Libaax dhal ah oo laga helay guri Faransiiska ku yaalla

Xigashada Sawirka, PA
Wiil soddon jir ah ayaa la xiray ka dib markii libaax dhal ah laga helay dhismo deegaan ah oo ku yaala magaalada Paris.
Sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiisku booliiska ayaa la wargaliyay markii ninkan uu isku dayay in uu 11,470 oo doolarka Maraykanka ah ku gado libaaxa oo lix toddobaad dhalanaa.
Waxaa la helay isaga oo ku dhuumanaya armaajada guri ay daris yihiin iyo libaaxii oo ku jira sariirta carruurta lagu seexiyo.
Libaaxaya ayaa la sheegay in uu caafimaad qabo, waxaana la wareegay waaxda duurjoogta.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Wargayska Le Parisien ayaa ku warramay in qofka laga shakisan yahay horay loogu xukumay xatooyo.
Ma aha markii koobaad oo la arko qof si sharci darro ah u haysta libaax.
Sannadkii 2017-dii ayay booliisku Paris ka heleen libaax dhal ah oo ku jira guri maran oo Paris ku yaalla, kaas oo uu halkaas ku ogaa nin sawirro la galay.
Sheekadaas ayaase si qurux badan ku dhammaatay ka dib markii libaaxii yaraa dib u dajin looga sameeyay beer xayawaanka lagu xannaaneeyo oo Koonfur Afrika ku taalla.










