Samsung oo lagu dacweeyey taleefannada ay sheegtay iney biyuhu gelin

Taleefan Samsung oo biya ku dhex jiro

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Samsung oo xayeysiinayso taleefanka ay sheegtay iney biyuhu gelin

Sharci yaqaanno u doodaya Macamiisha dalka Australia ayaa shirkadda Samsung ku eedeeyey iney shirkaddu ay dadka ku marin habaabisay iyada oo sheegtay in taleefannada cusub lala dabaalan karo oo ay biyuhu gelin.

Waxayna sharciyaqaannada macamiisha Samsung ee Australia ACCC ay ku doodayaan taleefannada ay shirkaddu sheegtay in lala dabaalan karo oo ay biyuhu gelin ay tahay been macamiisha taleefannadaasi isticmaala lagu marin hababiyey.

ACCC waxay sheegtay inay baaritaan ku saameysay 300 ka mid ah taleefannadaasi cusub oo ay soo saartay shirkadda Samsung.

Shirkadda Samsung waxay wakaaladda Reuters ay u sheegtay iney eedda loo soo jeediyey ay si sharci ah uga jawaabeyso.

Baaritaanka la sameeyey

ACCC warbixintan ay soo saartay oo ay ku eedeyneyso shirkadda Samsung ayaa waxay ka duuleen xayaysiiska ay shirkadda taleefanka cusub ku sameeysay oo ay sawirkiisa baahisay taleefanka oo biya ku dhex jiro.

Waxayna shirkaddu sheegtay iney taleefanka biya gelin isla-markaana uu taleefanka wakhti badan uu shaqeeynayo.

Xayaysiiska shirkadda Samsung waxay sheegtay taleefanka biyaha uusan galeyn xataa haddii lala dabaasho uu noociisu yahay IP64, iney biyaha milixda ay ku sheegin iney geli karaan iyo in lala dabaasho midna balse ay sheegeen biya haddii ay ku daataan iney galeyn.

Isla shabakadda boggeeda waxaa lagu baahiyey xayasiis kale oo ay macamiisheeda isticmaala taleefannada Galaxy S10 ay uga digtay iney taleefannadooda biyaha ka ilaaliyaan.

Ugu dambeyna, waxay ACCC ay shirkadda Samsung ku eedeysay talefanna ay baaritaan ku filan ku sameeyn iney ku xasiiyeen boggooda iyo baraha bulshada.

Haddii dacwaddan shirkadda Samsung lagaga gar helo waxay shirkaddu muteysaneysa ganaax aad u adag.