Gool dishay Aarkii ilmaha ka dhalay

Lama oga sababta ay Zuri u dishay Odaygeeda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Lama oga sababta ay Zuri u dishay Odaygeeda

Gool Libaax ayaa ku dishay aabaha seddexdeeda ilmood, goob lagu hayo ugaarta oo ku taalla waddanka Maraykanka, sida ay saraakiil sheegeen.

Zuri oo 12 jir ah ayaa weerartay Nyack oo 10 jir ahaa, ayadoo shaqaalihii ka shaqaynayey goobtaas lagu hayo ugaarta ay kala qaban waayeen. Aarka ayaa u dhintay neef qabatoobid.

Muddo siddeed sano ah ayey ku wada noolaayeen goobtaas, waxayna isku dhaleen seddex ilmood.

Farriin ay Facebook soo dhigeen ayey shaqaalaha goobtaas lagu hayo ugaarta ku sheegeen in ay samayn doonaan "dib u eegid dhamaystiran", si ay u ogaadaan wixii dhacay.

"Nyack wuxuu ahaa Aar cajiib ah, aad baanan u tabi doonnaa" ayaa lagu yiri.

Shaqaaluhu waxay sheegeen in ay ku soo baraarugeen guux aan caadi ahayn oo ka soo baxayey halka ay libaaxyadu ku xaraysnaayeen.

Zuri waxay cunaha ku dhegtay Nyack, si walba oo la isugu dayey in looga fujiyana laguma guulaysan, waxayna dhuuntiisa ku dhegenayd ilaa uu dhaqaaq oo dhan joojiyey.

"Shaqaaluhu xiriir shaqsi ah ayey la yeesheen ugaartaas, geeri kasta oo ku timaadana waa mid si weyn noo saamaynaysa" sidaa waxaa u sheegay wakaaladda Reuters madaxa xaruntaas ku taalla Indianapolis, David Hagan. "In badan oo naga mid ah wuxuu u ahaa sidii xubin ka mid ah qoyskooda" ayuu ku sii daray.

Shaqaaluhu waxay sheegeen inay tabi doonaan Nyack

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaaluhu waxay sheegeen inay tabi doonaan Nyack

Hadalka ay soo saareen waxay ku sheegeen in aysan jirin wax isbeddel qorshe ah oo lagu beddelayo sida loo maamulo ugaarta ku jirta halka ay ku xaraysan yihiin ee lagu daawado.

Xarunta ayaa samaynaysa dib u eegid, si ay u fahanto wixii dhacay.

Libaaxadda dheddig ee loo yaqaanno Goosha ayaa kaymaha ama dhulka baadiyaha ah ku weerarta libaaxyada Lab ee aarka loo yaqaanno, dagaalladaas qaarkoodna filimo ayaa laga duubay.