runtii kuma dhiirran inuu ku dhowaado halka ay booliisku joogeen," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay inaysan ka cabsan booliiska balse ay ka walwaleysay in dibadbaxayaasha uu dhaawac soo gaaro.
Waxay bilowday inay gasho xaalad aamusnaan niyad-dejin ah, xilli ay xiisaddu kacsaneyd.
"Waxaan doonayay inaan gudbiyo fekraddeyda fiican," ayay tiri. "Balse dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale aflagaaddo kala dul dhacay booliiska. Xilligaas, waxaan doonayay in dibadbaxayaasha ay agteyda fadhiistaan ee ma dooneyn inay canaantaan booliiska."
Balse haweeneydan da`da yar ma dooneyso inay calaamad u noqoto dibadbaxayaasha.
"Ma doonayo inaan dadka soo jiito," Lam ayaa sidaas tiri. "Balse haddii ay dadku u maleeyaan in wax fiican ay tahay inay i arkaan aniga oo booliiska horfadhiya, waxaan rajeynayaa in dad badan ay ku dhiirran doonaan inay geesiyaal noqdaan, si ay u muujiyaan waxa ay doonayaan.
Niyad-dejinta iyo carada
Deggannaanta Lam waxay inta badan ka timid caadada ay u leedahay xaaladda niyad-dejinta ee dadka qaar ay ku "cibaadeystaan".
Waxay caan ku tahay safarka, Lam waxay booqatay dalal badan oo ku yaalla qaaradaha Aasiya, Latin America, Waqooyiga America iyo Yurub. Waxay xaaladda niyad-dejinta ah sameysay mar ay booqasho ku tagtay dalka Nepal afar sano ka hor - markaas oo dalkaas ay ka dhaceen dhul-gariirro dhimasho sababay.
Haweeneydan da`da yar ayaa sheegtay inay tahay qof dareen leh, balse niyad-dejintu ay ka caawisay inay noqoto qof xamakeysa dareenkeeda isla markaana ku guuleysata inay hesho degganaan gudaha ah.
Balse Lam, oo waqtigeeda ku qaadatay waddooyinka intii uu socday Dhaqdhaqaaqa Dalladda ee 79-ka maalmood socday, sannadkii 2014-kii, dareen ahaan uma aysan diyaarsaneyn iska hor imaadkii galabtii Arbacadii dhex maray saraakiisha booliiska iyo dibadbaxayaasha.
"Waxaan dareemayaa xoogaa xumaan ah sababtoo ah ardayda qaar ayay booliisku dhaawaceen," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay inaysan joogin goobta dibadbaxa uu ka socday markii ay qalalaasuhu bilowdeen Arbacadii. "Waxaan nahay bani`aadam dareen leh ."
Waxay sheegtay inay aaminsan tahay in rabshado la`aan ay tahay habka loogu guuleysan karo hadafka dibadbaxayaasha.
"Rabshaddu waxba ma xalliso."

Xigashada Sawirka, AFP
Dagaalka oo sii socda
Sabtidii, dibadbaxayaasha ayaa soo hoyiyay, tallaabo lagu tilmaamay guul weyn. Hoggaamiyaha Carrie Lam ayaa sheegtay in sharciga dhiibidda la hakin doono, lamana sheegin waqtiga dib loo soo celin doono.
Balse Lam Ka Lo ayaan weli ku qanacsaneyn.
"Uma arko inay tahay guul."
Waxay dooneysaa inay aragto sharciga oo meesha laga saaray, in isku dhacyadii Arbacadii aanan loo aqoonsan rabshado, iyo in sidoo kale la sii daayo dibadbaxayaasha.
Waxay ugu baaqday dibadbaxayaasha inay dagaalka sii wadaan oo ay ka qayb qaataan isu soo baxa Axadda dhici doona.










