Nin falaar lagu ganay oo uu gaashaan u noqday taleefoon

Taleefoonka falaarta hakiyay

Xigashada Sawirka, NSW POLICE

Qoraalka sawirka, Taleefoonka falaarta hakiyay

Taleefoonada waxa ay noqon karaan kuwa badbaadiya nafta dadka- gaar ahaan marka wax dhibaato kuu geysanaya lagugu soo tuuro, ayna ku hagaagaan halka uu taleefoonka kuugu jiro.

Nin 43 jir ah oo u dhashay dalka Australia ayay xaaladaasi qabsatay kadib markii uu weerar kala kulmay nin kale sida ay sheegeen booliiska dalkaas.

Booliiska waxa ay sheegeen in ninka lagu qaaday weerar falaar isaga oo gurigiisa hortaagan, kadibna ninkas soo waararay ayaa damcay in uu muuqaal ka duubo kii kale ee soo weeraray.

Falaarta ayaa haleeshay taleefoonka sida sawirka ka muuqata, waxayna wax yar u jirsatay in ay ku dhacdo jirkiisa, taas oo uu dhibaato badan kala kulmi lahaa.

Taleefoonkii ayaa wajiga kaga dhacay ninka, balse dhaawac sidaas u weyn uusan soo gaarin.

Booliiska ayaa dacwad ku oogay ninkii falaarta ganay

Xigashada Sawirka, NSW POLICE

Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa dacwad ku oogay ninkii falaarta ganay

Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Nimbin ee New South Wales oo 180km u jirta magaalada Brisbane