Siddeed arday oo lagu dhaawacay irbad shactiro looga gol lahaa

Xigashada Sawirka, .
Arday irbad warfinaya ayaa mudmuday siddeed dhallinyaro ah isaga oo "shactiro uga jeeda" waxayna arrintaasi ka dhacay galbeedka Sydney, sida ay masuuliyiinta dalka Australia sheegeen.
Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa looga wacay iskuulka Plumpton High School Khamiistii, ka dib markii ay soo yeertay in tooriyayn ay halkaas ka dhacday.
Ardayda ayaa laga helay "dulduleello yar oo irbado" dhaawacyo waawaynna lagama helin, ayuu yiri booliiska gobolka New South Wales.
"Ardayga ayaa samaynayay wax u muuqday shactiro taas oo uu u adeegsaday irbad," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay booliiska.
Ardayda irbadda lagu mudmuday ayaa laga qaaday dhiig, taxaddar ahaan, gacmaha iyo lugaha ayaana irbadda laga galgaliyay, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka caafimaadka ee degdegga ah.
Booliiska ayaan wali la hadlin qofkii lagu eedeeyay in uu arritaas gaystay.






