Xaaladda Hong Kong oo loo maara la'yahay

.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Kooxaha u ololeeya Dimuqraadiyadda ayaa waxa ay isku diyaarinayaan isu soo bax ballaaran oo ay ku qabtaan Hong Kong, walow dowladda Shiinaha ay ka digtay in halkaas uu qalalaase ka dhacdo.

Dhanka kale waxaa jira dad ka socday dhul weynaha Shiinaha oo iyana ka qeybgalaya dibaxbax kale oo kaa soo horjeeda oo lagu taageerayo ciidammada booliska ee Hong Kong, kuwaas oo lagu eedeeyay inay awood badan u isticmaaleen dibadbaxayaasha.

Kooxaha mucaaradka ayaa Axadda berri ah qorsheeynaya dibedbaxayo dheeraad ah iyagoo Isniintana doonaya in dhamaan magaalada ay ka dhigaan mudaaharaad aan loo kala harin.

Kummanaan shaqaalaha dowladda ah ayaa shalay ka qayb galay bannaanbaxyo ay ku taageerayeen mudaharaadayaasha dimuqraadiyad doonka ee Hong Kong, waxaanay ka biya diideen amar arintaa loogu diiday.

Waxay dheg u jalaqsiin waayeen digniinta dawladda oo sheegtay in looga baahanyahay in ay si buuxda daacad ugu ahaadaan Carrie Lam.

Qaar ka mid ah dibedbaxayaasha ayaa haatan dalbanaya in hogaamiyaha Hong Kong Carrie Lam ay iscasisho, waxayna sidoo kale ku baaqayaan in dimuqraadiyadd lagu dhaqmo.

.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Xukuumadda Beijing iyo ciidamada Shiinaha ayaa digniin adag ka soo saaray xasilooni darrada cirka isku sii shareeraysa.

Ka dib laba bilood oo ay socdeen dibaxyo sababay sharciga dib u celinta ayay ilaa hatan jirin wax ka soo naasa caddaaday iyadoo ay labada dhinacba ay mawqifkooda ku adag-yihiin.

In kastoo ay dawladda haatan hakisay dib u celinta dadka ku nool Hong-kong ayay haddana dibedbaxayaasha sii wadaan banaanbaxayada iyagoo dowladda ka dalbanaya in gebi-ahaanba meesha ka saarto sharcigaasi.