Guri ay qoys leeyihiin oo ku yaala xeebta New York oo uu baraf qariyay

Xigashada Sawirka, Maureen Whelan
Cimiladda qaboow iyo dabeylo dhado wata ayaa guri ku yaala magaalada New York ka dhigay mid baraf dhagax ah.
Guriga waxaa leh qoyska haweenayda lagu magacaabo Maureen Whelan, waxayna degenaayeen muddo 85 sano ah, waligoodna ma aysan arag wax tan la mid ah.
Waxa ay wada deganyihiin walaalkeed iyo walaasheed, iyaga ayaana isku dayay in ay barafka ka ridaan guriga.
Xagga hoose ka eeg sida uu gurigan markii hore ahaan jiray.

Xigashada Sawirka, Maureen Whelan
Maureen waxa ay sheegtay in ay illo u jeexeen guriga si barafka milmaya biyihiisa ay ugu qulqulaan, si loo yareeyo qasaare ka yimaada biyaha badan ee guriga ku fadhiya.
Guriga maadaamaa uusan ku oolin aag aanay daadadka saamayn, qolyaha ceeymiska ma bixinayaan qasaaraha laga yaabo in uu gaaray.
Wariye maxali ah ayaa soo dhigay qoraalkan bartiisa Facebook-ga isaga oo ku sheegaya sida ay ula tacaalayaan waxa dhacay iyaga oo faraxsan.

Wariye saadaasha hawada Nick Miller ayaa sheegay in dabeylihii darnaa ee dhacay in biyaha lagta meesha marta ay kusoo firdhiyeen guriga, sidaasna ku barafoobeen.










