Malaayiin taleefoon oo Maraykanka yaalla oo loo diray "digniinta Trump"

Trump Alert

Xigashada Sawirka, Getty Images/Reuters

In kabadan 200 oo milyan oo taleefoonnada Maraykanka lagu isticmaalo ah ayaa loo diray "digniin madaxweyne."

Tijaabadan ayaa loogu talagalay in lagu ogaado in uu shaqaynayo hab hore oo aan la isticmaalin oo dadka lagu wargaliyo.

Si ka duwan digniinaha kale sida kuwa masiibooyinka dabiiciga ah - ma jirto qaab uu qofku isaga joojin karo haddii uusan taleefanka daminin ama internetka iska xirin.

Dadka qaar ayaa tijaabadan ugu yeeray "digniintii Trump" balse madaxweynaha Maraykanku shaqsiyan qayb kama ahayn tijaabadaas.

Taas baddalkeedana tijaabadan dalka oo dhan laga sameeyay waxaa fuliyay Waaxda Xaaladaha Degdegga ah ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo Fema, taas oo si toos ah umaamuli lahayd habkan haddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si dhab ah u amri lahaa in fariin ama digniin la diro.

Waxaa loogu talogalay in loo adeegsado gudbinta digniinaha waawayn ee ay ka mid yihiin:

  • Weerarro gantaallo
  • Falalka argagixisada
  • Masiibooyinka dabiiciga ah
Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

"Wargalinta la soo diray ayaa shaashadda taleefoonnada ka soo muuqatay waxayna u qornayd sidan "WAA TIJAABO". Mana jirto ficil lagaa rabo in aad samayso.

New York

Xigashada Sawirka, Getty Images