Madaxii shirkadda Samsung oo is casilay

Madaxa Shirkiadda Samsung Kwon Oh-Hyun

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxa Shirkiadda Samsung Kwon Oh-Hyun

Agaasimaha fulinta ee shirkadda tiknoolajiyada laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ee Samsung, ayaa iscasilay.

Kwon Oh-Hyun ayaa sheegay in la gaaray xiligii shirkadda ay hogaamini lahayeen dhalinyaro.

Waa dhibaatoyinkii ugu dambeeyay ee soo gaaray iyadoo isla sanadkan maxkamad ku taala magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay Lee Jae-yong oo leh dhaxalka shirkadda Samsung sababo la xiriira dambiyo musuqmaasuq.

Lee Jae-yong guddoomiyihii hore ee shirkadda Sansung ee xabsiga loo taxaabay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Lee Jae-yong guddoomiyihii hore ee shirkadda Sansung ee xabsiga loo taxaabay

Maxkamadda ayaa Lee ku heshey in uu laaluush siiyey dowladda, isla markaasina ka filayay in loo eexdo isaga.

Dacwaddan ayaa salka ku haysa fadeexado musuq ah oo horseeday in madaxweynihii hore ee dalkaa xilka laga qaado

Mr Kwon waxaa la filayay in u kaalin weyn ka qaato horumarka dhanka ganacsiga shariikadan.