Kashmiir maxaa ka socdo maxayna muhiim u tahay?

Mudaharadyo iska soo horjeeda o go'aankaasi ku saabsan ayaa dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mudaharadyo iska soo horjeeda o go'aankaasi ku saabsan ayaa dhacay

Xukumadda Hindiya uu hoggaanka u hayo xisbiga BJP ayaa go'aan ka gaaray in hoos loo dhigo awoodda madaxbannaanida Gobollada Jammu iyo Kashmiir toddobaatan sano kaddib, go'aankaasi oo ay Delhi ku sheegtay mid lagu saxayo "Khaladaad taariikhi ah." Haddaba wariyaha BBC uga soo warrama Delhi Geeta Pandeyayaa ayaa sharraxaad ka bixinaya dhacdadan cusub iyo waxa ay muhiim u tahay.

Arrinta Kashmiir maxaa looga muransan yahay?

Kashmiir ayaa ah gobol ay ku muransan yihiin Hindiya iyo Pakistaan waxayna dhammaantood sheeganayaan iney gobolku leeyihiin.

Dhulka Muranka uu ka dhaxeeyo ayaa ah gobollada Jammu iyo Kashmiir, wuxuuna dhulkan uu dhulka Hindiya uu ka mid noqday 1947-kii, waxaana gobolka laba u sii kala qaybiyey guumeystihi Britishka oo kala raaciyey labada dal.

Hindiya iyo Pakistaan waxaa marar badan gobolkaasi ku dhex maray dagaallo oo ay dhulal ku kala qabsadeen, iyada oo ay dagaalladu xabbad joojin iyo heshiisyo ku meel gaar ah ku istaagayeen.

Gobolka Kashmiir dhanka ay maamusho Hindiya muddo 30 sana ah waxaa ka dhacayey rabshado iyo qulqulatooyin joogta ah oo ay halkaasi ka wadeen kooxa goonii u goosad ah oo ka dagaallama gobolkaasi kana soo horjeeda gacan ku haynta Hindiya ee gobolkaasi.

Hadda maxaa dhacaya?

Maalmihi ugu horreeyay ee bishan August, waxaa soo baxay astaamaha dhowr ah oo uga sii daraya xaaladda Kashmiir.

Tobannaan kun oo ka mid ah ciidamada Hindiya oo dheeraad ah ayaa la geeyey Kashmiir, munaasabadda diiniga ee ugu weyn Hinduuga ayaa la joojiyey, iskuullada iyo kulliyadaha waxbarashada ayaa albaabbada loo xiray, dalxiisayaasha gobolkaasi ku sugnaana waxaa lagu wargeliyey iney degdeg uga baxaan, waxaana hakad la geliyey adeegyada isgaarsiinta sida teleefannada iyo interneetka, madaxdi gobolkaasi ka arrimineysayna waxaa la geliyey xabsi guri.

Tallaabbooyinkaasi ay xukumadda Delhi qaadday intooda badan ayaa ah mid ka hor imanayo qodobka 35A ee dastuurka dalka Hindiya, oo xuquuqaha gaarka ah siinayey shucuubta qaarkood in la nasakhayo.

Dowladduna waxay sheegtay in qodobka 370, qodob hoosaadka 35A ee ka midka ah inuu aasaas u ahaa xiriirka aan wanaagsaneyn oo ay Hindiya muddo 70 sana ah la lahayd Kashmiir.

Hindiya xiriirka ay sanada badan la lahayd ma ahayn mid wanaagsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hindiya xiriirka ay sanada badan la lahayd ma ahayn mid wanaagsan

Qodobka 370 muhiimad noocee ah ayuu leeyahay?

Qodobka wuxuu gobolkan uu siinayey xoogaha madax bannaani iyo ismamul gooni ah, oo ay ka mid yihiin dastuur u gaar ah, calan u gaar ah iyo iney xor u yihiin iney shuruuc soo saartaan. Arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo isgaarsiintana ay tahay awood ay la hareyso dowladda dhexe.

Kaddib Jammu iyo Kashmiir sharci u gaar ah oo ku saabsan degganaashaha, lahaanshaha iyo xuquuda aasaasiga ah ayey sameeysteen. Waxayna sida oo kale sharcigoodaasi ay ku mamnuuceen shacabka Hindiya ee ka imanaya Kashmiir meel ka baxsan iney hanti ku yeeshaan iyo iney degaan intaba.

Maxay dowladdu sidaa u sameeyay?

Ra'isal wasaare Narendra Modi iyo xisbiga Hinduuga ee Bharatiya Janata ayaa ka mid ah kuwa sida weyn uga soo horjeeday qodobka 370, iyaga oo in laga laabtana ugu ololeeyey doorashadii sanadkan 2019-ka dhacday.

Tallaabbadan ay Isniinti qadday xukumadda Hindiya iyo dhleeceynta ka dhalatay ayaa waxaa lala xidhiidhiyey dhqaalaha aadka u gaabiyo oo Hindiya hadda soo wajahay ay dowladda ku dooneyso iney shacabka dalkaasi ku marin habaabiso go'aannada Kashmiir.

