Haweenay iibsatay kabihii yaallay dukaan dhan

.

Xigashada Sawirka, ADDY TRITT

Qoraalka sawirka, .

Qaar ka mid ah gobalada galbeedka ayaa waxaa ku dhuftay fatahaad xoogan todobaadyo ka hor,waxaana laga daad gureyay kumanaan qof iyada oo sidoo kale daadadku burburiyeen dhul beereed baaxad leh .

Dad badan oo ku sugan gobaladda Iowa, Nebraska, Wisconsin, Minnesota iyo South Dakota ayaa sameyay dadaalo aan badneyn kuwaas oo si tartiib tartiib ah uga soo laabanaya xaafadahooda

Sawirrada lagu baahiyay warbaahinta dalka oo dhan ayaa dhaliyay in dad badan ay raadiyaan habab ay ku caawiyaan dadka dhibtu haysato.

Waa kuwaan qaar ka mid ah ficilada muujinaya naxariista kadib dhibkii dhacay.

Markii Addy Tritt, 25 jir ah ayaa ogaatay in uu burburayo dukaan ay horey kabo uga gadan jirtay isla markaana u sameeyn jiray qiimo dhimis sidaas darteed ayay go'aan ku gaartay in ay dhamaan ka iibsato kabihii yiilay..

Ms Tritt ayaa intaas kadib 204 oo kabo ah qiima ahaana gaaraya $6,000 oo dollar ugu deeqday qoysaska fatahaaduhu saameyeen.

Kadib muddo labo saacadood ah oo wada hadal kula jirtay madaxa dukaanka waxaa ay bixisay lacag gaaraysa $100 doolar.

.

Xigashada Sawirka, Addy Tritt

Qoraalka sawirka, .

Kabaha oo gaaraya 162 joog ayaa isugu jira kuwa caruurta yar yar,ragg iyo haween intaba sida ay sheegtay wakaaladda wararka AP.

"Kabo kasta ayaa ka wanaagsan kuwa qoyan ayay tiri "Ms Tritt

Dadka ayay ku boorisay in la caawiyo dadka dhibaataysan iyadda oo muujisay in ay mudanyihiin in xanuunka lala qaybsado.

Kabaha ayaa ka mid ah shixnado loo diray magaalada Nebraska waxaana abaabulay kooxo beeraley maxalli ah

Pete Ricketts oo ah gudoomiyaha Nebraska ayaa sheegay in dadka beeraleyda ah ay yihiin kuwa ay ku dhacday dhibaatada ugu badan taasi oo ku tilmaamay in ay tahay wax aan taariikhda horey uga dhicin gobalka.

Jaziiradda Nebraska!'

Wadooyin badan oo gobalka ah ayaa waxaa xiray biyo ka dhashay daadadka waxaana halkaasi ka socata badbaadinta dadka biyuhu xanibeen,waxaana samata bixinta dadka ka qayb qaadanaya diyaaradaha qumaatiga ukaca iyo gaadiid kale.

Adam Marshall, oo mudd sedax sano ahaa duuliye ayaa Tv-ga CNN u sheegay in uu sameyay ilaa 30 duulimaad si uu uga qayb qaato caawinta dadka.

Gary Fouraker, oo ku dhex jira fatahaado culus ayaa loola cararay isbitaal kaddib markii dhaqaatiirtu ay uga shakiyeen in dhiig uu uga furmay samabada .

Sikastaba, majirin fursad xaaskiisa Marcia ay kula safri kartay diyaaradi helikbtarka ahayd ee lagu qaaday.

" Waligay uma baqin sida aan u baqay xiligaasi", ayay ku tiri Ms Fouraker CNN. "Wadooyinku ma aysan furneyn."

Mr Marshal ayaa u yimid si uu u samatabixiyo, waxuuna Ms Fouraker geeyay dhinaca seygeeda saacad kadib.

"Dhab ahaantii waan jecleystay sida uu sameeyay, isaga iyo duuliyayaasha kale ee usoo baxay inay dadka caawiyaan, " ayay tiri MS Fouraker.

Derek Jilek, oo kasoo jeeda waqooyiga Dakota, ayaa ogaa inuu doonayo inuu caawiyo markii uu arkay sawirada beeraha ay fatahaadu saameysay ee guud ahaan gobolada dhexe.

Wuxuu soo dhigay barta facebooka isagoo u yeeraya " dadka beertiisa iyo beeraha jiiraanka la ah ku sugan" si ay ay ugu tabarucaan jawaano ciid ah dadka ay fatahaadu ku dhufatay.

Meelo badan oo dhulka beeraha ah ayaa fatahaadu burburisay, iyadoo beeraley badan ay la tacaalayaan inay quudiyaan xoolahooda.

Wax ku bilowday dedaalo yar oo tabarucaad lagu aruurinayay ayaa isku bedelay sagaal gawaari oo xamuul ah oo siday qalabka beeraha iyo sahay lagu qiyaasay kumanaan kun oo doolar.