Gabdho uu iskaga aaday arooskoodii iyo imtixaankii jaamacadda

Dorcas Atsea iyo Deborah Atoh imtixaan galaya

Xigashada Sawirka, Benjamin Ogbu

In aad guursato iyo in aad gasho imtixaan jaamacadeed waa arrimo aan sahlanayn, balse ka warran haddii aad ogaato in ay isku maalin kugu soo aadeen.

Dorcas Atsea iyo Deborah Atoh ayaa ogaaday in wakhtigii imtixaankii jaamacadda dib loo dhigay isla markaasna lagu aadiyay maalintii arooskooda.

Labada gabdhoodba waxay saxaafadda ka bartaan jaamacadda Benue State University, maalinta arooskoodana horay ayay u sii qorsheeyeen iyaga oo islahaa ku aadista marka ay dhan idiinka dhacdo hawsha jaamacadda.

Laakiin waxay ogaadeen in la badalay wakhtigii ay gali lahaayeen imtixaanka maadada Anshaxa Saxaafadda.

Caadiyan lama badalo maalinta imtixaanka iyo maalinta arooska, markaas ayay Dorcas iyo Deborah lamaaneyaashooda kula ballameen in ay duhurkii imtixaanka galaan, marka ay dhameeyaanna hawshii arooska halkeeda ka sii wadaan.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isla wadaagay sawirrada labada caruus oo imtixaanka galaya dharkii arooskana qaba.

Gertrude Akhimien qof la dhoho ayaa aad ugu farxay in gabdhahaasi ay muujiyeen ahmiyadda sare ee ay leedahay waxbarashadu.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Sheekooyinka kale ee laga yaabo in aad ka hesho:

Deborah Atoh ayaa BBC-da u sheegtay in markii hore aysan ku farxin maalintii arooskeeda lagu aadiyay imtixaanka balse ay aragtidaas iska badashay markii dambe.

"Waxaa ii soo baxday in ay farxad tahay maadaama oo ay isku maalin ii soo baxayaan labo shahaado ee muhiimka ah"

Docas Atsea iyo Deborah Atoh oo imtixaanka ku jira

Xigashada Sawirka, Benjamin Ogbu

Way sii waday hadalka oo waxay tiri "Ardaydii aan wax isla baranaynay aad bay u ashqaraareen markii aan imtixaanka soo galnay sawirro badaan ayayna naga qaateen

"Markii aan imtixaanka dhameemay heeso farxadeed ayaan sii qaadayay, markii aan arooska tagayna qoob ka ciyaar badan ayaan sameeyay."

Amaka Ihegazie qof uu magaciisu yahay ayaa Twitterka soo dhigay in uu aad ugu faraxsan yahay go'aanka gabdhahaas wuxuuna yiri dumarku waa in ay xal u raadiyaan wixii ay doonayaan.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2