Dad badan oo ka soo jeedo Kashmiir ayaa aaminsan xisbiga BJP inuu doonayo inuu gobolka ay muslimiinta ku badan yihiin uu wax ka beddelo, uuna doonayo dadka aan gobolka Kaashmiir u dhalan iney dhul halkaasi ka iibsadaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Amit Shah hadalka uu baarlamaanka dalka Hindiya ka horsheegay Isniinti ayaa la yaab ku noqotay shacabka Hindiya qaarkood, wuxuuna hadalkaasi u muuqday dowladda iney tallaabbo u qaadday iney go'aankeeda meel mariso.

Tallaabbada ayaa sida oo kale lagu macneeyey mid lagu muujinayo rabitaanka Mr Modi iyo xisbigiisa BJP inuu xaaladda Kashmiir iyo Pakistan uu ka taagan yahay mowqif adag.

Hinduuga siyaasaddooda tahay garabka midig oo go'aanka soo dhaweeyey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hinduuga siyaasaddooda tahay garabka midig oo go'aanka soo dhaweeyey

Maxaa isbeddelaya?

Kashmiir ma yeelan doonto dastuur u gaar oo waxay noqon doontaa mid ku dhaqanto dastuurka dalka Hindiya u yaallo si la mid ah gobollada kale ee dalkaasi.

Waxaana Kashmiir si buuxda uga dhaqan galayo dhammaan shuruucda dalka Hindiya u yaalla, dadka ka imanaya gobollada kale ee Hindiya waxay xaq u yeelanayaan iney hanti ama adhul ka iibsadaan gobolka Kashmiir.

Xukumadda Delhina waxay sheegtay iney tallaabbadan ay gobolka u horseedeyso horumar.

Mr Shah oo baarlamaanka Hindiya Isniinti ka sheegay arrin lala fajacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Shah oo baarlamaanka Hindiya Isniinti ka sheegay arrin lala fajacay

"Waxaan doonayaa inaan idiin sheego shacabka Jammu iyo Kashmiir iney si weyn u waxyeelleeyeen qodobbada 370 iyo 35A," ayuu yiri Mr Shah oo baarlamnaka Isniinti u warramayey. "Qodobbada aan kor ku soo sheegay dartood dimuqraadiyadda si buuxda ugama dhaqan gelin Kashmiir, waxaa ku baahay musuqmaasuqa, wax horumar ahna kama socdo."

Dowladduna waxay dooneysaa ayuu yiri iney Kashmiir ay u qaybiso laba gobol oo hoos taga dowladda dhexe. Gobol wuxuu noqonayaa mid ay Muslimiinta aqlabiyad ka yihiin ee Kashmiir, iyo Gobolka Jammu oo ay aqlabiyad ka noqonayaan Buddhist oo aad ugu dhow gobolka Tibet.

Arrimahani oo dhan ma yihiin kuwo sharci ah?

Sida uu dhigayo dastuurka dalka Hindiya qodobkiisa 370 waxaa wax laga beddelayaa oo keli ah "dowlad Goboleed". Iyada oo ay dowlad goboleedyada Jammuu iyo Kashmiir ay muddo sanad ahba ay jireen.

Khabiir ku takhasusay dastuurka oo lagu magacaabo, Subhash Kashyap oo u warramay wakaaladda wararka Hindiya ee ANI ayaa amar dowladda ka soo baxay ku tilmaamay "Mid awood dastuuri ah leh", "Khalad dhinaca sharciga ama dastuurka ah oo aan ku arkay ma jirto".

.
Qoraalka sawirka, Hindiya iyo Pakistan ayaa wada maamula Kashmiir

Hase yeeshee Khabiir kale oo isna dastuurka ku takhasusay oo lagu magacaabo, AG Noorani oo BBC Hindi u warramay wuxuu sheegay, "Go'aanka waa mid sharci darra ah, waana been abuur", waxaana go'aankaasi lala tiigsan doonaa maxkamadda sare.

Xisbiyada mucaaradka ayaa billaabay iney go'aankaasi si sharci ah isku hor taagaan balse arrinta Kasmiir ayas shacab badan oo dalka Hindiya u dhashay dareen gaar ah u leh, halka ay xisbiyada qaarna ay aaminsan yihiin go'aankaasi oo laga soo horjeesto ay halis ku yihiin dalka Hindiya.

Wuxuuna caqabad u horseedi doonaa shaqsiyaadka iyo dadka arrimahan u dhaqdhaqaaqa.

Hindiya iyo Pakistan ayaa wada sheegta gobolkan ay muslimiintu ku badan yihiin, balse labada dowladood ayaa kala qeybsaday maamulka gobolka.

Labada dal ayaa 4 jeer isdagaalay wixii ka dambeeyay markii uu gumeystihii Ingiriiska ka tagay halkaas sanadkii 1947-kii, inta badan colaadahana waxay salka ku hayeen lahaanshaha gobolkaas.

Xisadda ayaa soo cusboonaatay bishii Febraayo ee sanadkan, ka dib markii ay kooxa fallaaga ah oo uu fadhigoodu yahay Pakistan ay weerar ku dileen 40 askari oo Hindi ah, arrintaas ayaana dib usoo nooleysay dhaqdhaqaaqyada milatari ee labada dal.